Maayar Shucayb Oo Ku Fashilmay Mudaharaadadii Uu Abaabulayay Iyo Jamaal Cali Xuseen Oo Si Aan Kala Hadh Lahayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Gabiley + Sawiro
“Reer Gabiley Doraad Awdal-bay U Codeeyeen Oo Daahir Riyaale Ayay Soo Saareen , Shaleyna Reer Burco Ayey U Codeeyeen Oo Siilaanyo Ayey Soo Saareen , Maantana Iyaga Ayaa Isku Codeynaya Goboladii Ay Hore Ugu Codeeyeen Abaalkii Bay Ka Doonayaa “Gudoomiye Ku-Xigeenka Ucid Muj Cali Guray .
Ma Waxa Aad Aragtay Xukuumad Abaabusha Mudaharaadada Iyo Rabshadaha ,Waxaanu Arki Jirnay Uun Xukuumad Ka Hor Tagta Oo Ka Wacyi Galisa Bulshada Rabshadaha ” Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi Oo U Duur Xulay Maayar Shucayb .
Aniga Xisbigii Udub Ayaa Iga Dumay Oo Waligay Xisbi Kale Maan Galin , Intaana Waxaan Ka Fiirsanayay Xisbigii Aan Ku Biiri Lahaa Laakiin Maanta Waxaan Si Toos Ah Ugu Biiray Xisbiga Ucid “ Hooyo Caasha Baar .