Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland.
Fadhiga maanta oo uu Gudoominayay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa mudaneyaasha looga akhriyay Khibrada aqooneed iyo shaqo ee 7 Xubnood ee Komishanka, iyadoo ka dibna cod gacan taag ah lagu ansixiyay.
Fadhiga oo ay goob joog ka ahaayeen 70 Mudane, waxaa mid mid loogu codeeyay todobada xubnood ee Komishanka, waxaana dhamaantood Ogolaaday in la ansixiyo 69 Mudane, halka Gudoomiyuhuna aanu codayn, sidoo kale ma jirin cid diida iyo cid ka aamustay toona.
Guddida ayaa la filayaa in hawlaheeda ay si rasmi ah u bilawdo, iyagoo ka mid ahaa qodobada ugu culus ee ka dhiman tabaabushaha doorashada sanadka dambe.