HALKAN KA DAALLACO: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Si Shakhsi Ah Isugu Wareejiyay Gurigii Hore Ee Hay’adda OXFAM Degenaan Jirtay

0
33

Hargeysa (Hubaal) – Todobaad iyo maalmo ka hor ayey ahayd markii wasiir ka mid ah wasiirada ugu tunka waaweyn xukumada Siilanyo, hayb ahaana oday siilanyo is-xigaan uu ku eedeeyay xukumadii Rayaale inay dad shiciba guryo siisey oo hibo ku sheegtay,ha yeeshee taa bedelkeeda wuxuu ku afgobaadsadey in xukumadoodu waa xukumada siilanyo’e iibiso Guryaha & Dhulka Dawlada, lacagtay ka heshana ku shubto Baanka oo Miisaaniyada Qaranka ka muuqato,Maxaase tolo ka run ah warkaa wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi?. Wasiir maxamuud Xaashi laftiisa dib baynu u soo bandhigi xogihiisa qarsoon ee qarannews heshay iyo weliba hantiduu yeeshay Gudo & Debedba mudadii 4 sanadood iyo dhawrka Bilood ahayd ee uu wasiirka Duulista Hawada laakiin Qormadan meel kale ayuu sahankeenu ku jeedaa.

Ugu Horeyn inagaan faallo dheer iyo naqishaad gelin akhriste “Waayeel hortiisa Caano lagu badhxaaye” waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa Guri weyn (Kaanbool) oo balaadhan ilaahaybaa weynoo balaadhane oo Hanti Qaran ah oo ku fadhiya baaxad Dhul oo lagu qiyaasey 100Mx60M, kuna diiwangashan Sumada Lr.A/88.Gurigan oo ah laba wajahadle,laba jidle (laba Istiriitle) haddaan si kale u dhignana waa Guriga ugu weyn Guryaha Dawlada Magaalada Hargeysa ku yaala ,waxaana hore u deganaan Jirtay oo ka guurtay Hayada OXFAM-UK.

Gurigan oo ka mid ah Guryaha dawlada wuxuu ka kooban yahay laba dhisme, Guri hore u dhisnaa oo qadiima oo Waqti hore la dhisay oo Hayada OXFAM dayactir buuxa ku samaysay iyo Guri cusub oo Fillo ah oo OXFAM lafteedu halkaa ka qotomisay oo ay xafiisyo u istcimaali jirtay,Calaashan Kaanboolka gudaha waxaa ku yaala laba Dhisme (Guri) oo waaweyn,waxaa intaas dheer Qeybyar oo Service-ah.

Yeelkeede,Waxaanu akhristayaal halkan iidinku soo gudbinaynaa Wareegto uu madaxweyne Siilanyo ku mulkisiiyey wasiirka wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan gurigaas weyn ee balaadhan ee aynu faalaynay ee Hayada OXFAM-UK deganaan jirtay.

Halkan ka akhri Wareegtada iyo macluumadkay xanbaarsan tahay

Marka warbixinta Gurigu sidaas tahay, Wasiir Sheekh Cabdicasiis Samaalena Idaacadaha iyo Shaashada TV-yada la taagan yahay Madaxweyne Siilanyo musumaasuq & mulukh-mulukh ma yaqaano oo hantida u dhiibateen ayuu idiin ilaaliyaa oo sideedii u hayaa maxaa ka run ah?, Nin weyn oo aamusi waayey oo TV-ga uun taagan kelmadaasna ku celcelinayaa allaylehe wax buu ogyahay, war buu hayaa ee iska qaylin maayo,Yaa musumaasuqan tirada beelay iyo dhulboobka Hantida Qaranka horboodaya ama ka danbeeya Ma moorganbaa,Ma Marwadaa,Ma Ra’iisal wasaare Qarsoon Xirsibaa,Mise waa Sheikh Samaale laftiisaa! Bal adba!.

sirOk,Qadar yar Indhihiina I amaaneysiiya arintani (Wareegtadani) waxay i xasuusisey Qiso yar “Waxa la yidhi berigii hore ee culimadu dhulka Somalida ku yareyd ayaa Haweenay ninkeedii safar kaga maqnaa wiil umushay,Si loogu magac bixiyo ayaa Umusha Islaantii dhashay oo Reerka joogtay dhaqaaqday oo raadisey sheikhii ugu dhawaa beesha si uu wiilka ugu magac bixiyo, markay Shiikha oo ka yar durugsanaa Beesha gaadhey ee bariido bogtay ayey u sheegtay in qasdigeedu yahay Haweenay ay dhashay iyadu balse Ninkeedu safar kaga maqan yahay wiil umashay , Ajuuradiina u sido,doonaysana in wiilka loogu magac bixiyo oo weliba Axmed loo bixiyo,kikiki…Sheekhii ajuuradii ayuu qaatey, wiilkiina magacii Axmed ee ay wadatey ayuu ugu bixiyey.Calaashan waxaan uga jeedaa Malaa Warkaa Sheekh Samaale TV-yada la taagan yahay ee uu ku celceliyo ee Siilanyo Hantidiinuu idiin ilaaliyaa wax bartood baa ka jira oo Malahayga wareegtadan Ra’iisal- wasaaraha Qarsoon Xirsi ayaa soo qortay oo isku soo fuudhiyey oo odayga u yeedhiyey,odayguna saxeexa ayuu isku furdaamiyey.

Halkana ka akhri wareegto kale oo wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Dawdar oo wasaaradaas loo geystay in wax lagu musuqmaasuqaa ama qarsadaa u qoray Maayarka Hargeysa oo ku amraayo in Gurigaa laga saaro Hantida Dawlada oo mulkiyadiisa lagu wareejiyo Ra’iisal wasaaraha qarsoon Xirsi.

sir2Isku soo wada duuboo waxaad moodaa siday wax u wado ama u boobayso xukumada siilanyo inay quus tahay oo aanay rajo buuran ka qabin in dib loo doorto oo qaanac yihiin oo dalka boobayaan,ku darsoo waxay baro dhaafsiiyeen halkii Xukumadii Rayaale maraysay bishii ugu danbaysay Muddo xileedkeeda inkastoo Qoldan Reer Siilanyo Todoba bilood oo danbe u hadheen oo alla ha inaga badbaadiyee ay dalka diiran doonaan haddaan Bulshadu iska waabin,Xisbiyo Mucaarada oo weli adagi ma muuqdaane!.

Source Qarannews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here