Hargeysa(Hubaal) Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Kiiniya iyo weftigii la socday oo uu kia mid ahaa wadaad Baadari ah ayaa shalay xaflad Baroordiiq ah ugu sameeyey Askartii kaga dhimatay dagaaladdii Adduunka xabaala loo yaqaano kuwa Gaaladda eek u yaala Dooxa Hargeysa.
Safiirka Ingiriiska iyo Baadariga ayaa Baroor-diiqdan ku xusay Askartoodaasi, waxanay xabaalaha dhigeen Ubax, iyadoo ay kala qayb qaateen saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaas oo mudadii baroor-diiqdu socotay kaalin wax ku ool ah ka qaatay, maadaama Dawladda Ingiriisku gumaysan jirtay Somaliland, isla markaana taageero kala duwan imika siiso.
Dawladda Ingiriiska ayaa dhawr jeer oo hore xusas kuwan la mid ah u samaysay Askartooda ku aasan Hargeysa, waxaanay muuijyaan taariikhda ay ku lahaayeen Dhulkan, iyagoo xusa ciidamadii Reer Somaliland ee ka bar bar dagaalamayey kuwa Ingiriiska.