HALKAN KA DAALACO: Dawladda Boqor-tooyada Britain Oo Bulshadeeda Uga Digtay Inay U Baqoolaan Qaybo Ka Mid Ah Dal Ku Yaalla Geeska Afrika Oo Ay Hore Aad Ugu Kalsoonayd

0
34

HUBAAL KA AKHRI: Qoraal Digniin Ah Oo Dawladda Ingiriisku U Dirtay Muwaadiniintiisa, kaasi Oo Uu Shalay Xafiiska Qaabilsan Socdaalka ee Dalkaasi Soo Saaray

London (Hubaal):- Dawladda Ingiriiska, ayaa Muwaaddiniinta dalkeeda u dhashay uga digay inaanay iman karin ama tegi karin qaybo ka tirsan Waddanka Jabuuti ee aynu deriska nahay, isagoo sheegay in sababo dhinaca nabadgelyadooda la xidhiidha ay uga mabnuucayaan Muwaaddiniintooda imashada ama tegista Jabuuti.

Waxa sidaas lagu sheegay qoraal War-gelin iyo digniin ah oo uu soo saaray shalay Xafiiska dawladda Ingiriiska u qaabbilsan socdaalka, kaasoo Muwaadiniintooda ay ku waregeliyeen, isla markaana ugaga digeen inaanay u socdaalin qeybo ka tirsan dalka Jabuuti, sababo argaggixiso awgeed.

Qoraalka Digniintan oo shalay Xafiiska FCO ee socdaalka u qaabbilsan Ingiriisku soo saaray, ayaa lagu sheegay inay jirto halis weerarro argagaxiso, isla markaana aan weerarro dhaca meesha laga saari karo, oo halis ah, laguna soo qaado qoobaha inta badan ajaanibka iyo dalxiisayaasha ku kulmaan.

HALKAN KA Akhriso WArkan Oo Faahfaahsan iyo Nuxurka Qoraalka digniinta Ah ee Dawladda Ingiriiska

djnewzz

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here