Xisbiga Kulmiye oo Mudo dheer soo ahaa Mucaarid soo bandhiga Dhaliilihii Maamulkii ka horeeyay ee Hogaaminayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku ad adkaa Ilaalinta Xuquuqadka aasaasiga ee Muwaadinka iyo dhawrista Xoriyatul qawlka,Iyo iyagoo ka soo horjeeday Faragelin kasta oo lagula Kaco Saxaafada Madaxa Bannaan.
Way ku saxsanaayeen inay sidaa u hadlaan Waayo qodobo distoori ah oo ilaalintiisu Waajib qaran tahay ayay difaacayeen Kaas oo ah Qodobka 32aad ee Distoorka Somaliland Farqadiisa 3aad oo u dhigan “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.”