Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Xasan Siciid oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii farxad ayay inoo tahay inaan kala soo qeybgalno saddexdan shirkadood, Collert Consultancy, BiD Network iyo Spark ee iskaashanaya ee ku dhiiraday, inay ka hawlgalaan sidii ay u dhiirigelin lahaayeen maalgashiga qurba-jooga Somaliland.Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland waxay leedahay Wakaalada qurba-jooga dhaqaaluhu waa ka mid sidii aanu ugu dhiirigelin lahayn quba-jooga Somaliland inay dalkooda maalgashi ku sameystaan”
Sidoo kale waxa kulankan lagu soo bandhigay laba barnaamij oo ay hirgelinayaan hay’ddaha BiD Network iyo Spark.Waxa barnaamijkan loogu talagalay in la garab-qabto dadka ka ganacsada dhinaca wax soo saarka cuntada ama raba inay ka ganacsadaan mustaqbalka dhaw,waxaanu ka turjumayaa muhiimadda ay leedahay maalgashigu,walibana wax wada qabsiga ganacsadayaasha ku dhaqan Somaliland ee maalgashi u baahan iyo kaalinta qurbojooga.
Haddaba haddii aad ku fikiraysey in aad dalkaagii ka abuurto ganacsi ama shirkad ka hawlgasha dhinaca wax soosaarka cuntada, isla markaana taageero lacageed iyo khibradeed waad ka helaysa barnaamijka.