Ardayda kala duwan ee dhigata jaamacada hargeisa gaar ahaan 30 hablood oo ay haayada UNDP Siin jirtay scholar ship ah “women empowerment” haayadaas UNDP waxay damaanad qaaday in ilaa iyo intay jaamacada ku jiraan hablahaasi la siin doono lacag yar oo ah buug iyo bas raacooda ah. Dhamaan hablaha jaamacada dhigta ayaan qaadan wax lacag ah intii la badalay agaasimihii hore ee wasaarada waxbarashada AG. KHADAR hablahaas qaarkood ayaa cabasho xoogan ka muujisay lacagtaas yare e ay ka dhigan jireen baska iyo buugaagta halkaas oo ay tageen wasaarada waxbarashada laakin waxba loo qaban wayay.
Ardaydaas waxa ay ahaayeen arday danyar ah oo ay wasaaradu ugu deeqday scholarshipkan waxaanay intooda badan ahaayeen ardaydii ay dhaleen mujaahidiintii dalka soo xoraysay maanta kuwii wax la tari lahaa ayaa waxoogii la cunayaa waa ayaan daro iyo aayatiin xumo.
Waxaanu halkan baaq uga dirayaa wasaarada waxbarashada gaar ahaan wasiir samsam cabdi aadan oo ah wasiirad wanaagsan oo wax ka qaban karta arintan inay si dhaqsaa wax uga qabato.
Waxa Qortey: Sacdiya Ismaaciil Axmed
Hargeysa, Somaliland
Telefoon: 9106505