Hargeysa(Hubaal)-15 ktoobar 2007, waxa uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin amar ku bixiyay inay ciidanka qaranka oo degenaa deegaanka Adhicadeeye ay la wareegaan magaalada Lascanod oo markaas uu maamulka Puntland gacanta ku hayay, waxaanay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen magaalada Lascanod iyo deegaano badan oo Sool ah.
Ciidanka qaranka Somaliland, oo si fiican u diyaar garoobay, dagaal badan kalama uu kulmin magaalada Lascanod, waxaanay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa maleeshiyada Puntland ee Lascanod haystay. Shacabka Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay guushaas uu ciidanka qaranku gaadhay ee uu ku qabtay mid ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah ee ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Dawladdu waxay wakhtigaas bilowday barnaamijiyo siyaasi ah iyo kuwo horumarineed oo ay dhinac waday qabashada Lascanod oo loo fuliyay bulshada Lascanod.
Maamulkii Puntland ee wakhtigaasi wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu Somaliland uga horkeeni lahaa Beesha caalamka, mar haddii aanay Puntland lahayn awood ay iskaga caabido ciidanka qaranka Somaliland.
Madaxweynihii wakhtigaas ee Puntland Cadde Muuse, wuxuu beesha caalamka u kala diray dhambaalo dacwad ah oo ka dhan ah Somaliland, isagoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu Somaliland ku soo jeediyo indhaha beesha caalamka una tuso dawlad gardaro ku socota. Madaxweynihii ka dambeeyay Mr. Cabdiraxmaan Faroole ayaan isna u yaraysan dagaalka ka dhanka ah Somaliland.
Waxa xataa la bilaabay in weeraro joogto ah iyo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Lascanod, si beesha caalamka loogu sawiro inay Somaliland uga sii dartay ammaanka Lascanod. Qaraxyo tiro badan oo qorshaysan iyo weeraro ayaa lala beegsaday masuuliyiin reer Somaliland ah oo Lascanod ku sugnaa.
Intaas waxa dheeraa Madaxweynihii hore ee Somaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed, oo ahaa nin awood badan, xidhiidh fiicana la lahaa dawladaha jaarka iyo beesha caalamka, ayaa isna qayb muhiim ka ciyaaray sidii uu Dawladii Somaliland ee wakhtigaas ugu furi lahaa dacaayad iyo dagaalo diblomaasiyadeed. Shirjaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay magaalada Nayrobi ee Kenya, markii Lascanod la qabtay, wuxuu Somaliland ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo gobalka Sool, isagoo sheegay in isagoo madax ka ah dawladda Federaalka uu weerarka Somaliland la socodsiiyay beesha caalamka.
Waxa haddaba cajiib ah, in dawladii wakhtigaas ee Somaliland iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay ka badbaadeen dagaaladaas badan oo marka weerarada wakhtigan la eego ka tiro badnaa kana xoog badnaa. Waxay u babac dhigtay diblomaasiyadii Cabdillaahi Yuusuf iyo dagaalkii afka ee Cadde Muuse iyo Faroole, waxaanay dawladaha gobalka iyo Beesha caalamkaba ku qancisay inay Somaliland xaq u leedahay qabashada magaalada Lascanod.
Toddoba sanno ka dib
Toddoba sannadood ka dib oo uu talada Somaliland hayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu laba bilood ka hor amray inay ciidamada qaranka Somaliland gaadhaan magaalada Taleex. Wakhtigaas waxa uu ergayga Qaramada Midoobay Mr. Nicholas Kay sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay inuu ciidamada dib u celiyo. Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa isna sheegay inuu la hadlay Madaxweyne Siilaanyo, inkastoo ay xukuumadda Somaliland beenisay. Si ay u dhacdayba Somaliland dib ayay u soo celisay ciidamadii, iyadoo ay sheegeen inay soo dhameeyeen hawlgalkii ay Taleex u tageen.
Mar labaad ayuu bil ka hor Madaxweyne Siilaanyo, haddana amray inay ciidanka qaranku gaadhaan magaalada Taleex oo ay shir ku qabsanayeen kooxda Somaliland diidka ah ee Khaatumo. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, waxa subaxnimadii ay ciidanku gaadheen Taleex, Madaxweyne Siilaanyo Telefoon kula soo hadlay safiirada Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxaanay ka codsadeen inuu ciicdamada ka saaro Taleex, waxaanay dareensiiyeen caawimada ay Somailand siiyaan, inkastoo aanay si toos ah u siinin Somaliland wax caawimo ah. Sida uu warku sheegay Madaxweyne Siilaanyo wuxuu diblomaasiyiintaas la galay dood dheer, waxaanu ku adkaystay inaanu ciidankiisa ka soo saarayn Taleex oo ka tirsan xadka Somaliland. Waxaana lagu kala tagay iyadoo aanay reer galbeedku ku guulaysan ujeedadii ay u socdeen.
Saacado ka dib waxa ay saraakiishii reer galbeed ee Nayrobi fadhiday soo saareen warsaxaafadeed gef ku ah qaranimada Somaliland oo markii u horaysay la arkay noociisa. Waxa ay Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen in ciidanka Somaliland laga soo saaro gobalada Sool iyo Sanaag, oo ay ku tilmaameen gobalo lagu muransanyahay, iyagoo iska indho tiraya xaqiiqda taala xuduudka Somaliland. Maalintaas wixii ka dambeeyayna waxa ay reer Somaliland dareemeen inay bulshadii caalamku doorkan la soo safatay cadowga Somaliland.
Gunaanad
Marka la is barbar dhigo labadaas siyaasadood ee ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Rayale iyo Madaxweyne Siilaanyo, waxa la arkayaa faraqa u dhexeeya. Waana haddii si kale loo dhigo nooca xidhiidh ee ay la kala leeyihiin beesha caalamka.
Daahir Rayaale wuxuu ku guulaystay inuu Beesha caalamka ku qanciyo inaanay la soo safan cadowga Somaliland, iyadoo sida muuqata uu weerarka uu qaaday ciidanku ka hor ka sii shaqaysiiyay diblomaasiyadda. Sida la ogyahay wakhtigaas uu dhacay dagaalkii ay Somaliland kula wareegtay magaalada Lascanod, xubno wasiiro ah oo ka socday Somaliland ayaa ku sugnaa magaalooyinka Nayrobi iyo Addis Ababa, iyagoo halkaas u joogay inay ka hortagaan dagaal kasta oo dhinaca diblomaasiyadda ah.
Madaxweyne Siilaanyo, inkastoo uu ku saxsanaa dooda uu la dagalay diblomaasiyiinta Kenya kala soo hadashay, haddana waxa muuqata inuu gaabis ku yimid xidhiidhkii Somaliland iyo Beesha Caalamka. Waxaana hubanti ah in Madaxweyne Siilaanyo iyo Daahir Rayaale mid waliba markii uu talaabo milatari qaaday uu helay midhaha xidhiidhkiisa beesha caalamka.
Haddaba maadaama oo dowladnimada saxda ahi tahay in dal la horumariyo dantiisana laga horreysiiyo wax kale oo kasta waxaa qasab ah in hoggaamiye kasta oo yimaaddaa uu niyadda ku hayo in isaga iyo kii ka horreeyey isku dan u socdaan, wax qabadkooduna uu is dhamaystirayo, marka ay sidaas tahay waxaa ka dhalanaya sunnaha dowladnimo ee ah in hoggaamiye kastaa uu duruus ka qaato kii ka horreeyey oo wixii uu ku xoogganaa uu sii xoojiyo, gal-daloolooyinkiisii u muuqdayna uu gufeeyo. Waana midhka ka maqan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo markii ay talada qabatayba ku dhawaaqday in ay beddeshay siyaasaddii arirmaha dibadda ee dowladihii ka horreeyey balse aan illaa hadda wax midho ah laga arag siyaasad beddelkaas iyo nidaamkaas cusub ee ay in badan bulshada ugu celceliyeen marka laga reebo wada hadallada Soomaaliya oo u muuqda in ay fashilmeen qodobbadii illaa hadda lagu heshiiyey ee maamulista hawadu ugu horreysayna uu maamulka Muqdisho ku wacad furay Somaliland. Waa goor dambe laakiin weli waxaa jira fursado u bannaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo ay tahay in uu dib ugu noqdo xisaabtiisa dhinaca arrimaha dibadda iyo xidhiidhada uu la leeyahay dunida guud ahaan iyo si gaar ah dalalka deriska, waana mawduuc u baahan in intan ka badan aad loo sii lafa guro.