HALKAN KA AKHRI:Qorshaha Madaxtooyada Ee Doorashada Hogaanka Komishanka Doorashooyinka

0
20

Hargeysa (Hubaal)- Komishanka  cusub ee doorashooyinka oo ka kooban todoba xubnood oo la filayo inay xilka la wareegaan maanta, ayaa waxa soo baxay warar la xidhiidha qaabka doorashada Gudoomiyaha iyo ku-xigeenka kobishanka, isla markaana waxa la sheegayaa in Madaxtooyadu faragalisay.

Sida tibaaxeen xogo Wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo-wargaleen ah oo u dhuun-daloola xarakaadka la xidhiidha is doorashada Guddiga, shan ka mid ah oo isugu jira laba xubnood ee Guddoomiyaha Guurtidu soo magacaabay iyo saddexda Madaxweynuhu soo magacaabay ayaa la sheegay inuu xidhiidh la sameeyay Wasiirka Madaxtooyadu, isla markaana waxay xoguhu  intaa ku dareen, inuu u qadimay qorshe la xidhiidha Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeenka iyo afhayeenka kobishanka oo saddexda jagaba loo jeediyey inay shantoodu iska dhex doortaan.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Madaxtooyadu Guddoomiyaha kobishanka soo jeedisay in laga dhigo Cabdiqaadir Iimaan oo ka mid ah labadii xubnood ee Guddoome Saleebaan soo magacaabay, halka Guddoomiye ku-xigeenka la soo jeediyey inuu noqdo xubin ka mid ah saddexda xubnood ee Madaxweyne Siilaanyo soo magaacay, Afhayeenkana laga dhigo haweenayda kaliya ee ku jirta kobishanka oo iyana ka mid ah saddexda xubnood ee Madaxweynuhu soo magacaabay.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo sitoosa u xaqiijinaya jiritaanka qorshahaas, hase yeeshee xogo laga soo xigtay ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada waxay tibaaxeen in qorshahaas jiro, isla markaana kulan hoose dhexmaray shanta xubnood ee Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha guurtidu magacaabeen.

 gudida doorashooyinka

Talaabadani haddii ay sidaas u jirto, oo saddexda xubnood ee hoggaaminta kobishanka ay qaatan Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha guurtidu xubnihii ay magacabeen, waxay taasi meesha ka saaraysaa hannaankii hogaanka koomishanku ahaan jiray oo ahaa haddii Guddomiyaha muxaafidku uu noqdo, in Guddoomiye ku-xigeenku ay qaatan xubnaha mucaaridku soo magacaabay.

Waxa kale oo ay dhaawacaysaa kalsoonida hannaanka dimuqoraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here