Maxay ku kala duwan yihiin Cali Khaliif iyo Xagla-toosiye oo labadooduba haysta Dhalasho Maraykan ah?
Buuhoodle, (Hubaal)- Xogo laga helayo wararka la xidhiidha fadeexada weji-gabaxa iyo sababahii horjooge Dr Cali khaliif u iman waayey Buuhoodle iyo xafladii caleemo-saarka Garaad Soofe dhowaan ayaa la sheegay inay ka dambaysay digniin xukuumada Itoobiya ugu sheegtay inaanu cagaha soo dhigin deegaano magaalada Buuhoodle ka mid tahay.
GalaydhCali Khaliif ayaa dhowaan markii uu tahli-waayey imaatinka Buuhoodle waxa lagu baahiyey mareego taabacsan Khaatumo inay ka dhalatay fariimo hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI ugu sheegeen inaanu tegin sababo la xidhiidha amaankiisa iyo shirqoolo ka dhan ah oo ka jira Buuhoodle.
Balse, hay’adda FBI ayaan shaqo kulahayn arimaha dibada ee Maraykanka, laakiin qaabilsan gudaha Maraykanka, waxaana arrimaha dibedda u qaabilsan hay’adda CIA, taasoo beeninaysa wararkii malo-awaalka ee lagu qarinayey fadeexadaha Cali Khaliif soo waajahay ee warbaahinta u xagliyaa qorayeen dhowaanahan.
Sidoo kale hadii ay xaqiiq ahaan lahayd sida loo qorayey in Maraykanku uga digay Cali Khaliif tegitaanka halis ka jirta Buuhoodle, waxa isweydiin leh sababta xubno kaloo joogay xaflada caleemo-saarka oo sita dhalashada Maraykanka sida Wasiirka Caafimaadka Dr. Xagla-toosiye, Madaxweyne-xigeenka Puntland Camay iyo Garaad Jaamac, waxa loola socodsiin waayey digniinaha jira.
Xogo laga soo xigtay masuuliyiin dawlada Itoobiya ah oo sheegaya in lagu amray Cali Khaliif inuu yimaaddo deegaamada ku yaala xuduudaha, ayey xoojinayaan wararka laga helayo Muqdisho oo sheegaya in Cali Khaliif welwel ka qabo xukuumadda Itoobiya tegitaankiisa Buuhoodle, sida ilo ku dhowdhow laga soo xigtay.
Ugu dambayn, arrimahan ayaa xoojinaya hadal hore safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ugu sheegay waregsyka Himilo in xukuumadiisu marnaba aanay raali ka ahayn khilaaf iyo shaqaaqo laga abuuro xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo gudaheedaba.
Xigasho: Himilomedia