HALKAN KA AKHRI: Xiisaha Dunida iyo Cilmiga Ku Duugan Xayawaanka

0
159

– Jiirka ilkihiisu ma joojiyaan korniinka iyo dheeraanta sidaa awgeed waxa uu ku xoqaa shay kasta oo ka soo hor baxa, isaga oo ka hor tagaya in aanay aad u dheeraan si aanu afkiisu u qaadi waayin ama aanay gaadhin heer aanu waxba ku cuni karin, xoqniinkaas joogtada ah ayaa sababa in hadba inta soo baxdaa ay dib u gaabato oo aanu dhererkoodu xadka ka bixin.
– Doofaanku waxaa xayawaanka keliya ee aan u adkaysan kulaylka qorraxda, maroodiguna waa xayawaanka keliya ee aan awoodin in uu boodo.
– Gorgorku marka uu duulayo isaga oo samada kor u baxay masaafad dhan 15 Kun oo fuudh ayaa uu awoodaa in uu arko jiriqaaga yar ee dhulka dul socda, markaasaa inta uu hoos isu soo daayo uu la boodaa.
– Caarada dheddig waxa maalintii xidhiidh jinsi la sameeya 25 xabbo oo lab, mid kastaana marka uu xidhiidhkaas dhamaystiro ayaa ay iyadu cuntaa.
xigasho: Bogga GOOGOOSKA GEESKA ee Wargeyska Geeska Afrika

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here