Waa kan hoggaamiyihii qaranka oo ka warramaya cidda uu ka shabbaho hab-maamulka
Wuxuu yidhi
Saanweel Imaamnimo
Sadar sheeganayow
Sakaarooy imaad baran
Tshombii Saiir iyo
Seekoseeko waa hanad
Sagsaag Haamar Shoolkii
Sallaankay u gooyeen
Si daan ahaynow
Kabiillow sulaaqtama
Lamuubaan saxnaan wadin
Babaginda waa seef
Siray kii hurdada leday
Obsaanjo waa suug
Saynliyo libaax jira
Asad Suuriyuu sharaf
Ku salaamo-qaataa
Pocka saancaddaaliyo
Ma ahayn nin seedee
NELSON baa silloon rabay
JOHN Grangki saxalkiyo
Suyucii alkumi rabay
Sammad baa ku qaraxdoo
Cali-Caarif saayirid
Faransiis ku saakimay
Waa geesi suudalay
LRA sinteediyo
Dawaariiqda suuraaf
Sinigaal u dooshiyo
UNITAda la sirayee
Samephiina laga dilay
Rooxaanta saarka leh
Mogaabboo Simbaawida
Saranseershay keligii
Afaweerik suus neceb
Osamii saraa dheer
Sebtembeer “galaay” yidhi
Al-shabaabta Soomaal
Ka sifaysa gaalkiyo
Taiwanta sulubka leh
Somalilandtani
Seben qudha haddii ay
Saaxiib ka dhigan layd
Suu alool la tolan layd
Suweyskii Mursi dhacay
Xisbullaahi saac doog
Seenyada u eegiyo
Israaiil tu Saadaat
Keligii safaarado
Ka samaystay Carabtaba
Saleelliyo ma noqoteen
Surbacaad la liidee
Saanweel Imaamnimo
Sadar sheeganayow
Sakaarooy imaad baran
Waxan ahay Saddaam iyo
Siyaadkii labaadoo
Saaxiibkay weeyaan
Santaaggii Qaddaafee
Sensenggaa dhawaaqee
Lama-dagena sahadshee
Sar-sar qiiq u naadshee
Bengaasuu u siqi rabo
Naatadu sitaartee
Samo laga waraabshee
Lala simay cammuuddey
Saxaraha xabaaleen
Shacbiguu Saloolee
Soddon uu u talin jiray
Waxan sacab u tumayaa
Charles Taylar suubbane
Konton saayiraad li’i
Subag loogu dhaashoo
Sacabbada ka tuma jeel
Sidii Saamul doo
Soodh kama baaqayoo
Nin aan sirirsho mooyee
Dar i suuxin karayaa
Soomaaliland iyo
Soonaha ma joogaan
Mingistii sidalagtiyo
Sibiq dhoofay maan ihi
Illaa aan sal iyo baar
Sumuc geliyo ciiddoo
Sakadaha dhammaan tiro
Ma socdaalayee garo!
Musallinii soofkii
Suul-daaro loo dhigay
Binu Caabidiin saqdhii
Seleloo ka haajiray
Sabaduu ka talin jiray
Ali Saalaxii Yemen
Suugga loogu raariday
Qasriguu sudhnaan jiray
Saadiq iyo Mahdiga uu
Cumar baday sansaarada
Idi Aamiin sooryada
Sun Yuweeri uu dhigay
Xusnigii saf-dhaadheer
Sahaydii Taxriireed
Malaayiin sulaaqeen
Ee saani uga degay
Xabsigana sarkaal ku ah
Sahal maahi aniguye
Ma Jamaalka sebigiyo
Safiirkii Cirraa ani
Sawdka iga adkaan kara?
Sadar-beenlayaashii
HUBAASHii sinbiidhiyo
HAATUF sawraceeduba
Silloon weeye doorsamay
Seetaan ku xidhayaa
Suryaan gelinayaa adag
SAXANSAXO udgoon iyo
DAWAN ii siraadaan
Sunuud badan u qorayaa
UNIVERSAL waa siin
Sanka laga qabsanayoo
Sulaaqiisu waa naar
Waan sabbaaxadeeyoo
Suxulkaa murxadayoo
Waa sayme aan nacay
TV sarcaadaan
U siraadaayaa duul
Ii sacab tumaayoo
SALEEBAAN ha-raagee
Waa geesi surcucii
UDUB suuliyoo riday
SANAAG baan heshii
Sannadkii siddeedaad
Ku saxeexannee gunud
Haddii uu safaad rabo
Sanka caanka kii quba
Saadaal la eegee
WADDANOW ka siibtoo
Suudh wakiilku leeyahay
Sirsir baan ku bixiyee
Sagxadda taabta oo dega
Sadarrada Khaliilbaan
Ku subxaana-laystaa
Ninka seexsha timiyo
Qaaddiri saluugoo
Surwaal-gaabnayaashiyo
Itixaad safkoodaan
Ictisaam u soocdoo
Sako aan la gurinbaan
Sidig aan ibtii jaqay
U salaaxayaa duul
Bal maxaan sanduuq iyo
Hadba saaftin kariyaa?
Marka uu sulaaq dhaco
Guddi baan u saaraa
Anoo suug ku kiciyoo
Siqay oo Kalshaalii
Meygaagle suufoo
Hagoogane sabbey baan
Ku sannadhayaa nabad
Salli baan dhigaa been
Saqiifkii yimaaddiyo
Hadba saar u heesaa
Keyse seejay khaatumo
Nin siyaasi yaan ahay
Anigoo siddeetana
In sagaal gu’ oo kale
Kordhin lay sameeyiyo
Mar labaad sidiinnii
Inaad ii sureertaan
An siddeetan boqol helo
Suldaannaa ka hawlgeli
Guurtidaa sallaxlaysee
Care yaa sidaan rabo
Sandullayn ku yeelayn?
Siyaadkii Ilaahow
Saamax oo jannada gee
Gaanni ay subxaanyiyo
Suuraafe hiifaan
Ku dhex soor barwaaqoo
Saajac Moorgan waa hanad
Soddoggii difaacee
Maxaa loo surmeeyaa?
Canjeex muu sadqayn duul
Sallaxyada Jaziiraad
Siddeed iyo sagaalkii
Surka looga gooyee
Maxaa loo suntayaa?
Cali-Samatar waa hanad
Suubban oo wanaag badan
Waa sarreeye gaaskii
U sarkaal ahaan jiray
Sebensebenka Xooggii
Seeraha Addiis iyo
Sigay Naasireetee
Hadduu saaka eber yahay
Sidaydaanu daariyo
Yurub seesan fooqyee
Baashe Seatle joogiyo
Siisii Iidsamow jog
Ka hadh saaka waa gune Qalin ku difaac gruop