HALKAN KA AKHRI Qormo Xiiso Leh Oo Cinwaankeedu yahay: Diinta iyo waayaha dadka!!!! W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

0
262

Afeef

Dad ii kal furan baa ii gu nasteexeeyay arrimuhu kolka ay diinta galaan in aan is ka ga hadho. Haddaba miyay qumman tahay ummad maanta joogtaa in ay ka gaabsato qiimaynta aqoonteeda, fikirkeeda iyo dhaqankeeda, arrimahaasi meesha ay doonaanba ha galeene? Kol haddii qaybaha fikirka iyo nolosha oo dhan ay diinta isa saamaynayaan, sow waajib ma aha in sida ay arrimahaasi u dhacayaan la eego oo la isu sheego? Aniga warcelintaydu waa haa aan ka la reebbanayn. Sababtaas baanan u daynayn qoraallada kan oo kale ah.

 Ujeeddadii diimaha

Diimuhu iyada oo aan la ka la gurin idilkood ujeedkii ay u yimaaddeen waa wanaajinta nolosha dadka. U gu horrayn wax ay ka jawaabayeen baahida ruuxiga ah ee qofka ku abuuran iyo iswayddiintiisa ah: Waa maxay nolosha iyo macnaheedu, iyo waa maxay jiritaanka asalkiisa iyo aayihiisu. Dhanka kalena diimaha waxaa la gu doonayay in kor loo gu qaado anshaxa iyo dhaqanka dadka, waxaana la gu dejinayay xeerar bani aadanka ku haga nolol toosan iyo aakhiro macno leh. Taa darteed diimaha oo dhami wax ay doonayeen in ay dadka u macneeyaan jiritaanka (nolol iyo dhimashaba), iyo in ay dadka ka saaraan yawnimada (cawaannimada) una gudbiyaan heer sarreeya, ruuxiyad ahaan iyo dhaqan ahaanba. In la isu arxamo, in la is caawiyo, in la is jeclaado, in la sinnaado, iyo taa beddelkeeda in aan la is dulmiyin ayay diin waliba ku baaqday.

Diimaha oo dhan dhambaalkooda waxaa gundhig u ahaa in la rumeeyo lana raaco Ilaahay oo samaha u taagan (Ilaahay magacii la doonaba ha loo bixiyee), iyo in la naco oo la ga fogaado Sheyddaanka oo xumaha u taagan (isagana magacii la doonaba ha loo gu yeedhee). Gaar ahaan saddexda diimood ee loo yaqaanno kuwa samaawiga ah (saddexda xagga Eebbe la ga soo diray) oo ah ta Yuhuudda, ta Masiixiga iyo ta Islaamka, dhambaalkooda caynkaas ahi aad buu isu gu dhaw yahay.

Waa hubaal ujeedkaa kor ku xusan diimuhu in ay wax badan ka xaqiijiyeen, oo koriyeen anshaxa iyo garaadka dadka. Tusaale qudha haddii aynnu soo qaadanno, Islaamka hortii carabta nolosheeda iyo aqoonteeduba aad iyo aad ayay u liiteen, dabadeed Islaamka ayaa u noqday kacaan beddelay gun iyo baar fikirkoodii iyo hab-nololeedkoodii oo dhan, oo geliyay cusboonayn iyo dardar aad u weyn. Kini gaaban ka dib carabtu wax ay noqotay umadda dunida u gu horumarsan ee u gu ilbaxsan.

 Diinta iyo waayaha bulsheed

Diin walba dhambaalkeedu wax uu abbaarayay waayihii bulsheed ee kolkaa ka jiray meeshii ay ka soo baxday iyo dadkii ay ka soo dhex baxday. Dabcan diimaha badankooda loo gu ma talagelin in ay ku ekaadaan waagaa, bulshadaa iyo halkaa, oo tusaale ahaan sida Quraanka ku cad Islaamka waxaa loo soo diray dadyawga oo dhan, wax uuna ku dherersan yahay mustaqbalka oo dhan. Ha ahaatee garaadka, aqoonta iyo waaya’aragnimada dadku aad ayay maanta u ga kobceen heerkii ay joogeen xilligii ay diimihu soo degayeen. Tusaale ahaan Diinta Islaamku dhibaatooyin aad u badan oo ay berigaa si u xallisay maanta xal kale ayaa loo helay ama loo heli karaa. Qof wax xaday in gacanta la ga gooyo maanta waxaa la ga doortay qofkaa in si kale loo ganaaxo, laba ruux oo aan is qabin oo isu galmoodayna in dhagax la gu dilo maanta la gu ma dhiirrado. Qofka aan muslinka ahayn ee dalka ku la leh in la ga qaado lacag jisyo la yidhaahdo maanta cidina ma oggolaanayso. Is la qofkaa iyo qof kaleba in astaan bulshada ka takooraysa dhabarka la ga ga tolaa ma suuroobayso.

Arrimahaas iyo kumannaan la mid ahi wax ay si fudud inoo tusayaan sida waayuhu u saameeyo macnaysiga dadka ee diintooda, iyo sida mushkiladdii ay diintu xilli si u fardaamisay aan xilli walba is la sidii loo maarayn karin.

Photo File:  Qoraaga Weyn Ee Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd).
Photo File: Qoraaga Weyn Ee Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd).

Xilkasnimo darro aad u weyn ayay noqonaysaa haddii la tixgelin waayo Islaamku in uu yimid xilli taariikheed, iyo in uu u yimid bulsho lahayd waayo nololeed oo ka duwanaa ta maanta. Haa, diinta oo dhan maanta loo ma macnaysan karo is la sidii ay u gu macnaysnayd dadkii noolaa kun iyo afar boqol oo sannadood hortood. Haddii sidaa la yeelo isdiiddooyin badan baa ka dhex dhacaya diinta iyo garaadka, diinta iyo aqoonta, iyo dhanka kale diinta iyo waayaha bulsheed. Taa waxaa u gu horraysa ujeedkii Islaamka oo leexanaya kolka waaqica cusub la ga hor keeno, iyo is la markaa nolosha dadka oo noqonaysa mid aan maangal ahayn oo la siman hab-nololeedkii quruumihii hore. Dhibaatooyinka maanta dadyowga muslinka ah haysta runtii waxaa u gu weyn xaqiiqadooda nololeed ee cusub iyo macnaynta gabowday ee ay diintooda ka haystaan oo la is waafajin kari la yahay.

 Diinta iyo falaadka dadka

Diinta Islaamku qarniyadii badnaa ee ay soo jirtay waxaa la ga bixiyay fasiraado ama qeexid ciiddaa ka badan oo mar loo la dan lahaa in garashadeeda la gu fududeeyo, mar kalena in dan gaar ah la gu qunsado. Halkaas ayay ka soo baxeen mad’habaha fiqiga iyo firqooyinka caqiidada ee dadka muslinki ahi ku jahawareereen. Waxaa la dejiyay kumannaan iyo kumannaan kitaab oo la gu qoray aqoon aad u ka la duwan, aqoontaas oo la is ku yidhaahdo Culuum ad-Diin. Quraanka, Tafsiirka, Xadiisyada, Siirada, Fiqiga iyo Caqiidada, intaas oo maaddo ayaa maskaxda la gu fasaxay oo qoraallo sida maayadaha u rogmanaya la ga curiyay. Waxaas baa dhan walba loo la dhaqaaqay, dabadeed aad loo gu ka la qaybsamay la is kuna laayay.

Faragelintaa laxaadka leh ee diinta la gu sameeyay ujeeddooyinkii ka dambeeyay waxaa la gu sheegi karaa shan ujeeddo. Shantaa middood wax ay ahayd dadaal niyadsami leh oo la gu doonayay in diinta la furfuro oo fahankeeda dadka loo fududeeyo, gaar ahaan kolkii ay diintu iyada oo Carabi ah gaadhay dadyow aan Carabida aqoon. Waa sidii ay yeeleen tusaale ahaan afartii imaam ee dhidibbada u taagay Fiqiga Sunniga. Fiqigu waa fanni ama xeelad aqooneed oo la gu soo saaro xukunka Shareecada. Kol haddii ay diintu tahay hadal la macnaynayo, imaamyadaasi wax door ah ayay ku ka la aragti duwanaadeen (waayo hadal waa margi), waana halka ay ka abuurantay waxa loo yaqaanno mad’hab. Mad’habahaasi wax ay noqdeen Shaaficiyada, Xanafiyada, Xanbaliyada iyo Maalikiyada, kuwaas oo mid walba loo gu magacdaray ninkii qeexay.

Ujeeddada labaad wax ay ahayd in la ururiyo oo la diiwaangeliyo Quraanka, Xadiisyada iyo Siirada Rasuulka (scw). Saddexdaa maaddo in kasta oo qoristooda xilli aad u horreeyay la bilaabay haddana aad baa la isu gu diiday sidii loo qoray sugnaanteeda. Quraankaba ka soo bilaw oo, suurado iyo aayado badan baa muran la geliyay sida Musxafka loo gu qoray in ay tahay is la sidii Rasuulku ku ogaa iyo in kale. Tusaale ahaan Caasha Bint Abii Bakar (Hooyadii Muslimiinta), oo ahayd marwadii Rasuulka, la gana soo wariyay xadiisyada u gu badan, wax ay qirtay Musxafka la dejiyay in Quraan badan oo la yaqaannay ka maqan yahay. Tusaale ahaan Caashi wax ay sheegtay in Suuradda al-Axsaab ay xilligii Rasuulka aad u ga dheerayd inta maanta qoran. Suurado iyo aayado kalena sida loo qoray marwadaasi waa ay dhaliishay. Siyaalaha Siirada Rasuulka loo soo wariyay iyadana waa la wada og yahay ka la duwanaantooda. Xadiisyada arrintoodu waa masalada u gu daran.

Ujeeddada saddexaad ee fasirka diinta la ga lahaa waa mid falsafadeed oo la doonayay in caqli ahaan iyo sharci ahaanba la gu garto ahaanshaha ammuuraha diinta iyo dabcigooda: Ilaahay waa sidee oo tilmaamihiisu waa maxay oo xaggee buu joogaa? Quraanka ma Ilaahay baa abuuray mise waa wax Ilaahnimadiisa ka mid ah? Nebiyada qofnimadoodu waa caynkee maxay se dadka kale ka ga duwan yihiin? Malaa’igta abuurteeda iyo dabcigeedu waa sidee? Xaaladda qabrigu waa maxay? Ruuxdu waa maxay? Aakhiro waa caynkee? Qaddarku waa maxay? Qofku falkiisa ma u xor baa mise Ilaahay baa u go’aamiyay? Arrimahaa iyo kuwo badan oo kale ayaa la baadhay. Falsafadaynta diinta oo ka bilaabatay magaalooyinka Basra iyo Kuufa qarnigii kowaad waxaa ka dhashay aragtiyo badan oo is wada diiddan oo dhalay colaad iyo loollan dhex maray dadkii ka la fikirka duwanaaday. Loollankaa ba’an ayay firqo waliba fasirka diinta u gu adeegsatay in ay teeda ku xoojiso tu kalena ku buriso.

Ujeedka afraad ee fasirka diinta la gashaday wax u ahaa mid siyaasadeed. Awoodihii talada muslinka u legdamay, oo soo bilawday xilligii khulafada, qolo waliba diinta wax ay ka bixisay fasir danteeda u adeegaya. Tusaale ahaan waa maxay meeqaanka bulsheed iyo siyaasadeed ee Aal Beydka Rasuulku yeelanayaan? Waa maxay kaalinta culimadu dawladda ku lee yihiin? Madaxweynaha faasiqooba ma la la dagaallamayaa mise waa loo dulqaadanayaa si fidnada loo yareeyo? Arrimahaas iyo kuwo kale ayaa la siyaasadeeyay oo aad loo gu murmay. Bilawgiiba bartaas bay ku ka la leexdeen labada aragtiyood ee muslimiintu u ka la dillaaceen ee Sunniga iyo Shiicadu. Madaxdii dawladdii dhaxaltooyada ahayd ee Reer Banuu Umaya, iyo tii ka sii cimriga dheerayd ee Reer Banuu Cabbaas, iyo dawladihii Khilaafada Islaamka oo dhan, oo ay tii Cismaaniyadu u gu dambaysay, diinta si dantooda waafaqsan ayay u rogeen. Meelahaas ayay ka soo burqadeen xadiisyo ciiddaa ka badan oo Rasuulka la ga beenabuuray, iyo weliba madalhufin la gu sameeyay fasirka Quraanka, waxaas oo ilaa maanta muslinka jahawareer ku haya. Haddii aad maqasho wax la gu sheegayo ”xadiis wadci ah”, ”xadiis daciif ah” iyo siyaalo kale oo axaadiista qaarkeed loo durayo, waa wax xaaladahaas ka dhashay.

Ujeeddada shanaad ee fasirka Islaamka la gashaday waa dadkii diimaha kale haystay ee muslinka la dhaqnaa oo ku dhex faafiyay waxyaalo badan oo aan Diinta Islaamka ka mid ahayn. Yuhuudda, Masiixiga iyo Eeraanta, iyo dhammaan quruumihii la ga adkaaday, waxoodii hore ayay Islaamka la soo galeen oo ku dhex walaaqeen, ogaan iyo ogaan la’aanba. Sabataas baad u arkaysaa iyada oo xadiisyo badan oo kutubta ku qoran, qisooyin badan oo Siirada Rasuulka ka mid ah, iyo xitaa tafsiir badan oo Quraanka la ga bixiyay la gu sheegayo yahuudiyaat, nasraaniyaat iyo wataniyaat.

Waxyaalahaa aan Diinta Islaamka ka midka ahayn weligood dad baa watay oo dantooda u daliishanayay. Halkaa waxaa ku fadqalalloobay nuxurkii Islaamka ee ahaa wanaajinta nolosha dadka, ruuxiyad ahaan iyo dhaqan ahaanba. Shantaa ujeeddo ee weligood diinta la gu soo dhex waday ayaa keenay muslinku in ay ku ka la tagaan arrimaha diintooda oo waxba ku midoobi waayaan. Haddii se falaadka dadku diinta sidaa u galay, ka hadalkeeda culimadu ilaa maanta waa ay ka gaabsadaan, waayo wax ay meel ay ka dhaafaan garan waayeen aayadda odhanaysa

 إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ

 Diinta iyo danaha qofka

Diintu dadka naftooda wax ay ku lee dahay awood aad u xooggan. Mar qofka wax ay u tahay dhaymo iyo baroordiiq ka debciya ayaandarrada joogtada ah ee uu nolosha ku qabo. Kol labaad wax ay u tartaa bishaaro iyo rajo wacan oo uu higsado. Jeer saddexaadna wax ay u macnaysaa oo xanuunkeeda ka dhintaa cabsida uu ka qabo dhimashada iyo waxa ka sii dambeeya.

Dareenka nafsiyadeed ee caynkaas ah ee diintu qofka siiso ayay dad kale weligood ujeeddooyin adduun u gu danaysanayeen welina ku danaystaan: siyaasad, dhaqaale, maamuus iyo awood intaba. Nin miskiin ah oo garasho yar ayaa diinta wax ka barta oo wadaad noqda, dabadeed taas buu ka dhigtaa xirfad shaqo iyo il dhaqaale, iyo in uu qofnimadiisa liidata ku dhiso. Cunto aanu tacban buu ku cunaa, dhulal iyo cido aanu dhex geli kareen buu ka ga mid noqdaa, qiimi qofnimo oo aanu yeesheen ayuuna ku yeeshaa. Qofka caynkaa ahi gaar ahaan wax uu macno ku dhex lee yahay bulshooyinka ay tacliintoodu hoosayso noloshooda dhaqaalena liidato. Dadkaa ayuu maskaxdooda mugdiga ah diinta iftiin u ga dhigaa, silicoodana samirsiis ku geliyaa oo ku seexiyaa ama ku suuxiyaa. Intaas oo dhanna dadkaa masaakiinta ah wax uu ka ga helaa sarrayn iyo maamuus, iyo wax walba oo sarraynta iyo maamuuska la gu qabo.

Tumaalku birta uu farsamaynayo kolba wax u gadmaya ayuu ka tumaa: masaar, waran, sabarad, mindi, mudac, maxaadh iyo waxyaalo kale. Wadaadka xumina waa la mid oo diintu waa u agab uu farsamaysto oo kolba sida isaga waxtarka u ah u tafsiiro oo u ta’wiilo. Awooddiisu wax ay gaadhsiisan tahay cidda ay is qabtaan in uu diinta ka saari karo oo gaal ka dhigi karo. Bal u fiirso ururrada diineed ee dhulka soomaalida maanta ku legdamaya sida ay qolo waliba qolada kale gaalnimo u gu xukunto si ay dhiiggeeda u bannaysato oo bulshada u ga qabsato. Loollankaasi badanaa ka ma yimaaddo fahan diinta la ga qaatay oo la gu ka la duwanaaday, in badan se waa dan adduun iyo awood la ka la riixanayo. Tilmaantaa dabcan waxaa ka reebban wadaadka dhaqanka habboon ee ujeedka wadaadnimadiisu tahay in uu xaqa ilaaliyo nolosha dadkana wanaajiyo.

Xoraynta qofka

Qofku in uu ka xoroobo addoon u noqoshada qofka kale iyo wax walba oo aan Ilaahay ahayn waa qaybta u gu weyn farriintii Diinta Islaamku keentay sideedaba. Ha ahaatee waayihii badnaa ee diintu soo martay ayaa dhambaalkaa dooriyay, maantana mar kale ayuu dadkii addoon isu noqday, awood ahaan iyo caqiido ahaanba.

Tusaale ahaan hoggaamiye wal oo samaysta koox xagjir diineed ah, dadkiisa miidaamada ah ee ka amar qaata wax uu gaadhsiin karaa in ay amarkiisa naftooda u jaraan, ama dad kale nafta ka jaraan. Markaa Ilaahooda oo qudha addoon u ma aha ee hoggaamiyahooda ayay addoon u yihiin. Qofka dhallinyarada ah ee maanta naftiisa dadka kale ku dhex qarxinayaa caqiido ahaan ka ma madaxbannaana wadaadka ku soo xidhaya walxaha qarxa. Diinta Islaamka meelna ka ga ma taallo qofku in uu is dilo oo naftiisa badheedh u halligo si uu cid kale u galaafto. Diinta Meelna ka ga ma taallo qofka in ay u bannaan tahay in uu dad badan oo aan dembi lahayn gumaado isaga oo u socda qof ama qofaf gaar ah. Weligaa arki maysid wadaad ama nin weyn oo is qarxiyay, waayo wadaadka iyo ninka weyni waa xor, laakiin wiil iyo gabadh yar oo iimaanka la ga addoonsaday ayaa la qarxiyaa oo halaagsama dad kalena halaaga.

Sidaa darteed ninka damaciisa xun diinta gashanaya, iyo qofka miskiinka ah ee uu mar ka ga oohinayo kolna ka ga farxinayo, ee kolka uu doono inta uu dhimasho u diro janno u gu sheegayo, xidhiidhkoodu aad buu u foolxun yahay, waana in la ka la xoreeyaa. Masiibadaasi mar walba ka ma timaaddo wadaad ama koox dan leh, waxaa se la mid ah ama ka halis weyn awoodo shisheeye oo ku fushada dano qoomiyadeed iyo siyaasadeed.

Haddaba laba arrimood ilaa la helo bulshada muslinka ahi ka bixi mayso qaxarka iyo qatada ay maanta qabto. Midda hore waa diinta iyo ammuuraha siyaasadda ee is ku mashaqoobay in la ka la basriyo. Taana waa in la ga bilaabaa in la is la garto oo la is la qiro diintu run ahaantii in aanay u xilsaarnayn buuxinta danaha adduun oo dhan; danaha adduun oo ay tahay in loo kaashado garashada iyo aqoonta dadka. Ta labaadna waa in la is la garto oo la is la qiro qofku in aanu muslin hagaagsan ahayn haddii aanu caqiido ahaan xor ka noqon cid kasta oo aan Ilaahiisa ahayn. Kol haddii se ay tahay arrin ku xidhan hadba fursadda waxbarasho ee qofku helo iyo duruufta nololeed ee uu ku jiro, waxaa loo baahan yahay wacyigelin iyo aqoongelin uu qofku diintiisa iyo xidhiidhka Allihiisa u gu madaxbannaanado. Waa in bulshada dhaqankeeda iyo hab-fikirkeeda la geliyaa in aan cidina cid kale diinteeda masuul u ga ahayn. Waa kaa dhambaalkii dhaladka ahaa ee Islaamku. Waana sidaa sida ay diinta iyo dunida cusubi u wada socon karaan.

Qalinka: Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd).

Waxa Aanu ka soo xiganay degelka Qoraagu iska leeyhayay ee http://www.ibraahinhawd.com/2013/index.php/en/maqaallo/266-diinta-iyo-waayaha-dadka

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here