Saylac (Hubaal)-Waxa Maalintii shalay laga Helay Banka Gobolka Selel, gaar ahaan inta u dhaxaysa Ceel-gaal iyo Tuulada Jidhi Meydka Haweenay soomaaliyeed oo aan wali si ramsi ah loo aqoonsan.
Xidhibaan Axmed Migil Ciil-tire oo xidhiidh la sameeyey warbaahinta ayaa sheegay inay shalay soo gaadhay warka maydka haweenaydaas, waxaanu sheegay inuu maydku bararay, isla markaana uu u muuqday mid maalmo ka hor dhintay.
Waxa kale oo uu tilmaamay xildhibaanku inuu waraabe ka cunay madaxa, taasoo sababtay in la garan waayo haybteeda, waxaana lagu aasay maydka gabadhaas magaalada Hargeysa oo markii dambe loo soo gudbiyey.
Si kastaba ha ahaatee waxa bilaha xagaaga ka dhaca deegaannada banka ah ee gobolka Selal dadka uu saameeyo haraadka, isla markaana qaarkood u dhintaan.
Dadka Halkaas Harraadka ugu dhinta ayaa u badan kuwo aan Meesha cilmi u lahayn oo ka yimaadda Dalalka Somalia iyo Ethiopia.
Dhinaca kale magaalada Saylac ayaa maalintii tobnaad biyo la’a taas oo keentay inay dadka danyarta ahi ku adkaato nolol maalmeedka dhinaca biyaha, balse ay ilaa hada la il daran yihiin xaaladdaas biyo la’aaneed.
waa markii u horeysay ee magaalada Saylac laga waayo muddo toban maalmood ka badan, mana jrto ilaa hadda cid masuul ah oo ka hadashay.