HALKAN KA AKHRI: Magacyada Toddoba Dirawal Oo Ay Dawladda Somaliland U Dhiibtay Dhiggeeda Djibouti+Dirawalkii U Dembeeyey Oo Dorraad Laga Qabtay Deegaanka Lawyo-caddo

0
38

 

Lawyacado (Hubaal) xukuumadda Somaliland ayaa doraad Dalka Jabuuti u dhiibtay nin Dirawal ah oo la yidhaa Maxamed Xuseen Muumin kaasoo lagu Naanayso Batuun Mire oo ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Dirawalkan ayaa noqonaya kii toddobaad ee Dalkaasi lagu wareejiyo sida ay baahisay Mareegta Boramanews, taasoo sheegtay in ay Somaliland hore ugu dhiibtay Dalka Jabuuti dirawliin magacyadoodu kala yihiin Axmed Aadan Isaaq, Mawliid Caraale Xadi, Daahir Cilmi Faarax, Xuseen Daahir Waaberi, Cabdi/khaddar Xuseen, C/laahi Aadan Faahiye, Axmed Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo dhamaantood kazoo jeeda Gobolka Awdal.

LawyocadoDirawaliintan la dhiibay illaa hada ma jirto maxkamad la saaray oo ku cadeysay danbiyada loo haysto, marka laga reebo hadal uu dhawaan wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ku sheegay inay baadhitaano mudan doonaan dadka lagu tuhunsanyahay Qaraxii Jabuuti, markaas oo wixii Reer Somaliland ah uu sheegay in Dalkooda lagu maxkamadayn doono, wixii kalena dalka ay danbiga ka galeen lagu saari doono Maxkamad.

Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha dibeda Dalka Jabuuti oo ka hadlay dadka ay Somaliland u dhiibtay ayaa sheegay inay dhan yihiin Lix qof, kuwaas oo uu sheegay in baadhitaan lagu wado, halka uu ka cadeeyey in laba qof oo kale oo weerarkii dalkaasi ka dhacay loo tuhunsanyahay uu sheegay in ay Dalka Itoobiya ka dalbadeen in ay usoo dhiibaan.

Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ayaa markasta ku cel celiya inay wali socdaan baadhitaanada la xidhiidha Qaraxii Jabuuti, iyagoo sheega in dhawaan maxkamad la soo taagi doono Dadka loo hayo falkaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here