HALKAN KA AKHRI: Jamaal Cali Xuseen Oo Dhaliilo Huwiyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Soona Faqay Qandaraasyo La Musuqmaasuqay

0
29

Hargeysa (Hubaal)-Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharraxa Jadada Madaxweynenimo ee Xisbiga Ucid, ayaa Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ku dhaliilay Meesiga Geela oo muddooyinkan ugu dambeeyey dib looga soo celinayey Dalka Sucuudiga.

Jamaal Cali Xuseen oo maanta wariyayaasha kula Hadlay Xarunta Xisbiga Ucid ee Magaalada Hargeysa, ayaa xusay in muddadii xukuumadda Siilaanyo Talada Dalka Haaneedday in Dalka dib loogu soo celiyey ugu yaraan Afartan kun oo Neef, isla-markaana aan waxba laga qabanin Sidii loogu heli lahaa xal waara.

jamaal cali xuseyn

“Waxaad Ogtihiin in Xoolaheenii uu dadku ku noolaa la soo celiyey,Xoolahaana waxaa inoo furay Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ee Xibigii UDUB aadbay uga shaqaysay Xukuumadana waxaad arkaysaa in dhawrjeer la soo celceliyey Xoolihii Ilaa Afartan kun oo neef ayaa la soo celiyey Xoolihii oo ah dadkeenu waxa ay ku nool yihiin waxa ay quutaan,waana lafdhabarteenii dhaqaalaheena,Wasaaradaasina waa ay ku fashilantay in ay wax kaqabato arrimaha nocaas ah”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Dhinaca kale waxa uu Musharraxu dhaliilay qaabka loo Bixiyey Qandaraaska Diiwaangelinta Cod-bixiya-yaasha oo uu sheegay in a la siiyey shirkad aan tartankaba soo gelin markii hore, waxana uu yidhi,.“Waxa weeyaan arrinkii Diiwaan galinta Madaniga ah ee maalintii dhawayd la yidhi waxaa la siiyey shirkad lagu magacaabo SAHAL runtii markii aanu arrinki aanu baadhnay 35-shirkadood ayaa soo codsaday Shan-baa isku so hadhay Shantii waxaa la waydiiyey in qolo waliba ay keento wax yaalihii looga baahnaa shuruudihii lagu xidhay iyada oo arintaasi loo balan sanayahya oo shirkadii aan la kala saarin ayuunbaa shirkad gaara markiiba layska siiyey iyada oo ay halkaas marayso oo ay shirkadihii kalena ay diyaar garoobeen kharash badanina uu ka baxay” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Ugu danbayntii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxaa tibaaxay in shirkada qandaraaska la siiyey ay ahayd mid Madaxtooyada laga soo qoray,taasi oo ay dabada ka riixayaan Xubno kamida Xukuumada Siilaanyo,waxaana uu si aada ugu baaqay Xukuumada in ay Joojiso qorshaha ay doonayso in ay shirkadan ku fulisato ee ah in ay Diiwaan galinta Codbiyeyaaha u isticmaalaan inta ay hada diiwaan galiso shirkadani,waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay marnaba aqbali doonin in ay yeelaan ka Xisbi ahaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here