HALKAN KA AKHRI: Ganacsade X. Haliil Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Ku Hawl-an yahay Barnaamij Dhokumentari ah oo Uu Ka Samaynayo Xoolaheena Nool, Shacbigana Ugu Baaqay Inay Ka Qayb-qaataan Ka Midho dhalintiisa

0
24

Xaaji Yuusuf Cabdi Xamdulle (Haliil) oo kamid ahaa ganacsatadii dawladdii hore ee Soomaaliya laysku odhan jiray isla markaana ah muwaadin ruug cadaa waayo aragnimo aad u dheer u leh xoolaha iyo kaalinta ay umadeena kaga jiraan dhaqashada xoolaha oo aad moodo in wakhtigan ay ummaddu noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabo kale islamarkaana ay xaga xoolaha ka dhaqan doorsoomayso ayaa waxa uu ka waramay sida loogu baahan yahay inay ummaddu fahamto noloshoodu waxa dhabta ah ee ay ku xidhan tahay.

Oday Haliil ayaa waxa uu sameeyay u kuurgal isagoo indho-indhayn ku soo maray deegaamo badan oo dalka Somaliland ka mid ah oo uu ugu kuurgalay xaalada dhabta ah ee ka jirta ummadda Somaliland gaar ahaan kuwa miga degan iyo xoolaha nool ee ay haystaan,taas oo uu Oday Haliil sheegay in gebi ahaanba dalku uu khatar ku jiro maadaama aanay jirin xoolo nool oo inta badan dadku ay haystaan silamarkaana ay dhaqanayaan.

waxa uu sheegay Oday Haliil in xoolaha intooda badan dadka haystaa ugu talagalaan inay dhoofiyaan oo keliya iyadoo uu xusay in xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera badankoodu aanay ahayn xoolaheena balse ay yihiin kuwo laga keeno dhankaa iyo dawlada inala jaarka ah ee Itoobiya.

20141001_154644Oday Haliil oo marar badan waayo aragnimadiisan ku qotonta dhanka xoolaha iyo fikradaha lagaga hortagi karo dhaqashada xoolaha nool ee ay dadkeenu kasii baxayaan ku soo bandhigay warbaahinta dalka qaar sida wargeysyada warqadaha wax ku soo saara oo uu kamid ahaa Haatuf.

waxa uu sheegay Haliil inuu wado barnaamij Dhikumentari ah oo muuqaal ah islamarkaana rabo sidii uu umada ugu soo bandhigi lahaa in waxa keliya ee ay leeyihiin ka ummad ahaan ay yihiin xoolaha nool oo ay u fahmi lahaayeen, waxaana maruu u waramayay Mustafe Maxamed oo takirsan wargeyska Hubaal yidhi “waxaan doonayaa inaan dadka reer Somaliland Lixda gobol iyo deegaamadoodaba u sheego inaanu wadno barnaamij dhikumentari ah taas oo aanu ugu soo gudbin doono amaba ku fahamsiin doono inay ummaddeenu wax leedahay,oo ay leeyihiin xoolaha nool,oo runtii aan odhan karo wax la yeesho waxa ugu quwada weyn adduunka inay tahaya xoolaha nool,barnaamijkan ayaanu doonaynaa inaanu ka wada qabano dhamaan lixda gobol ee Somaliland iyadoo aanu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadiisaba aanu hawada iyana u marinayno” ayuu yidhi Oday Haliil

“Dadka reer Somaliland ayaa ah ummad asal ahaan dhaqan u lahaa dhaqashada xoolaha nool islamarkaana ay nolosha in badan oo dadkeenu ku xidhnayd dhaqashada xoolaha nool,waxaa jirta in ay dadkii ka jeesteen oo ay malaha isku halaynayaan waxyaabahan aanay lahayn ee dad qeyrkood ahi u soo dhoob-dhoobeen,sidaa daraadeed maadaama aan khibrad iyo waayo aragnomo fog u leeyahay xoolaha nool hadii ay tahay dhoofintooda iyo dhaqashadoodaba waxaan doonayaa inaan ummadda u soo bandhigo filim ka hadlaya faa’iidada xoolaha oo aan runtii doonayo inaan dadka ku fahamsiiyo inay ogaadaan waxa keliya ay dhaqan iyo nololba u leeyihiin inay tahay xoolaha nool” ayuu yidhi Haliil

ugu dambeyntii Oday Haliil oo runtii soo bandhigay waayo aragnimo uu ummaddan aayaheeda iyo jiritaankeeda nololeed ugu faa’iideynayo ayaa waxa uu baaq cod dheer ah u diray hormoodka dalkan jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu kaga codsanayay dhaqaale maadama ay arrintani u baahan tahay dhaqaal,siagoo bulshada Somalilandna ugu baaqay inay la garab istaagaan fikirkan uu waayo aragnimada iyo khibrada dheer u leeyahay kana faa’ideystaan.

Gebo-gabadii Waxa Uu Ganacsade Haliil ugu baaqay sharaa’iga reer Somaliland gaar ahaanna shirkadaha Dahabshiil, Telesom, Somcable iyo kuwa la midka ahba inay mashruucan ugu deeqaan Min Afartan Halaad oo geel ah, kuwaas oo qayb laxaad leh ka qaadanaya ka midho dhalinta Barnaamijkan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here