Gabaygan waxa curiyey aniga oo ah: Kayse Maxamed Xuseen “Galaydh”, taariikhdu markay ahayd 10/07/2014 kii, mahadhada ku duugan ee gabaygani inoo xanbaarsanyahay, waa mid aad ka wada dharagsan tihiin oo ah bulshada soomaalida iyo siyaasigeeda masalooyinka kala irdheeyey. Gabaygani wuxuu diirada saarayaa tilmaamaha siyaasiyiinta soomaalidu leedahay.
Þ Nimanyahow mahwiga xaal adduun, waa misaal culuse
Þ Sooyaalku waa madhax haddaan, laga masuugayne
Þ Milaygii la joogaba waxbaa, lagu micneeyaaye
Þ Mucjisaba xasuustay siddaa, laga magowshaaye
Þ Mugdi iyo nimcaa lagu suntaa, meesigay tahaye
Þ Mahadhooyin ugub baa is qoraa, maalin iyo layle
Þ Hadba midabkay keentaa Cabdow, lagu masaalaaye
Þ Ninba wuxuu ka miistaa halkuu, maangal bidayaaye.
Þ Anna waxan ka maalaa murtida, maahirta irmaane
Þ Marba mooshinkay taagantaan, mudh ugu taabtaaye
Þ Midhka aan saluugsanay haddaan,nabar ka maansoodo.
Þ Baqashii fardaa lala miree, maalmo la carowday
Þ Iyo xaaduqii lagu masalay, hanad muggiis buuxa
Þ Labaduba is moodsiinta way, marin habaabaane
Þ Inkastuu malloolligu idaa , saarto maridooda
Þ Amuu sumal maroorsiga yaqaan, malaha maamuuse
Þ Misaalkeeda taa waxa ka dhigan, madaxda soomaale
Þ Micnahayga nimankaasi waa,maal rag leeyahaye
Þ Minjahooda nimanbaa u rogay, madaxyadoodiiye
Þ Qarankii milgaha wayn lahaa, mowdka loo godolye
Þ Matalkeeda lay taag mid aan, moqor biyaynayne
Þ Mansabkii siyaasiga hinraac, midigta loo saarye
Þ Maqaar saarka beenta ah ibliis, igu maddiiddeeye
Þ Mabda’iisa wiil lala baxoo, midabka soomaal leh
Þ Malkaduu gumaysigu fadhiyay, lagu mataaneeye
Þ Matal qaranka goortii la yidhi, aradka miineeye
Þ mugdigii jahligu qaadan jiray, igu maqaar saarye.
Þ Macaankii qabyaaladi lahayd, muxubo loo saarye.
Þ Nin maglida walaalkii dishiyo, dhagar maleegaaya
Þ Oo inuu cadaawuhu makalo, midig ku siinaaya
Þ Oo waliba inu guul mulkiyey, ula muraadaaya
Þ Oo maanka laga qaaday baa cunay, magoolkiiye.
Þ Nin intuu abkii soo makalay, muxubbo doobyaaya
Þ Oo malab heddooduba latahay, muumin iyo faasiq
Þ oo micida goortuu la helo, muruq ku taamaaya
Þ Oo inaan mabsuud ugu noqdiyo, ii mashxarad taagan
Þ Oo madaxa kor utaagayoo, magac halyeey sheegtay
Þ Iyo nacab masuul laga dhigtaa, mooska noo galaye.
Þ Soomalidu midh weeyee ragbaa, maal ku qaybsadaye
Þ Kala magacyo maahee runtii, waa mataan jabane
Þ Waa muwaaddiniin goba dadkuye, maamulkaa gabaye
Þ Madaxdoodibaa heeraysee, lama midh qaadeene
Þ Waxa meel madow dhigay hurrow, macalinkoodiiye.
Þ Huryadii maroodiga cuntee, maydhaqyada hiigtay
Þ Ee malaha tidhi giigsamoo, muruq arbaan yeeshay
Þ Ee Mowdku soo xidhay ayaad maandhow ii tahaye.
Þ Geelii miroodkiyo la baray, mayrac lagu daajo
Þ Ee milayga dayreed ku mamay, kaynta laga maagay
Þ Ee maqasha loo dhigay kobaha, maranku dheeraaday
Þ Ee muuday kayntee ugalay, gaani macaluulay
Þ Ee micida gooshiyo dugsaday, maahir ololokeeda
Þ Ee Madarka eersaday ayaad, maandhow iitahaye .
Þ Madalooti magaciisa dile,meel xun kama waabte
Þ Maqaarsaar xigaalkii makale,meeris kuma biirshe
Þ Mabda xume cadaawaha martiye,mowqif kuma diide
Þ Micne yare masuul sare is mood, ceebta kama maage
Þ Midh matare muraadkii qumsade ,meella kuma gaadhe.
Þ Midiyahad lisaysiyo shilkaad, nagu maleegayso
Þ Iyo micidad nala gaadaysaa waa meheradaaye
Þ Midhuhuba ninkii daaligay, marinka awdaane
Þ Macal cuneba soo baxee hadduu, mowjad hoos galo,e.
Þ Doqon milantay iyo geesigii malafsi baadaayey
Þ Mashaqadu inay kala dhextaal, waa midh la hubaaye,
Þ Maakhiriga naagtii lushee, maalmo kala shiishay
Þ Ee meel kuwada biirisee, hilay ku meegaartay
Þ Iyo Doolligii muluqyidhee, meerisyada gooyay
Þ Mashaqadu inay kala dhextaal, waa midh la hubaaye.
Þ Bulshadani dibnaha muudsatee, ciilku madhacdhaanshay
Þ Ee murugo hoogaansatee, maanka ka ciraystay
Þ Dhibta sooma maashane libtay, mahadsandoontaaye
Þ Maalinaan fogayn wuu goblami, muunso tiiqsiguye
Þ Mowlahaan baryee way samaan, maalmo dabadoode.
Email: kaysegalaydh@hotmail.com
SI-ARAG © Weedhsan Corporation