Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa si wadajir ah u shaaciyey in xal laga gaadhay khilaafkii diiwaangelinta muwaaddiniinta ee u dhexeeyey mucaaridka iyo muxaafidka, kadib wadahadallo muddo laba maalmood ah qaatay dhinacyadu ku yeesheen qasriga Madaxtooyada.
Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran – Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Eng. Faysal Cali-waarabe iyo Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wadajira ah saxaafadda ugu caddeeyey shalay in meesha laga saaray waxyaabihii xisbiyada mucaaridka ah tabanayeen ee la xidhiidhay diiwaangelinta madaniga.
Kulanka heshiisyaas lagaga dhawaaqay oo ka dhacay xarunta madaxtooyada, ayaa lagu iftiimiyey in qodobka 25aad ee qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha ee xeer Lr. 37/2007 uu xuddun u ahaa khilaafka, kaasoo u qornan; ‘Qofkasta oo raba in uu isu diiwaangeliyo codbixiye Doorashooyinka Qaranka (Madaxtooyada iyo Baarlamaanka) iyo Dawladaha Hoose waa in uu sitaa warqadda aqoonsiga muwaaddinka.’Arrintaasoo labada xisbi mucaarid ku doodeen inay caqabad ku noqon karto hirgelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sababina karto in doorashooyinku dib uga dhacaan waqtiga loo qoondeeyey ee badhtamaha sannadka 2015.
Haseyeeshee, shir muddo laba maalmood ah mucaaridka iyo muxaafidku ku yeesheen qasriga madaxtooyada, ayaa gunaanadkiisii la iskula qaatay shalay in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobkaas, laguna daro in qofka aan fursad u helin inuu qaato kaadhka muwaaddinka aan laga horjoogsan codbixinta doorashooyinka, balse isla goob keliya laga wada siiyo labada kaadh ee muwaaddinnimada iyo ka codbixintaba.
Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumaddu si fiican uga heshiiyeen waxyaabihii la isku khilaafsanaa eek u jiray xeerka diiwaangelinta, isagoo xusay in murankaas lagu dhammeeyey habkii dhaqanka u ahaa reer Somaliland ee wadahadalka, isku tanaasul iyo is-qancinta ahaa.
“Waxa maalmahan ina soo waajahay buuq, kaasoo ahaa labada diiwaangelinood ee kala ah; diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diiwaangelinta muwaaddiniinta oo runtii isa saaran, labaduna dan qaran ah, ayna ahayd inay dhawaan bilawdaan, taasina waxay dareen naga dhex abuurtay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka. Shalay (maalintii Sabtida) ilaa maanta ayaannu ka doodaynaa sidii la isugu soo dhowayn lahaa afkaaraha lagu kala duwan yahay, iyadoo xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaashuba hadda horyaallaan Golaha Wakiillada. Faraq weyn oo noo dhexeeyey meesha muu oolin, waxana meesha yaallay dhawr qodob ayey ahaayeen, waxaanuna isla garannay, kuna heshiinnay in xeerka diiwaangelintu sidiisa u socdo, wixii qodob iyo laba ah ee la isla eegayna madaxweynuhu ka daba gudbiyo, loona gudbiyo Golaha Wakiillada,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna sheegay in lagu heshiiyey in meesha laga saaro, loona gudbiyo Aqalka Wakiillada, waxaannu yidhi; “Aragtiyo kala duwan ayaa ka soo baxay xeerka Golaha Wakiillada loo gudbiyey ee ku saabsan labada diiwaangelinood, iyadoo heshiisyadii hore la eegayana waxay ahaayeen in aanay labadaas diiwaangelinood is-dabrin oo ay kala madaxbannaanaadaan. Markaannu aad u gorfaynay waxaannu isla garannay in wixii aannu u arkaynay inay dabrayaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha ama isku xidhaya oo aan kala madaxbannaanaynayn labadaas diiwaangelinood in meesha laga saaro, aragti midaysan ayaanan isku waafaqnay, madaxweynaha ayaana Golaha Wakiillada u gudbin doona haddii Ilaahay yidhaa.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo kulankaas ka hadlay, ayaa tibaaxay in la dhammeeyey khilaafkii jiray, isagoo dadweynaha ugu baaqay inay qaataan kaadhka diiwaangelinta muwaaddiniinta.
“Haddaannu nahay xisbiyada mucaaridka ah marna kamaannu soo horjeedin in la qaato kaadhka muwaaddinimada, waxaanse idin xasuusinayaa shan sanno muddo laga joogo oo ahayd 24 September 2009 sidan oo kale ayey saddexda xisbi isu haysteen markaasna, iyadoo qoddobaddaas doorashooyinka khuseeya la isku khilaafsanaa, markaa waxaynnu hadda dib ugu noqonnay shan sanno ka hor halkii aynnu joognay. Annagu waxaannu doonaynay in qofka muwaaddinka ah ee ka gaadhsiin waaya inuu kaadhka dhalashada hayso in aan laga horjoogsan kaadhka codbixinta doorashooyinka oo aan lagu xidhin kaadhkii muwaaddinimada maad qaadan, loona sameeyo hab uu khaadhkaas u qaato, ka codbixintana u qaato, waxa aannu isku haynayna intaas ayey ahayd, taasina way noo dhammaatay hadda oo xannibaaddii waa laga qaaday.”
Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna tilmaamay in aanay xisbi ahaan iyo xukuumadba marna ujeeddadoodu noqon in la xannibo hawlaha doorashooyinka, isagoo xusay in la isku khilaafsanaa hal qoddob oo ku jiray qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha oo hadda horyaal Golaha Wakiillada Somaliland.
“Waxa nasiib wanaag ah waxa isu beegmay maalintii nabadda adduunka iyo innagoo is-afgarannay, isla saxnay murankii dhexdeenna jiray. Waxaannu caddaynaynaa in aanaan marnaba xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba aanan ku talo jirin in sharciga la isku haystay xannibo doorashooyinka. Qodobka laga heshiiyey waa qoddobka 25aad wuxuuna u qornaa qodobkaas ‘qof kasta oo raba inuu isu diiwaangeliyo codbixiye doorashooyinka qaranka (Madaxtooyada iyo Baarlamaanka) iyo Dawladaha Hoose waa in uu sitaa warqadda aqoonsiga muwaaddinka.’ Walaaladayadu intaa meel xun ayey ka ururiyeen, waxayna yidhaahdeen innoogu dara qofka ka habsaama ee soo qaadan waaya kaadhka muwaaddinka in goobta codbixinta lagu qaadayo ay joogto Wasaaradda Daakhiliga iyo ciidankeedu, halkaasna lagu siiyo. Waxba kama qabno ayaannu nidhi, illeyn marka horeba xannibaad maannu wadane, waxa lagu buuqayna intaas ayey ahayd, taasna waynnu ka heshiinnay,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo uu ku baaqay in laga hawlgalo sidii dadweynaha reer Somaliland loo fahamsiin lahaa diiwaangelinta muwaaddinka, waxaannu yidhi; “Maanta waxa inoo yaal inaynnu dadkeena fahamsiino labada codbixiyaba, lana qaato muwaaddinka. Qofka aan kaadhka muwaaddinka qaadan heli maayo codbixiyeyaasha, markaa waa in xoog loo ololeeyo, lana qaato warqadda muwaaddinka, wixii ka habsaamana hadhaw ay noqdaan tiro yar oo aan qiimo badan noogu kicin.”
Heshiiska xisbiyada iyo xukuumaddu isla gaadheen, ayaa ka dambeeyey kadib markii kulan madaxweynaha Somaliland goob-joog ka ahaa lagu yeeshay maalintii Sabtida xarunta madaxtooyada, kaasoo la iskula qaatay in markale la isugu yimaad Axaddii maanta, meeshana laga saaro wixii khilaaf dhallin kara ee ku jira diiwaangelinta maddaniga ah.