Halk Qof Oo Ku Dhintay Tuulo Somaliland Ku Taalla Oo Dadkii Deganaa Biyo La’aan Uga Qaxeen

0
36

Saylaac, Somaliland (Hubaal) – hal qof oo mayd ah oo dhalinyarro ah ayaa laga helay Banka Giriyaadka gaar ahaan  meel u dhaw Tuulada laagta morohdale oo ka mida Degmada Saylac. Sida uu ku soo waramay weriye  Maxamed Cawaalle Daahir, oo Saylac degani, Maydkan oo sida la sheegay haraad u dhintay ayaa waxaa ii xaqiijiyay Taliye xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Salal Cismaan Xaashi Daahir iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Saylac Sacad Daahir Cigge.

saylacSidoo kale waxa la xidhiidhay Dadka deegaankaasi waxaanay  sheegeen inay galabta casarkii wadada dhinaceeda ku arkeen maydkan,waxayna intaasi raaciyeen inuu yahay qof dhalinyarro ah  midabkiisuna casaan yahay bidaar ayuu leeyahay wuxuuna sitay buugaag sidaasna waxa Codkahargeysa u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Saylac Sacad Daahir Cigge. Geesta kale waxaa Deegaanka Laagta morohdale ka jaban ceelkii Biyaha muddo sadex bilood ah taasoo keentay in dhammaan ka qaxaan Dadkii ku noolaa Tuuladaasi marka laga reebo qof ilaaliye u ah Shirkad isgaadhsiineed iyo Nin Fooniye ku haysta Tuuladaasi.

source:codkahargeysa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here