Hargeysa(Hubaal)-Meshiinka lagu daabici jiray Baasaboorka Somaliland ayaa u fadhiistay Cillad la soo daristay. Xogaha laga helayo ayaa sheegaya in Qolka Server-ku yaalay oo aad u kululaaday islamarkaana aan Marawaxad helin keenay in Server-ku gubto.
Xukumadda Somaliland ayaa sanadkii la soo dhaafay Qandaraas Lacag badani ku baxday ku hirgalisay Server-kan oo la sheegay in lacago badan uu soo saaro.
Ilaa hadda Masuuliyiinta Laanta socdaalka oo arrintani khusayso sharaxaad kama bixin Sababaha rasmiga ah ee keenay Cilladan balse waxaa jira dad u caddiban Basaboor la’aan. Dad gaadhaya illaa toddobaatan qof ayaa shalay isa soo hor tubay xaruntla Laanta Socdaalka, kuwaas oo doonayey baasaabooro u xaraysnaa si ay u qaataan, hase yeeshee waxay ogaadeen in uu Gubtay Server-kii baasaaboorka soo saarayey-ba waxaanay ka hor sameeyeen cabasho.
Dadka dhibta ugu weyni kala soo daristay baasaaboor la’aanta ka dhalatay Server-ka gubtay waxa ka mid ahaa wiil 12 jir ah oo ay Kelyuhu taagan yihiin, kaasoo hawl caafimaad ugu bixi lahaa dalka dibadiisa, hase yeeshee nasiib darro isagoo lacagtiisa la baxaya ayuu la’yahay baasaaboor Somaliland uu ku dhoofo.