“Haday xukuumaddu badheedh isu hortaagto in doorashada la qabto,xalka ugu wanaagsani waa xukuumad kumeel gaadh ah oo ujeedadeedu tahay inay doorasho qabato la sameeyo”

0
40

Hargeysa: (Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa caddeeyey mawqifka xisbigiisa eek u aaddan Wada-hadallada xukuumaddu kula jirto dhiggeeda Somalia, waxana uu soo jeediyey in la hakiyo inta dalka doorasho la qabanayo.

Cirro-iyo-golahaGuddoomiye Cirro oo u warramayey Tv-ga Kalsan, ayaa ka dayriyey midhaha laga filan karo inay kasoo baxaan Wada-hadallada inkastoo uu muddo dheer soo jiitamayey, “Shirkii Somaliland iyo Somaliya dee horta g’aankii lagu galay in la bilaabo waxaa uu ahaa go’aan qaran oo loo dhan yahay, waxaa lagu bilaabay axsaabta iyo xukuumadu in ay ka wada qayb galaan wada hadalada, waxaad ka warqabtaan in axsaabtii ay xukuumadu ka saartay oo ay kaligeed ku kaliyeysatay, markaa dee ha kuba kaliyeysato oo dee haddii ay wax ka soo baxaan waa ay fiicnaan lahayd, wax ka soo baxayna illaa hada ma jiro, hal qodob ayaa illaa hada ka soo baxay ayaa la yidhi qodobkiina waa laga noqday, markaas shirkaasi wali shir ay wax ka soo baxeen maaha, waxaana ay illa tahay shirka saddexdiis sano ay wax ka soo bixi waayeen hadana iyada oo ay xukuumadana cimrigeedii uu ka hadhay saddex bilood ama afar bilood wax badan ka soo bixi maayaan ,marka taladayadu waxaa ay tahay in illaa doorashada ka dib la hakiyo wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya u socda. marnabana dee xukuumadu si faah faahsan shacbiga ugamay waramin xukuumada ayaan la waydiin doona maadama dee aanay asxaabtiina ku jirin oo xukuumada oo qudhi ay waday.”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Ciro.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in go’aanka ka xisbi ahaan uga yaala haddii ay xukuumadu si badheedh ah dalka doorasho uga qaban waydo ay tahay in ay ku baaqayaan in la dhiso dawlad ay u jeedadeedu tahay sidii ay dalka doorasho uga hirgalin lahayd, isaga oo tilmaamay in ficilada ay samaynayso xukuumada Siilaanyo ay muujinayaan in aanay diyaar u ahayn in ay doorasho ka qabato dalka. Waxaana uu carabka ku adkeeyey in haddii ay si badheedh xukuumada Siilaanyo dalka doorasho uga qaban waydo ay jabisay dastuurkii qaranka u yaalay.

“Go’aankayagu waxaa uu ahaa haddii ay xukuumadu si badheedh ah ay isu hortaagto in doorashada la qabto, qarankuna aanu waxba ku heshiis ahayn wakhtigaa ka hor, waxaa u noqonayaa xalka ugu wanaagsani in cid dhex dhexaad ah oo doorasho qabata oo ah xukuumad ku meel gaadh ah u jeedadeeduna ay tahay oo qudha in ay doorasho qabato in la sameeyo, haday xukuumadu si badheedh ah isu hor istaagtana waa dastuur jabin, xukuumada gudashada ama qabashada doorashadu waxaa ay u baahan tahay waa go’aan siyaasi ah, go’aanka gudida doorashooyinku waa farsamo, xukuumadu in ay hortaagan tahayna ficilkeeda ayaa tilmaamaya oo 2013kii waxii la bilaabay ee diyaar garowgii muu dhamaan waayi kareen. Xilkasta muddo xileed ayaa uu leeyahay muddo xileedkuna marka uu dhamaado dee waxaa tilmaamaya waa xeerarka kala duwan, markaa xil gudasho la’aani haday jirto iyada laftarkeedu dee waa distoor jabin.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, waxaa uu ugu danbayntii sheegay in ay ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in ay doorashada ka qayb galaan isaga oo tibaaxay in ay buuxin doonaan dhamaanba shuruurdaha looga bahaan yahay ka hor 45-cisho doorashada fooda inagu soo haysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here