“HADAAN SACABKA XEELADI KU JIRIN MAXAA HABEENKII LOO TUMAA?”

0
32

Sida ayla wada socdaan dadkii soo jiray waxaa baryahii horejiri jiray dhalinyarada deegaanada reerguuraga amase miyiga soomaaliland waxaa ay habeenkii kusoo jeedi jireen isla mar ahaantaana ayku haasawi jireen amase u ahaa waa afka ayku fahmayaan dhalinyarada waqtigani u ahaa face book ga ,waxaa ay ahaayeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka soomaalilandta ,waxaanay dhalinyaradu gaar ahaan ragu ay meel woxogaa u jirta deegaanka ayka bilaabijireen sacab laysla fahmayo amase baaq oo aadloo tumi jiray,markaasaa hablaha dhalinyarada ah ee deegaankaasina ay fahmi jiraan in fursado haasaawe loogu yeedhayo markaasaa aad halkaa loogu tuman jiray waxaaku jiray fursad haasaawe maadaama aan maalintii loo helayn waqti lala kulmo hablaha ,habeenkaasaa waxaalaga helijiray fursado guur maadama aanad markale helikarin gabadha kugula nool deegaanaka ,markaasaa waxaa soobaxday maah maahdan aankusoo qaadanay cinwaanka maqaalkan oola macna ah hadii aan jaanisyadaas guur iyo kulanka hablahu ay habeenkii uun leeyahiin jaanis maxaa hadaan xeeladaasi ku jirin dharaartii loo tuman waayay.dadka intii garanaysaa way fahmaysaa intaan garanayna waanagaa u fasirnay.

Waxaan uga gol leeyahay waxaa ay xukuumadan talada dalka sheegata inay hayso ay bilawgiiba kafadkudisay duminta qadiyadan sodonka sanadood loosoo qaday,waxaana laga bilaabay in golayaasha soomaaliland laga ansaxsado in shirkasta oo soomaalilyeed laga qaybgali karo ,iyadoo beenlaga sheegay qorshaha ka hooseeya oo ahaa kii axamad siilaanyo uu lasoogalay xildhibaankii madoobaa ee maraykanka oo marti qaad u fidiyay markii adaxawyane siilaanyo uu ahaa gudoomiyaha xisbigii kulmiye oo ahaa kii xukuumadii waqtigaa jirtay ee udub ee uu hogaaminayay madaxwaynahii hore ee daahir riyaale kaahin uuganafka ku dhuftay martiqaad ay u fidisay dawlada maraykanku mar hadii ay wax udhimayso qadiyada soomaalilnd laakiin dadwaynaha soomaaliland oo markaa aan dhagaysan jirin talooyinka dawladaasi ay taageereen qadiyadii xisbigii kulmiye oo hadana ah dawlada talada dalka haysata waxaanay kasoo saxeexdeen in qadiyada soomaaliland daaqada laga tuuro isla mar ahaantaana laqaato nidaam aymarkaa wateen dawlada maraykanku oo ahaa in federal laga dhigo dhulwaynahii soomaalilda ,arintaasi oo uumarkiiba sarajooga ku saxeexay markaasi oo uu madaxwaynaha madaxmaray kursi jacaylka lagu baabay siyaasiyiinta soomaaliland ,markaasi ayaala bilaabay markiiba in la xaqiro qadiyadii isla mar ahaantaana daaqada laga saaro qofkasta oolayslahaa waxaa ku jirta qadarinta qadiyadan soomaaliland ,taasi badalkeedana lasoo qaato wasiiro aan waxba ka arkayn gidaarkan waxiika dambeeya waxaa aymaqlaana aytahay uun magaca wasiir nimadiisa ,waxaalala fadhiistay oolaga saxeexday hadana madaxdii soomaalida ee aynaan labaatanka sanadood agmarin meel ayku nool yihiin waxaana hoos u dhacay meeqaamkii soomaalilnd ayku lahayd beesha caalamka waxaanu mugdi galay waxaynu sheeganaynay labaatanka sanadood.

Waxaana qorshahaa dabada kawaday wadamadan aanu u kacinba nin yaqaanaa eelagu sheego wadamada reer galbeedka oo ay siyaasadoodii daaqada kasiibaxayso ,waxmarba meel lasoo joogsadaba waxaa hadana axmad siilaanyo bilaabay inuuka dhuunto qofkasta ookala sheekaysan kara qadiyadan iyada uu ugu tala galay inuu qiiqa isku qariyo oodadka badankoodu ay sheegaan inaan la fahmi Karin ujeedooyinkiisa uu hoosta kuwato ,waxaanay talaababa talaabo usoo dhiibaysay sida loogu sii siqayo goolka guuldarada ,ayaa waxaa maanta toosloo bilaabay inmadaxtooyada soomaalilnd lagu qabto shir laga yaabay ujeedada ka dambaysa oo ah in duhur laysla wada jiro laga dooday waraaqla sheegay inuu soo qoray xoghayaha guud eeqaramada midoobay banki moon oola leeyahay waxaadkasoo warbixisaan qaadashada waxaa ay ugu yeedhaan federaalka soomaaliya ,taasi oo ku riday dadwaynahii soo dooratay madaxwaynaha maanta talada dalka haya oo waxayka yaabeen sida dhiiran ee uumadaxwaynahu lasoo hagaagay  oo ku riday amakaag waxaalaga hadlayaana uu yahay qadiyadii loo dooratay ee ahayd inuu qadiyadan soomaalilnd waxaase maanta laga yaabay waxan uulasoo hagaagay waxaa iyaduna waxlala yaabo ah golayaasha qaranka ee mid uu hogaaminayo inaadeerkii ay wax isla ogyihiin oo ah gudoomiyaha golaha guurtida saleebaan gaal ,oo sida la sheegay uu horyaalo mooshinkan lagaga noqonayo qadiyada madaxbanaanida soomaaliland ,waxaanay noqonaysaa meeshii ayku dhiman lahaayeen siyaasiyiinta uumadaxmaray qasku ,waxaankusoo sugay gaajo, waxaankusoo sugay diif,waxaan kusoo sugay ,dhiig ,waxaankusoo suagay boodh iyo siigo ,waxaakusoo suagay daranyo ,waxaankusoo suagay bahdilaad ,waxaankusoo suagay ,inla yeelo waxkasta oo aanka xishoon jiray,waxii aanintaa ugusoo samray miyaa aayar lalayla horyimid baabiinteedii ,

Waxaanse usheegaynaa inaanay tani ahayn tuka iibgalaysa madaxwayne siilaanyo iyo siyaasadiisa qudhunka ah,waxaana halkaasi kabilaabmaya inla cuskado waxkasta oolagu difaacayo qadiyadan loosoo dhigtay ee soomaaliland waxaanan u digaynaa golayaasha bartay malafsiga ee laga iibsado waxkasta oolooga baahdo kusaxeexa aqlabiyada inaanay ahayn tani tiilagula dhacayay shacabkan ilaahay talada saaratay gaar ahaan waxaan usheegaynaa gudoomiye saleebaan gaal inuu la xishoodo qadiyada inuuka xishoodo ceebta soo gaadhaysa beel ahaan een waligoodka ba ayan ee ah barigii adana ad ahayd gudoomiyaha isna uu ahaa madaxwaynaha ayay dhacanatay maandeeq markaasi saleebaanaw kadaa siigada ,madaxwayne siilaanyona waxaanu leenahay hadaad soo qaadatay qodobo aadlahayd kursiga uunku fuul anagaa kaa saariye waxaad ogaataa inaanay jirin maanta un inaga inoo hanjabi karta waayo kamaba tirsanin wadamada ayka jirto qaramada midoobay,talabaad wadamadii aadlasoo saxeexateen wadamada reer galbeedka gaar ahaan maraykanka iyi ingiriiska ,iyagana waxaadkaga baxdaa hadaad haysato waraaqahooda ha iloobine waadigii doraad qaatay baasaaboorkii dalkaaga maba tihid ninkii geela kaqaaday taana hayso .

Ugu dambayn waxaan la hadlayaa shacabkii loosoo gumaaday ,naafada qarafaysata suuqyada ,agoomaha ku gaajooda qadiyada iyo dhamaan shacabka soomaalilnd in ,ay taagantahay qadayadii mudada loosoo qadayay ee soomaalilnd ,waxaanan leenahay waar hadaynu ka yeelay waxkasta xukuumadan,oo aynu uga yeelay si ay u badbaado qadiyadani oo ah jiritaankii soomaaliland waxaanan leenahay ayaynaan ukala bixin tani waatii aynu ka midaysnayn ,ayaanay lacagi shaqayn,ayaanay qabyaaladi inakala faqooqinewaa inaynu dhagaha furnaa oo u midawnaa badbaadinta qadiyadan waana in la furaa dhagaha waana inlaga war hayaa meelkasta oolagu hayo arintaasi .

 

Waxaan kaga baxayaa hadaan sacabka xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa oo la macno ah hadaanu madaxwayne siilaanyo ahayn khaayinul wadan dadkiisii khiyaameeyay maxuu marba geed ugu soo gabanayaa wuxuu tuurta la lahaana waynu aragnay oo waxay noqotay khiyaamo qaran

Wabilaahi tawfiiq,

QALINKII AA,CIIDLE HARGAYSA SOOMAALILAND      ,

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here