Gudoomiyaha Waddani ee Gobolka Saaxil Oo Cambaareeyey Xadhiga wariye Axmed Siciid Oo Berbera Lagu Xidhay

0
30

Hargeysa(Hubaal)-Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga Waddani Md. Cali Axmed Kaahin ayaa Cambaareeyey Xadhiga Wariye Axmed Siciid oo Magaalada Berbera uga soo warama Kalsan Tv

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga Waddani Md. Cali Axmed Kaahin oo Warbaahinta kula Hadlay galabta Magaalada Hargeysa oo uu safar shaqo ku joogo ayaa waxa uu cod dheer ku cambaareeyey Xadhiga Wariye Axmed Siciid oo uu sheegay in lagu xidhay arin sharciyad adalaka baal marsan

 gudoomiyaha waddani ee saaxil

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga Waddani Md. Cali Axmed Kaahin oo warbaahinta la hadlaayey ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa”Xukuumadani waxa ay caadaysatay Xadhiga Wariyeyaasha taasoo ujeedadeedu tahay talaabooyinka ee ay ku kacayso maxaad u sheegteen iyo maxaad u arkaysaan eexda iyo qaraabo-kiilka aanu samaynayno ,Maantana waxa uu ku xidhanyey Wariye Axmed Siciid waa wax jira oo aanu iyada iyo kuwo kale oo lamidaba aanu soo wado daahana ka faydi doono ayaamaha soo socda”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here