Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiillada Oo ka Hadlay Sabbabaha Keenay Dib U-Dhac Ku Yimid Kalfadhiga 26aad Oo Maanta Furmi lahaa

0
28

Hargeysa(Hubaal):-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay sababaha keenay in dib loo dhigo furitaanka kal fadhiga 26aad ee golaha wakiilada.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada oo waraysi gaar ah siiyey shabakada Hadhwanaagnews ayaa waxa uu sheegay in furitaanka kalfadhiga golaha dib loogu dhigay in la diyaariyo qorshe hawleedka golaha, waxaanu tilmaamay in la xalin doono khilaafka ka dhex taagan mudanayaasha wakiilada.

baashe axmedUgu horayn gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlaya sababaha keenay in dib loo dhigo furitaanka kal fadhiga 26aad ee golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi “ Kal fadhiga 26aad ee golaha wakiilada waxa uu furmi lahaa maanta waxaanan dib u

dhignay mudo hal todobaad ah si loo dhamaystiro qorshe hawleedka kal fadhiga golaha, golahana kama dhex jiro khilaaf weyn maalin iyo saacadna wuu ku dhamaan karaa, waxa laysku haystayna waa xeerkii diwaan gelinta markaa isaguna wuu iska dhamaanayaa, todobaadkaasna wuu ku dhamaanayaa khilaafku.”

Sidoo kale waxa uu bulshada ku war geliyey in khilaafka ka dhex taagan mudanayaasha golaha wakiilada aanu ahayn khilaaf weyn waxaanu yidhi “Bulshada waxaan u soo jeedinayaa inaanu khilaafka golaha ka taagani aanu ahayn khilaaf weyn oo dhibaato u keeni kara shacabka somaliland, xildhibaanaduna waxay u tudhayaan dadka, wararka la faafinayana wax ka jiraa ma jiraan waxa weeyaan golaha caadadii ayey iska tahay inuu khilaaf soo kala dhex galo dabadeedna goluhu gudihiisa ku dhamaysto.”

Baashe Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay inay is deg deg u ansixin doonaan guddida doorashooyinka qaranka waxaanu yidhi “Gudida doorashooyinka wiiga soo socda ayaa la ansixinayaa ahmiyad ayaanu leeyahay doorashooyinkuna inay hore u dhacaan diyaar ayaanu u nahay, wixii naga qabyo ah todobaadka danbe marka aanu qorshe hawleedkayaga dhamaysano ayaa la ansixin doonaa wax dib u dhacayaana ma jiraa, waxaanan filaynaa in todobaadka soo socda hawlahaas la ansixiyo.”

Ugu danbayntiina waxa uu tilmaamay inaanu jirin wax cago jiid ah oo xisbiga Kulmiye uu dib ugu dhigayo doorashada waxaanu yidhi “Wax doorasho ah oo laga cago jiidayaa ma jiraan xisbiga Kulmiye-na kama cago jiidayo doorashada inay dhacdo diyaar ayaanu u yahay wax ka qabyo ahina ma jiraa, wakhtiga ay guddida doorashooyinku u qabtaana diyaar ayuu xisbiga Kulmiye u yahay in guddida doorashada la qabto.” Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here