Guddoomiye Cirro Oo Curashada Sanadka Cusub Awgii Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Umadda Reer Somaliland

0
24

Hargeys(Hubaal):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa waxaa uu dhambaal hambalyo ah uu u dirayaa guud ahaanba umadda reer Somaliland gaar ahaana taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda curashada sanadka cusub ee 2015-ka, waxaana uu Illaahay uga baryeyaa in ay caafimaad qab iyo nabad ay ku gaadhaan sanadka sanadkiisa.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa hadalkan ka sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhey ayaa waxaa uu u dhignaa sida tan:

Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxaa uu hambalyo u dirayaa guud ahaanba shacbiga reer Somaliland, gaar ahaana taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda curashada  sanadka cusub ee 2015-ka awgeed.

 Cabdiraxmaan Cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland in sanadka sanadkiisa ay ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Ciro, waxaa uu sida oo kale uu umadda reer Somaliland uu Illaahay uga baryeyaa ictiraaf buuxa oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadka sanadkiisa ha idin ku gaadhsiiyo nabad, caafimaad qab, cimri dherer iyo cibaado suuban.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here