Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE Oo Walaac Ka Muujiyay Dhalinyaradda Rabshadaha Ka Sameeya Magalooyinka Waa Weyn.

0
30

Hargaysa(Hubaal) Hogaamiyaha Xisbita talada haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhibaatada ay bulshada ku hayaan Dhalinyaro Kooxo ah oo rabshado sameeya. Waxa uu sheegay inay keeneen dhaqano ku cusub bulshada.

 “ Baryahan waxaa soo baxay oo inaguna soo fool-leh dhibaatooyin u baahan in mujtamaca oo dhani ka wada hawl galo.Magaalooyinkeena oo dhan waxaa ka abuurmay wax la yidhaahdo dhalin yaro Gaangis (gangs) ah.” Ayuuu yidhi Muuse Biixi.

muuse biixiMujaahid Muuse Biixi waxa uu sheegay in dhalin yaradu tahay mid fara badan oo si qaaloocan wax u wada “Dhalinyaro xoog leh oo fara badan oo dhinaca qaloocan u dhaqaaqday baa jirta. Waa arrin aynaan dhaqan u  lahayn oo aan ab iyo aabo toona Soomaali iyo Muslim toona u lahayn oo Kufsi wadareed ka mid yahay oo maanta xaafad walba iyo gidaar walba ka taagan”

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inaan dadku habeenkii amni darro darteed carraabi Karin “Waxaanu arkaynaa,Magaalooyinkoo dhan inaanu Odaygii  Telefoonkiisa habeenkii la carraabi karayn oo laga yaabo inuu Inankiisii ka amaan waayo.

Waxaa dhacda, Hargeysa in Ninka la yidhaa Dr Cali Oo ah ninka Dhakhtarka Shifo sameeyay oo ah Master Qalliinka ah, in isagoo Masaajid ka baxay in Ciyaal is shiidayaa Madaxaa ku dhufteen oo lafta ku jabiyeen. Todobaadkan ayay arrintaasi dhacday iyo waliba Boqolaal la mid ah” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Mujaahid Muuse Biixi waxa uu sheegay in la dhayalsaday arrintan “Waxa weeye waa la dhayal saday arrintaas, Qaran ahaan waynu dhayal sanay oo waxa la yidhaa uun Boolisku ha qabteen, hawshaasi Hawl Boolis way ka wayn tahay, waa Aafo soo korodhay oo cid walba ka faa’iidaysan karto. Rag xoog ah, ismaamulay oo Is abaabulay oo sidii Hay’addaha u dhisan oo aan cidna u tudhayn baa soo kordhaya.”

Mujaahid Muuse Biixi wuxuu soo jeediyay in si heer qaran ah loo wajaho arrintaasi “Waxaynu u baahannahay arrintaas, Qaranku wadar ahaan, Goleyaal,Xukumad,Xisbiyo,Culimo iyo ganacsato inaynu talo qaran ka yeelano intayna arrintaasi halkaas dhaafin”

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here