Hargaysa(Hubaal)Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shirka Afgarad saddex ee beesha Arab uga socda magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd.
Guddoomiye Muuse waxa uu u rajeeyey shirkaasi inuu noqdo mid si fiican ku dhammaado, kana soo baxaan go’aamo anfaca diinta, dalka iyo dadkaba.
Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal kooban uu warbaahinta diray caawa, kaas oo u dhignaa sidan;
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shirka Afgarad saddex ee ka qabsoobay magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd, waxaan rajaynayaa inuu ku dhammaado bash bash iyo barwaaqo. Waxa kale oo aan u rajaynayaa inay ka soo bixi doonaan go’aamo anfaca diinta, dalka iyo dadkaba,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Muuse Biixi.