Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay Buugaag loogu talo-galay Horumarinta hay’adaha Garsoorka dalka

0
30

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliand Dr Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa soo dhoweeyey, isla markaana sheegay inay kaalin ka qaadan doonaan dib-u-habaynta nidaamka garsoorka Somaliland buugaag loogu talo-galay sare u qaadista Aqoonta Garsooreyaasha iyo Nidaamka Dacwadaha Maxkamada.

Guddoomiyaha-maxkamadda-sareInkasta oo inta kiisaska dacwadaha Maxkamadaha Somalialnd lagu xaliyo nidaam ku salaysan dhaqan ama shareecada islaamka, ayaa haddana la sheegay in adeegsiga nidaamka garsoorka oo la jaanqaadaya xeerarka caalamka xal wanaagsan u noqon karo tabashooyinka ka jira garsoorka iyo shaqada garsoorayaasha maxkamadaha.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo ka hadlay xaflad hay’adda UNODC oo dhinaca garsoorka ka taageerta ku soo bandhigtay lix buug oo lagu soo uruuriyey nidaamyada loo maro bilowga dacwada ilaa dhamaystirkeeda ayaa sheegay inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dedaaladooda ku waajahan in bulshadu hesho cadaalad wanaagsan. “Buugaagtan oo koobsanaya qawaaniinta iyo xeerarka caalamka ayaa xal u noqon kara caqabado nagu haysta Somaliland. Waxay sare u qaadi doonaan aqoonta hay’adada garsoorka dalka mustaqbalka.”

Buugaagtan oo loo diyaariyey inay la jaanqaadaan xaaladaha iyo habraaca dacwadaha ayaa wax weyn ka tari doona aqoonta bahda cadaalada Somaliland.

“Buugaagtan lagu soo uruuriyey habraaca bilowga dacwadaha ilaa dhamaystirkooda ayaa kaalin weyn ka qaadan doona shaqada aanu ka hayno Somaliland, iyo sida loogu baahan yahay in ku dhaqanka sharcigu ka hirgalo.” Ayuu sheegay madaxa xafiiska Barriga Afrika ee UNODC Jose Vila del Castilo.

Buugaagtan ayaa lagu soo koobay sida loo baadho dembiyada waaweyn, sida ciidamada booliisku u raacayaan baadhitaanada dacwadaha iyo sid agarsoorayaasha maxkamaduhu u marayaan go’aan ka gaadhista kiisaska.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here