Xadhadhanka (Hubaal)-Xaaladda amni ee Deegaanada Qorilud ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sii xumaatay kadib markii ay Beelaha Deegaankaasi kor u qaadeen Weerarrada Gaadmada ah ee ay sida joogtada ah iskugu qaadayaan.
Inkastoo ay jiraan Dedaallo nabad lagu doonayey oo labada Beelood ee Qorilugud iyo Buuhoodle la iskugu soo dhaweynayey, haddana waxa muuqata inaanay arrintaasi midho dhal noqonin, kadib markii Dablay Hubaysan oo kasoo jeeda Deegaanka Qorilugud ay Xalay Nin Xoolo dhaqato ah ku dileen Deegaanka Balli-cadaad oo Dhinaca K/Bari kaga Beegan Tuulada Coodanle oo ku taalla Xadka Somaliland iyo Ehtiopia.
Waxa Beryahan Ku soo Qul qulayay Degaanada Kalshaale, Coodanle Iyo Hawdka Ethiopia Maleeshiyo Ka soo Jeeda Degaanada Qorulugud, ballidhiig Iyo Dhoqoshey, waxaana Geesta Kale Maleeshiyada Khaatumo soo Dhoobtay Ciidamo Kale Isla Goobtaasi waxaana Laga Dareemaya Dagaal Balaadhan oo Goor Kasta Ka Qarxi Karta Degaanadaasi.
Dhawaan ayey Beesha Deegaanka Qorulugud sheegtay inay ka caalweyday dedaal ay ku doonayeen inay nabad ku helaan, waxana ay ku baaqeen in beesha Buuhoodle ay kala quusteen dedaal ay nabad waarta kaga doonayeen.