“Guddiga Wasiirada Ahi Xalka Ay Madaxweynaha Kula Talinayaan, Ha U Soo Bandhigo Shacbiga…”

0
40

Hargeysa, (Hubaal)-Guddoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Cali Guray, ayaa Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay inuu qaato warqadii furnad ee uu ku socodsiiyay oo xal u noqon doonta khilaafka doorashooyinka ee u dhexeeya Xisbiyadda Mucaaridka iyo Xukuumadda. Isla markaana wuxuu sheegay in Madaxweynuhu gudidii wasiirada ahaa ee u saaray waxay kula taliyeen inuu shacabka u soo bandhiggo.

Cali Guray wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku faafiyay barta ay Bulshadu ku wadda xidhiidho ee Facebook-ga, qoraalkaasina wuxuu u dhiganaa sidan;-

cali guray

“Gebogebada warqadii furnayd ee Madaxwaynaha aan ku socodsiiyay hadii 50% uu qaato waxan is leeyahay xal way u noqon kartaa khilaafka doorashada ee mucaaridka iyo xukuumadda. Bal gudida uu saaray ee wasiirada ihi xalka ay madaxwaynaha kula taliyaan ha u soo bandhigo shacbiga si loo ogaado yaa nasteex ah yaan ahayn. Talooyinkii aan siiyayna waa kuwan

MAXAA XAL AH?

Mudane Madaxwayne, shakhsiyaadka faro ku tirska ah ee awooda aan xadka lahayn aad gacanta u gelisay ee mar waalba sax iyo qalad isku hubaa saxeexaagau ma aqbli karaan in ay wax doorasho ihi dalka ka qabsoont waayo dantooda ayaanay ka dhex arkayn.. Sida xaaladda dalku ay manta tahay hadii la diido inay doorashadu qabsoonto oo taladu gacanta dadka dib ugu noqonto dabcan khilaafka siyaasaddu waxa iman doonta inu cirka isku sii shareero oo talo faro ka haado ilaa ay gaadho in albaabkii xalka doorashadu is xidho halka la isugu tagaana ay noqoto doorasho la’aanta oo xal la’aan keliya uun ah saamayna ku yeelan kara ammniga iyo xasiloonida dalka.

Hadii xaalku sidan sii ahaado doorashadiina xiligeedii ku qabsoomi waydo, kooxdiina tii uun tahay, xukuumadduna tan uun tahay, wakiiladu halkoodii uun yihiin, Saleebaan iyo guurtiduna qalinkii muddo kordhinta la diyaar yihiin waxa hubaal ah inay adkaan doonto sida ay dalka uga qabsoomi karto, xataa hadii Komishanku muddo dambe cayimo. Goor kastaba ha dhacdo eh hadiiba ay dhacdo ma noqon doonto mid xor iyo xalaal ah oo si nabadgelyo ah u qabsoonta sidii doorashooyinkii xiligiiMadaxwaynihii hore, Dahir Rayaal Kahin balse waxa suurtogal ah inay noqon karto mid ka sii liidata dorashadii keli ahayd ee dalka ka qabsoontay Mudane Madaxwayne aad adigu xilka haysay ee Golayaasha Degaanka oo loo yaqaan doorashadii dhiiga.

Mudane Madaxwayne, marka ay cadahay inta adiga kugu xeeran ee wasiiro iyo xildhibaano ahi in aanay doonayn kana dagaal lamayaan doorashada. Ee la xusuusan yahay doorashadii Golayaasha Degaanka iyo wixii dhacay iyo weliba kooxda madaxtooyadu kaalintii ay ku lahayd dhibtii dhacday waxan kuu soo jeedinayaa talooyinkan:

➢ Kolka ugu horeysa waxan kugula talinayaa in aad ka talo goosto inta kugu xeeran ee aan wax ay ku yeeleen mooyee wax ay ku tareen jirin oo aanad dib uga talo qaadan hadii ay kaa go’antay in aad qaranka badbaadiso doorasho xor iyo xalaal ahina ay ka qabsoomi karaan marka ugu horeysa ee suurtogal ah

➢ Inta ka horeysa 26 June in aad dhisto xukuumad cusub oo lagu wada kalsoonaan karo inay dalka gaadhsiin karto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo aanay ku jirin shakhsiyaadka caanka ah ee kooxda doorash diidka ah ee adiga magacaaga ku shaqaysata awoodahaagana ku takri fasha. Xukuumadda cusubi waa inay noqotaa xukuumad farsamo oo lagu soo xulay aqoon, karti, iyo daacadnimo

➢ In aad gebi haanba kala dirto Golaha Wakiilada sababahan awgood,

o Ma jiro sharci iyagana u ogolaanya inay tobn sanadood iyo ka badan iska fadhiyaan oo Madaxwaynaha u diidaya in uu kala diri karo wakhti ay muddo dhaaf yihiin shan sanadood oo aanay xaq u lahayn inay sii joogaan

o Si aanay doorasho u qabsoomin waxay ragaaiyeen shuruucdii muhiimka ahayd ee doorashooyinka ilaa hadda oy toban sanadood wax ku dhaw joogeen ilaa manta xeerkii iyaga lagu dooran lahaa umay dhaqaaqin oo waa qabyo. Intii kale xeerar ahayd way burburiyeen wakhti dheer oon loo baahnayna way ku lumiyeen. Kii ugu dambeeyay ee Diiwaangelinta Madaniga ah wixii ay sameeyeen waynu ogayn ilaa hadda ayaa lixinkii ay geliyeen hadaan dib loo sixin aanay suurtogal ahayn in diiwangelin lagu qaban karo

o Hadii ay sii fadhiyaan oo iyaga laga sugo oo loo daba fadhiisto qabyo tirka lagma yaabo in doorasho ku qabsoonto xataa taariikhda dambe ee Komishanku cayimo. Wixii ka qabyo ah xeeraka ee u ka dhiman sidii caadadu ahayd waxa lagu dhamays tiri karaa xeer nadaamiye Code of Conduct ay komishanka iyo sedexda xisbi isla ogolaadaan

➢ In marka mudo xileediisu dhamaado ay Madxwaynaha iyo ku xigeenku xilka sii hayaan inta laga gaadhayo doorashada taariikhda Komishanku cayimo si dalka looga badbaadiyo inu ku dhaco meel madhan( Vacuum )

➢ In mudada u dhaxaysa dhamaadka muddo xileedka Madaxwaynaha ilaa taariikhda doorashada uu Golaha Guurtidu xalaaleeyo iyada oo qayb ka ah heshiis talo qaran oo ku wajahan suurtogelinta doorashada ee aanay noqon muddo kordhin Golaha Guurtidu iskii isaga kordhiyay iyada oo aanay jirin duruufaha ku xusun Qodobka 83 ee Dastuurku

➢ Hadii la isla qaato qodobada sare Komishanka Dooashooyinka, sdexda Xisbi Qaran, iyo xukuumad lagu kalsoonaan karo oo madaxwaynuhu ku soo dhisay wada tashi qaran oo loo wada dhan yahay, intaas oo gacmaha is qabsatay ilaahayna talo saaratay waxay suurtogelin karaan in si nabadgelyo ah ay dalka uga qabsoomi karto doorasho xor iyo xalaal ihi

Ugu dambaystii waxan ilaahay ka baryayaa inu xaqa xaqa ahaan inoo tusiyo raacis tiisana inagu hanuuniyo. Baadilkana baadil baadil ahaan inoo tusiyo ka dheeraansho hiisana inagu hanuuniyo.AMIIN”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here