Guddiga doorashooyinka Somaliland oo labada xisbi mucaarid shaqo ka dhigteen mudooyinkii ugu dambeeyey waxaan odhan ahaa qofku markuu shaqadiisa garto ayaad weligiinba ku dhaliishaan.
Guddiga doorashooyinka ilaa maanta lagama hayo erey keli ah oo ay ugu jawaabayaan xisbiyada mucaaridka, taasi waxay muujinaysa bisaylka ay u leeyihiin hawsha loo igmaday ee ah hagida doorashada soo socota.
Waxaa la yidhi fulay ayaa qoryo badan, waxaan aamisanahay in qolyahan mucaaridku ay qabaan walaac fara badan oo ku saabsan in doorashada lagaga guulaysto, sababtoo ah qaylada laga soo taagtay maaha doorasho dib u dhacda iyo doorasho la qaban waayo ee warar ayaa isku biirsaday.
Durba waxaynu ka haynaa sansaan wanaagsan oo ay umaddu u dhaga nugushahay, maanta hadii ay sheegaan xiliga doorashada la qabanaayo qolyahan mucaaradka reer Somaliland yaanay dib wax uga qorin, waayo soomaalida ayaa tidhi “ninka aad kabaha ka tolanayso kabihiisa ayaa la eegaa” kuwo maanta beenta inoo sheegaya bari maxay inoo sheegi doonaan.
Xisbigan curdinka ah ee Waddani oo runtii aan wali diyaar u noqon doorasho ayaa sida ay dad badani ila qabaan raba in mudo kordhin la sameeyo, si uu xisbigiisa ugu raadiyo intay doorasho u diyaar garoobayaan lacag hadhaw lagu ololeeyo oo doorasho lagu galo.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ilaa hada wuxuu ku raad joogaa sidii uu xisbigiisu u heli lahaa dhaqaale ku filan oo doorasho lagu galo, sidaas oo ay tahay waxaa wuxuu musuq galiyey xeerarkii diwaangelinta ee doorashooyinka loogu diyaar garoobi lahaa, waxaanu mudo kadib u soo bandhigay mudanayaasha golaha wakiilada oo markiiba wajibkoodi ka gutay.
Umada reer Somaliland in been lagu haasaawiyo ma gaydo. Doorashooyin in la qabtaa dalkeena kuma cusub, hore ayaa loogu kala calaf qaaday, kuwii hore ugu guulaystay maanta guul daro ka biqi maayaan, in kastoo ay hore u soo aqbaleen guul daro 80 cod lagaga guulaystay.
W/Q: Axmed Muuse