Arbaca 18 March 2015 London (Hubaal)– Guddida sare ee qurbe jooga beesha Isaaq ee degta deegaanka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa ka dayriyey xaaladda ay ku suganyahiin dadka beelaha Isaaq ku abtirsada ee ku nool deegaankaasi, oo si fool xun ay sheegeen inay ula dhaqmayso dawladda deegaankaasi ee uu maamulo madaxweyne Cabdi Maxamud Iley.
Baaq ay nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyeen xafiiska warqabadka HALBEEG ee magaalada London ayey gudidu ku yidhaahdeen sidani
“Annagoo ah Guudida Qurbejoogta Reer Sheekh Isaaq ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (Ethio-Isaaq community), waxaanu ogeysiineynaa mamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ta dawlada dhexe in aannu ka soo horjeedno sida xun ee loola dhaqmaayo dadka Soommaaliyeed ee deggen dhulka ay xukunto Dawalad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDS) ee madaxda ka yahay mudane Mr Cabdi Maxamuud Cumar.
Waxaa kale oo aanu ogeysiinaynaa in maamulka uu hogaamiyo Mudane Cabid Maxamuud Cumar iyo ciidamadiisa Liyu booliska ay ku hayaan dadka dil, xadhig, cadaadis, caddaalad dar`o cabudhin iyo caga juglayn joogta ah, dadweynaha deggen deegaanka Soomaalida gaar ahaana beesha Reer Sheekh Isaaq ee ku dhaqan deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxaa kale oo deeganadan ku cusub in magaalooyinka ciidamada Liyu Booliska lagu xeerayo sida magalada Harta Sheikh oo afarta geesba ciidamo lagaga xeeray. Waxaa hadda lagu jiraa xilli jiilaal ah, Magaalada Harta Sheikhna looma qodin wax ceelal ah, sidaa darteed waxa looga soo dhaamiya baraago ku yaal meelo fogfog, Sida Xarshin, Durya, Dibiile iyo Allay baday. waxaana ka keena baabuur booyado ah.
Ciidamada magaalada ku xeeran waxay ku xukumeen booyadaha lacago baad ah iyo laaluush xaddhaaf ah, in ay bixiyaan. Booyadihii waxay u adkaysan waayeen lacagahaa faraha badan waxayna goosteen inay iska dayaan biyo dhaamiska, dabadeed waxaa magaaladii ku dhacay biyo la`aan. Dadkii waayeelka ahaa, dumarkii iyo caruurtii waxaa ku dhacay oon iyo harraad xun oo ay u adkaysan waayeen, dabadeed waxay sameeyeen mudaharad silmi ah oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin waxa ay ku sameeyeen Liyu boolisku dadka magaladooda.
Mudaharaadka ka dib, waxay ciidamada Liyu boolisku soo xidhxidheen raggii magaalada xukumayey, odayaashii ganacsatadii iyo waxgradkii magaalada, oo aan mudaharaadka ku jirin kana mid ahayn; lamana garanaayo sabta loo soo xidhxidhay ee looga qafaashay magaaladii.
Waxaa hadda xidhxidhan lix iyo toban nin, oo uu ku jiro gudoomiyihii magaalada oo aan la ogyn meel u ku sugan yahay, 15 ka kale waxay ku xidhan yihiin xabsi ku yaal magaalada JigJiga. Ragga xidhan waxaa ka mid ah:-
Mukhtaar Hassan Adan Dari
Mowliid Caga Geel
Mustafe Sh Omer
Maxame Jibril
Farhan Mohamed Adan
Xaashi Abdi Geedi
Abdillahi Omer Mataan
Guray Aw yusuf Jama
Aw yusuf Jama
Fahmi Mahdi Qoor – adag
Waxaa bishii hore (Feb 2015) lagu xidhxidhay magalada Xarshin rag, dumar iyo caruur la yidhi maxaad u mudaharaadeen, ka dib markii la isku dayey in deegaankooda la siiyo dad kale oo ay ka mudaharaadeen arrintaas. Xadhigga cabudhiska iyo caddibku, waa siyaasad ay kula dhaqmayaan maamulka Cabdi Maxamuud Cumar iyo Liyu boolisku beelaha Isaaq ee kilalka 5aad.
Talo Bixin: Waxaanu kula talinaynaa in Madaxweynaha Kilalka 5aad, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo ciidamadiisa Liyu boolisku inay u dhaqmaan si xilkasnimo iyo masuuliyad leh, oo ay dajiyaan siyaasadda dalka. Caddaalad iyo xaqsoor fiicanna ku mideeyaan dalka iyo dadkaba. Uguna adeegaan dadweynaha Soomaliyeed si siman.
Waxaa kale oo aan ku talin lahayn in si degdeg ah looga dul qaado ciidamada Liyu booliska ee ku xeeran magalada Harta Sheikh ee biyihii umadu cabayesay ka hor jooga, loona ogolaado in ay dadweynuhu biyo helaan. Waxaa amaanka magaalada ku filan ciidamada booliiska ee caadiga ah (regular Police).
Waxaa kale oo aan ku talinaynaa in deg deg loo sii daayo dadka la iska xidhay ee aan lagu haysto Jigjiga, wixii tabashooyin jirana madax dhaqameedka deegaanka iyo dowladdu isla eegaan, amaanka iyo degenaashahana laga wada shaqeeyo.
Codsi iyo Baaq: Waxaannu ugu baaqaynaa jaaliyadda Reer Sheekh Isaaq ee ka soo jeedda kilalka 5aad ee ku nool yurub iyo inta soo gaadhi karta in ay ka soo qayb galaan shirweyne deg deg ah, oo lagaga tashanaayo talaabooyinka ku haboon ee laga qaadayo taliska uu hogaaminayo Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo iyo tacdiyada aan loo adkaysan karin ee ay wadaan Liyu boolisku.
Mahasanid
Gudida Qurba Joogta Reer Sheekh Isaaq (Ethio-Isaaq Community), ee Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya