Nairobi(Hubaal) – Kulankii dhicisoobay ee Madaxweyne Siilaanyo magaaladda Jabuuti uu kula yeelan lahaa Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh, ayaa shabakadda Ramaasnews ka heshay ilo diblomaasoyadeed xogo sir ah oo ku arooraya wixii uu daaranaa kulankaasi.
Sida ilaha diblomaasiyadeed oo aanan magac dhabeyni noo xaqiijiyeen waxa kulanka hal abuurkiisa lahaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha khusuusida ah ee ay ka go’do talada aqalka looga arimiyo Somaliland, waxaanay daaraneyd loolanka cidda noqon doonta Raysal wasaaraha cusub ee Somaliya.
Madaxwayne Siilaanyo iyo xubnahan ayaa olole dhawr jiho ah ku qaaday madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh, sidii uu xilka Raysal cusub ugu magacaabi lahaa Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac “Sifir” oo xilligan ah wakiilka Somaliland ee dalka Kiiniya. Dhanka kale waxa madaxweynaha Somaliland suurtagelinta arinkan uu isna xidhiidh toos ah ugala sameeyey madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidii uu u suurtogelin lahaa kulan uu ku kulansiiyo madaxweynaha Somaliya. Iyada oo madaxwayne Siilaanyo ugu dhigay madaxwaynaha Jabuuti in haddii uu magacaabo Raysal wasaare kasoo jeeda waqooyi ay fududayn doonto isfahamka wadahadalada u dhexeeya labadooda dhinac.
Waxaana ilaha diblomaasiyadeed intaas ku dareen in Madaxweynaha Somaliya iyo kooxda la talisaa ay dalabkaa si cad u diideen saacadihii ugu dambeeyey ee madaxweynuhu uu u ambabixi lahaa dalka Jabuuti, kadibna madaxwayne Siilaanyo ka cadhooday hindisihiisa dhicisoobay, halkaasna uu gebi ahaanba dib ugaga laabtay kuna baabiiyey ambabixiisii Jabuuti.
Haddii warkani uu xaqiiq u noqdo sida ilahan diblomaasiyadeed noogu sheegeen, waxay ina tusaysaa in uu jiro xidhiidh toos ah oo ka dhaxeeya masuuliyiinta fadhida aqalka madaxtooyada Somaliland iyo maamulka ugu sareeya hogaaminta dalka Somaliya, taasina ay god madow ku ridayso hiigsigii shacbiga reer Somaliland 23 sanadood ku raadinayeen dal madax-banaan oo leh mid lamida xuquuqaha sharciyeed ee qaramada caalamka.