Waraysi-qaade: Xasan Ciise Raage
“Ha is raacdo diiddaye; Ha is raamsatee daa!”
“Waligay dawlad kama hor iman, kana hor iman maayo!” – Abwaan Sangub.
Waraysiga aan la yeeshay Abwaanka Soomaaliyeed ee caanka ah ee lagu magacaabo Sangub waxaan ka hor marinayaa qoraal kooban oo ka hadlaya taariikh nololeedkiisa, kaas oo uu qoray qoraaga Soomaaliyeed ee caanka ah Muxamed Daahir Afrax, mar uu maqaal aad u qurux badan ku tilmaamaayay riwaayaddii la magac baxday “Xorriyo nin gayaa ha guursado” oo uu gundhig qoraagu uga dhigay “Xorriyo nin gayaa goormuu dhalan!”. Waa tan sida aan uga soo min guuriyay Websaytka Wardheernews.
Waa kuma “Sangub”, mu’allifka Xorriyo? 1
Maxamud Cabdillaahi Ciise “Sangub” ama “Singub” (sidii yaraantiisii lagu naanaysi jirey) wuxuu safka hore kaga jiraa abwaannada ugu caansan taariikhda fanka Soomaaliyeed. Waa abwaan lagu mannaystay hibooyin badan oo is huwan. Waa ciyaartoy, maansayahan, riwaayad-curiye, jilaa, muusig-sameeye iyo majaajilleeye. Waa waddani u dareen nugul danta guud ee dalkiisa iyo dadkiisa. Waa nin miyi ku soo barbaaray dabeedna magaaloobay, sidaa awgeedna aan labada dhinac midna wax weyni ku seegganayn. Wuxuu ku dhashay miyiga Dhagax-buur 1944kii. Tacliintiisii ugu horreysey waxay ahayd dugsi-quraan. Sagaaljir ayuu Quraanka ku dhammeeyey. Isla da’daas ayuu ku bilaabay ciyaartoynimo waana wixii ugu horreeyey ee uu ku caanbaxay. Bilowgii dhallinyaranimadiisa wuxuu ahaa geel-jire geesi ah, aad isula weyn, dadka ku maaga heesaha ciyaarta, u haysta guud ahaan Somaalida, gaar ahaanna reerkiisu inay ugu sarreeyaan khalqiga Ilaahay uumay. Halkaa ayuu ka bilaabay maansa-tirinta.
Sangub wuxuu ku barbaaray degaan maansada si weyn looga qiimeeyo oo dadka oo dhammi yihiin maanseeye iyo maansa-dhaari. Gaar ahaanna qoyskii uu asagu ka dhashay wuxuu ahaa qoys wada gabayaa ah. Abtigiis wuxuu ahaa gabayaagii caanka ahaa, Ismaaciil Xayd “Aflow”. Waa ninkii uu Tima-cadde ku halqabsan jirey ee uu oran jirey “Mudanihii Aflow iyo sidii Muxumad maw sheegay”. Walaalihiis badankoodu, rag iyo dumarba waa maansaley. Waxaa ka mid ah Axmed Faraddar, Fakad, Muxumad-Wali iyo Cibaado.
1961kii ayuu yimi magalada Hargeysa asagoo ah mudawar dhaanto u dibad-baxay. Wuxuu watey koox ciyaar-toy ah. Wuxuu la kulmay fannaaniin iyo suugaanley ay ka mid ahaayeen Maxamed Axmed, Maxamed Cumar Huryo iyo Cabdillaahi Xamari. Waxay la yaabeen waxa afkiisa ka baxaya. Waxay u geeyeen Cabdillaahi Ayuub iyo Raadio Hargeysa. Wuxuu ku gulaystey imtixaan looga qaaday inuu idaacadda ka shaqeeyo, kumase nagaane wuxuu u sii tallaabay xaggaas iyo Muqdishu. In muddo ah ayuu ka mid ahaa dhallinyaro ka gabayda fagaarayaal ay ka mid ahayd xaruntii Xisbigii loo yiqiin Gareedka, illaa markii dambe laga shaqaaleeyey Radiyo Muqdishu.
1964kii markii uu qarxay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu wuxuu ka mid noqday suugaanleydii lagu asaasay kooxdii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas ayuu ku gaamuray fannaan ahaan, kuna soo caanbaxay mu‟allif ahaan iyo jilaa ahaanba. Sangub Indha-dillaacsigiisii reer-magaalnimo iyo kiisii halabuurnimoba waxay ku soo beegmeen xilligaas oo ahaa xilli baraarugga Soomaalida iyo qiirada waddaninimo labaduba marayeen heerkii ugu sarreeyey. Sidaa awgeed, riwaayadihiisii ugu horreeyey waxay ahaayeen waddani, sida aad ka garan doontaan magacyadooda. Wuxuu ku bilaabay „Naga guur’ (1964) oo uu kula doodayey gumeystaha. Waxaa gacan ka siiyey Cismaan Aadan Askari, waxaana soo bandhigtay kooxdii Xoogga Dalka. Riwaayaddiisii labaadna waxay ahayd „La mood noqonse weydey‟ (1965). Wuxuu ula jeedey dhabarjabintii lagu dhiciseeyey aftidii xornimada NFD 1965kii.
1971kii wuxuu ka mid noqday asaasayaashii kooxdii Qaranka, Hooballada Waaberi, ee ka dhalatay isku darkii labadii kooxood ee Radiyo Muqdishu iyo Xoogga Dalka. Ka dibna muddo labaatan sano ku dhow ayuu safka hore kaga jirey abwaannada ugu caansan uguna riwaayado badan masraxa Soomaalida. Wuxuu curiyey in ka badan 30 riwaayadood, waana tirada ugu badan ee ka soo maaxatey maskaxda mu‟allif Soomaalyeed. Riwaayadihiisa aad u caan-baxay oo dadku wada yaqaaniin waxaa ka mid ah Yaxaas-dhega-duub (1968), Xuud baa Liqay Jacaylkii (1974), Qabrigii Jacaylka (1975), Xorriyo (1980), Waa maadeys Adduunyadu (1985kii), Ninba Tacabkiis Taloy kaa Maal (1988), Haysku Toosin Belaayo Nimay taaban Allaa Oge (1989) iyo Qabyo oo ah sisilad weli socota ahna riwaayadda ugu weyn uguna caansan ee soo baxday muddadii burburka. Sangub wuxuu kaloo curiyey boqollaal hees oo jacayl u badan iyo gabayo fara badan oo waddani u badan.
Nasiib-darro, abwaan Sangub, oo ah hormuudka masraxa Soomaalida, illaa sagaashannadii qarnigii tagey wuxuu ka mid ahaa qurba-joogta qaxa la baday, wuxuuna u badnaa Woqooyiga Ameerika.
1(Xorriyo Nin Geyaa” Goormuu Dhalan? WQ: Maxamed D. Afrax, June 05, 2010 Copyright © 2010 WardheerNews)
Waraysigan waxa qaaday: Xasan Ciise[1]
Waxaa ii suura gashay in aan waraysi dheer oo dhinacyo badan oo fanka Soomaaliyeed ah aan la yeesho Abwaanka caanka ah Maxamuud Cabdillaahi Ciise “Sangub” kaas oo aan ku warsaystay magaalada Jabuuti ee wadanka jamhuuriyadda Jabuuti, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
Su’aal: Ugu horreyn abwaan Sangub, waayadii ugu horreeyey ee aad fanka bilowdeen iyo kan maanta jira maxaa kala duwanaansho u dhexeeya?
Sangub:Kolley haddee fanka isaga oo bilaaban oo jira ayaan ku soo biiray oo maanaan ahayn dadkii dhibka faraha badan ka soo gaadhay oo macallimiin ayaa nooga horraysay ka soo qaad Xuseen Aw Faarax, Cabdillaahi Qarshe, Xasan Sheekh Muuminkii dhawaan dhintay iyo dad kale oo fara badan; Cali Sugulle oo hadda Imaaraadka ku nool, waxaa kale oo jiray kuwo kale oo heesayaal ahaa, markaa annagu fanka oo dhisan oo dhibaato wayn aan la qabin ayaan nimid hasa yeeshee, wixii la abaabulaaba taran ayuu sameeyaa, annagu waxaan galnay tarankii ay dadkaasi abaabuleen. Anigu haddii aan kaaga warramo taariikhdayda, waxaan fanka ku biiray aniga oo yar, waxaanan ka soo jeedaa deegaanka Dhagaxbuur. Waayadaa horena fanka kuma biiri jirin qof wayni ee dadku iyaga oo yaryar ayay soo gali jireen, lagana yaabo in ay reerkooda ama qosykooda isku khilaafsan yihiin oo dhuumasho ayaa lagu soo gali jiray. Mar baa waxaa jirtay in aan hablahayaga magacooda aan qarin jirnay. Waad aragtay Guduudo Shamis baa la yidhaa, Baxsan Saynab baa la yidhaa, naxariistii Allah ha siiyee Magool Xaliimaa la yidhaa, Dalays Khadiijaa la yidhaa, adigu yaanan kugu daaline Duniyo Xareedaa la yidhaahdaa.
Su’aal: Markaa waxay ahaayeen magacyo aad ku qarinayseen si dadku aanu u fahmin?
Sangub: Haa waxaan rabnay in aanay dhibta dadku ku badan, sidaas waxaad ku garanaysaa waxani in aanu ahayn wax ay Soomaalida qadiim ku ahayn, waayo waxaa laga yaabaa gabadha Soomaaliyeed ee boodaysa in ay aabbaheed iyo walaalladeed oo jooga ragga u soo marto oo ay booddo gabadhu, maanta oo dhan way ciyaaraysaa oo nimankaas ayay isku jejibinaysaa oo kaa dhib looma arkayn, caawa oo dhan ayay sidaa ahaanaysaa oo waaga ayaa ku baryaya oo uma aanay arkayn dhib, markaa ma muyuusigga ayaa dhibka keenay? Ma goor danbe ayay baraarugeen? Ma kala garanaysid ciyaar walbana inammo iyo gabdho ayaa ciyaara oo ma jirto mid ay qolo gaar u leedahay.
Marka aan arrintaa sii falanqeeyo, fankii hore waxa uu ahaa mid jirrid leh oo ah in uu nabad galiyo hiddaha Soomaaliyeed oo raggii waxan soo aasaasay waxay doonayeen in ay dadka iyaga waddada fiican baraan, annaguna taa waxaan ku ahayn heshiis, oo qofba qofka uu ka danbeeyo ayuu tixgalin jiray oo macallin odhan jiray. Dee maanta waad aragtay oo qofku wuu iska soo galayaa oo cajalad buu heesihii ka dhegaysanayaa isaga oo aanay cidi u fasaxin. Kii laxanka sameeyey ma weyddiinayo, kii sameeyayna ma weyddiinayo, kii qaadayayna ma weyddiinayo, kii u tumayayna xataa ma weyddiinayo, markaa waxaad mooddaa in uu intaas oo qofba ka kaaftoomay, xataa kii saxa ahaa oo wax saxa ah hayay.
Waxaa kaaga daran dadka Soomaaliyeed ma yaqaannaan waar waxan hebel baa noo tumayay ama noo qaadayay ee waar naga daa ee isaga (qofkan iska qaaday) ayaa loo aqoonsanayaa. Aroosyada ayuu ka qaadayaa, oo idaacadihii ayuu ka qaadayaa, oo loo mashxaradayaa, oo xataa idaacaduhu ma odhanayaan waa tii hebel qaadayay oo keydkiisa ayay ku jirtaaye saara. Kollayna waxa uu ahaa wax nidaam leh, oo la kala leeyahay, oo dawladi kala waddo, oo sharci kula socda, oo alaab dawladeed la isticmaalayo, oo kala danbayn iyo nidaam leh, oo inta badan garab iyo waxa ilaaliya ba leh. Laakiin hadda ma laha wax daryeela iyo wax ilaaliya toona, mar haddii muyuusig loo tumayo yaa lehba laysama odhanayo. Markaa waxaad mooddaa in ay aad u kala fog yihiin oo farqi wayni u dhexeeyo labada xilli; ama fankii hore iyo kan maanta.
Su’aal: Waqtiyadii 1960 iyo 1970meeyadii, waxaa la odhan karaa waa casrigii dahabiga ahaa ee fanka Soomaalida. Markaa kooxiihii faraha badnaa ee jiray sida Horseed, Waaberi, Jenaraal Daa’uud iyo kuwo kaleba kooxahaas faraha badan leh ma dawladda ayaa samaysay, mise iyaga ayuun baa is-abaabulay oo iskood iskaga samaysmay?
Sangub: Way jirtay waqti hore oo 1960meeyadii ah amaba ka horraysay iyo waqti ka danbeeyayba waxa jiray dad is-abaabulay oo aan cidna waxba la qaban oo samaysmay oo si fiican wax u waday. Laakiin waqtigii ay soo gaadhay lixdameeyadii waxaa usha u waday dad shaqaale ah oo markaa qofka aan shaqaale dawladeed ahayn waxbaba ma samayn karayn. Dabadeedna waxaa laga miidhan jiray dadkaa marba ciddii ka soo dhex baxda. Waad ogayd heesihii hir galay. Qayb weyn ayay ka qaateen. Kooxuhuna waxay kala ahaayeen qaybo. Fanku markii uu hirgalay ee uu yeeshay qaybo kala duwan ee uu dhoofay isla markaana yeeshay qalab casri ah ama uu yeeshay golayaal lagu tumo oo qaraami la soo tumo, lixdan iyo dhawrkii ayaa ay bilaabantay in ay dawladda u shaqeeyaan. Markaa waxaa ugu xoog badnaa waagaa koox la odhan jiray Xoogga Dalka oo aniguna aan ka mid ahaa. Waxa taa ka horraysay koox la odhan jiray Raadiyo Muqdisho, waxaanay u badnaayeen dad badan oo dhar cad ah oo dagaalkii 1964kii ciidamada lagu daray markii aan dagaalannay innaga iyo Axmaardu. Waxa kale oo nalagu soo daray Baxsan iyo Cusmaan Aadan Xuseen oo markaa ayaan bilawnay riwaayado in aan dhigno. Markaa kooxdaas ooJeneraal Daa’uud la odhan jiray ama Xoogga Dalka iyo tii Raadiyo Muqdisho iyo tii kale ee Raadiyo Hargeysa ayaa laysku daray oo loo bixiyay Waaberi.
Intaas waxaa laysku daray markii Kacaankii dhashay intii kalena waxaa laga kala dhigay Halgan waxay ahayd kooxdii guulwadayaasha, Heegan na waxay ahayd Booliska, Iftiin waxaa lahayd waxbarashada, Danwadaahaga waxay laaheen koox iyaguna, markaa sagaal kooxood ayaa nasiib u helay in la sameeyo, qaarna ha ahaadaan qaran, qaarna hay’ado kale gacanta ha ku hayaane.
Kooxda Waaberi ee aan ka tirsanaa waxay ahayd kooxda qaran ama hooyada fanka aniguna iyada aan ka mid ahaa. Markaa fanku waxa uu booday oo aad u hirgalay markii Kacaanku dhashay oo la sameeyay muyuusig casri ah ama mid dibadda laga keenayba la tumay.
La soco qaybo kale oo Waraysigan ka mid ah…..
Wixii dareencelin ah fadlan ku dir cinwaanka Waraysi-qaadaha: xasanhaaruun@gmail.com