GUDDAHA KA AKHRI: Ujeedada Safar Ay Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Macdanta Somaliland Ugu Baxeen Dubia

0
29

Hargeysa, (Hubaal) – Wasiirka Arimaha Gudaha, Cali Warancade iyo Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ayaa abaaro 5:30 galabnimo ee shalay ka dhoofay gagida diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inay u sii jeedeen magaalada Dubai.labada wasiir

Ujeedada socdaalka labada wasiir ayaa la sheegay inuu salka ku hayo ciidamada loo samaynayo ilaalada shirkada shidaalka baadha (OPU) ee madaxweyne Siilaanyo digreetada ku ansixiyey Doraad, waxaanay wasiiradani kulamo la yeelan doonaan madaxda shirkada la siiyey Qandaraaska samaynta iyo tababarka ciidanka ilaalada shirkadaha shidaalka baadhaya.

Shiradan qandaraaska la siiyey oo la yidhaahdo Assaye Risk ayaa waxa ay tababar u samayn doontaa ku dhawaad 500 ciidan ah oo suga amaanka iyo difaaca shirkadaha shidaalka baadhaya.

Shiradan Asaaye Risk ayay xarunteedu tahay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, waxaanay ka talo bixin doontaa wixii khatar jira, iyo sidii tababarka loogu ilaalin lahaa ciidamadaasi (Oil Protection Unit).

Hase yeeshee ilaa iyo hada lama garanayo sababta shirkadani ku heshay qandaraaskan tababarka ciidamada ilaalada shirkada shidaal baadhista, inkastoo la sheegayo in xubnaha gudida (Board) shirkada ay ku jiraan rag xukuumada ka tirsan oo dilaalaya mashruucan ciidamada loogu samaynayo shirkadaha shidaalka baadha, waxaana la sheegayaa in labadan Wasiir ee Warancade iyo Xuseen Waji-xun ay lacag gaadhaysa 28 Milyan oo dollar ay kaga soo qaadayaan shirkadan si loogu tababaro ciidamadan.

Tan iyo intii Somaliland la soo noqotay xornimadeeda waa markii ugu horaysay ee xukuumad ka jira dalku ay sugida amaanka shirkadaha iyo dhulka shidaalka laga baadhayo ay ku wareejiso shirkado ajnabi ah taas oo dadka ka faalooda arimaha siyaasada ay tilmaamayaan in arintani ay mustaqbalka dhaw Somaliland khatar ku yeelan doonto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here