“In maanta aan joogo dalka Somaliland oo ay joogaan ummadaydii aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaanan u imi dano badan oo Oday iyo mid ehel-ba ah. Nin Oday ah oo socdaal dheer samaynayaa, macno daro meel uma tago, markaa waxaan u imi dadkaygii iyo dalkaygii oo aan imika dhex joogaa. Waxaan u madnaqayaa dhamaan shacabka reer Somaliland ee ku nool dalkan, madax dhaqameedka, xukuumadda, Madaxweynaha iyo dhamaan madaxda dawlada.” Sidaa waxa waraysi uu siiyay wargeyska Ogaal hordhac uga dhigay,
Hargeysa (Hubaal) nin sheegay in la yidhaahdo Suldaan Xuseen Sul Naaleeye oo sheegay inuu ka mid yahay madaxda dhaqanka beesha Dir ee koonfurta Somaliya, oo mudo dhawr bilood ah ku sugnaa Hargeysa, ilaa hadana aanay waxba uga suura gelin waxyaabihii uu u yimi, iyadoo uu xusay in socdaalkiisu ka danbeeyay martiqaad ay isaga iyo masuuliyiin kale ka heleen dawladda Somaliland. Waraysi arrintaa ku saabsan oo uu wargeyska Ogaal la yeeshayna wuxuu u dhacay sidan,
Suldaan waxa aad sheegtay inaad ka mid tahay Salaadiinta Jubooyinka Soomaaliya, markaa beeshee ayaad Suldaanka u tahay?
Koonfur marka aan joogo beelo badan ayaan Suldaan u ahay, anaga waxa na loo yaqanaa beesha Dir. Dirna waa qabaa’il weyn oo aad u balaadhan, wuuna kala baxaa. Hal Qoys oo irid ka soo wada jeeda ayaanu nahay, anigu waxaan u dhashay beesha Sure ee Dir. Suldaan Iyo Ugaas ayaanu kala leenahay, Ugaasku waa nin Isaaq ah oo beesha Ciise Muuse ah, loona yaqaano Ugaas Caagane, labadayadaas ayaa 16 Jilib oo beesha Dir ah Oday u ah.
Markii aad Somaliland imanaysay ma dawlada ayaa ku martiqaaday mise iskaa ayaad u timi adigu?
Halkan laba weji ayaan u imi, anigu ka Suldaan ahaan Ninkii Axmed Madoowe ka diiday maamulka qabyaalada ah ee jubooyinka inuu dhiso ayaan ahaa, muddo afar bilood ah ayaanu is haysanay, waanay ogaayeen Soomaalida Jubooyinka.
Afar qabiil oo kala ah Mareexaan oo Bare Hiiraale hogaaminayo oo Xamar nooga yimi, qayb ka mid ah beesha Dir, beesha Sheekhaal iyo beelo kale ayaa igu raacay in ninkaasi dulmiga uu waday ay ila diidaan. Asbaabtaasi waxay keentay dhibaatooyinkii xumaa ee ka dhacay Kismaayo. Anigu hore Gobolka waxaan ka ahaa afhayeenka guud ee dhaqanka Gobolada Jubooyinka Soomaaliya ayaan ahaa. Dagaal baa dhacay, afar cisho ayuu socday oo anagu qabaa’il ayaanu ahayn, nimankaasna dawlada Kenya ayaa dabada ka waday. Labadii maalmood ee dagaalka u dambeeyay geeri badan ayaa nagu dhacday, guryo badana magaalada way ka dumiyeen, kadib markii rasaastii naga dhamaatay aniga Un-ka ayaa I soo qaaday oo Xamar iga soo dajiyay. Xasuuq, baabi’in iyo barakicin in dadka lagu hayo markaan arkayna, wax badan ayaa shir jaraa’id ku qabtay Xamar oo wax badan ayaan sheegay. Waxa la yidhi Nin gabadhaada u jeeda Inantaada laguma karo, markaa arrintaasi way socon wayday. Wax garadka Xamar jooga ee beesha u taliya ayaanu wada tashanay, taladiina waxay noqotay in nin Wasiir ah oo ka mid ah lixdii nin ee Wasiiradii Baydhaba loo dhisay ah, lana yidhaahdo Saalax Sheekh oo Isaaq ah (Sacad-muuse), inaan Xamar ka diro oo ay Baydhaba tagaan iyo Guddi kale oo aanu isku dan ahayn. Way baxeen oo Baydhaba ayay tageen, hawlihiina way isku afgarteen. Anigu magaalada Hargeysa qofna kamaan aqoon, markaa waxay Waraaq ku socota Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iigu soo direen iimaylka, taasoo ahayd inay halkaa u soo dirayaan ergo.
Markaa anigu Xamar ayaan sidaa kaga soo baxay oo gogol-xaadh ayaan u imi, waxaana la soo hadlay Salaadiinta Hargeysa oo uu ka mid yahay Sul Maxamed Sul Cabdiqaadir oo aan ku soo degay. Madaarkana waxa iga soo qaaday Salaadiin badan, shan nin oo kalena Baydhaba ayay ka yimaadeen, markaa anagu sidaas ayaanu ku nimi Hargeysa.
Muddo saddex bilood ah ayaan deganaa huteel la yidhaahdo Sun.
Dawladda markii waraaqda ama Iimeelka loo soo diray wax jawaab ah miyaad ka hesheen?
Haa, fariin iyo soo dhawayn ayaa laga helay oo dawlada Somaliland waxay tidhi soo baxa, madaama dad walaalahood aan nahay.
Markaa ma la kulanteen dawlada markii aad timaadeen?
Maya, waxa la yidhaahdaa beri, hadana beri oo lamaanu kulmin, dantii aan ka lahayna maanu gaadhsiin oo Oday ayaan uga ahaa. Shan Wasiir ee Baydhaba ka yimina labana marbay baxeen, saddexna marbay baxeen iyagoo aanay waxba u qabsoomin, runtiina ayaan-daro wayn ayaan u arkay.
Odayaal badan ayaa ka soo hadlay dibaddaha iyo Gobolada Koonfurta oo Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi Suldaanka ha la qaabilo arrimo xasaasiya ayaa jira. Waxaan helay balan qaad ah in wixii laba cisho ka dambeeya lay imanayo, markii aan wax waayayna habeenkii danbe ayaan wacay Telefoonka Madaxweynaha, waa layga qabtay, waxa lay dhiibay Wasiir Xirsi. Si wanaagsan ayaanu isu salaanay, waxaana ku idhi waar meesha jiif uma iman dad dhibaataysan ayaan ka soo tegay, wallaalayaal inaynu tashano iyo Madaxweynaha ayaan u baahan ahay. Wasiir Xirsi ayaa igu yidhi walaal raali ahaw wuuna ii balan qaaday, wuxuuna yidhi, beri gaadhi ayaan ku soo dirayaa, waana lagu keenayaa Madaxtooyada.
Wasiiru Dawlihii Madaxtooyada ayuu ii soo diray, wixii aan u socdayna waan u sheegay. Waxaan u iftiimiyey dadkayga iyo dalkayga waxa uga socday, wuxuuna iga qaaday liiskii huteelka ee lacagta. Wuxuu igu yidhi Suldaan, Madaxweynaha iyo Xirsiba waad arkaysaa ee nabad ku jog. wax markhati laga ahaa weeye oo odayaal waaweyn ayaa goob joog ahaa marka uu sidaa i lahaa.
Telefoon baa galabtii dambe Madaxtooyada looga soo diray aanu lambarkiisu muuqan(Uknown ah) qoladii Hutelka, oo lagu leeyahay ka joojiya biilka iyo kharashaadka, wixii maanlintaa ka dambeeya madaxtooyaddu shaqo kuma laha, anigana cid intay ii timi ila hadashay oo tii Islaamnimo, tii walaalnimo, tii wada dhalasho iyo tii aanu u soconay wax naga weydiisay oo naga gudbisay ma jirin.
Anigu waxaan ahay nin u dooda qadiyada Somaliland, Xasan Sheekh oo Madaxweynaha Somaliya ahna xataa waanu isla hor fadhiisanay arrimaha Somaliland oo isku qabanay Masuuliyiintiisa ayaana markhaati ka ahayd.
Markaa anigu gurigaygii ayaan imi oo dalkaygii baan imi, Madaxweynahayga Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inaan arkana waan jeclaa waayo waa Madaxweynahaygii.
Su’aal: Hadda, maxaad yeelaysaa maadaama ay taasi dhacday?
Jawaab: Horta, anigu qof been iyo borabagaando u socda ma ahi, mana aqaan, arrin baan u socday waxaan jeclaa Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jiree in aan Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta u sarraysa la kulmo mase dhicin, Xirsi laftiisa ceeb kama sheegi karo oo si fiican ayuu iila hadlay, laakiin ninkaa la ii soo diray ayaa Isbaaro nagu noqday oo xadhiggii naga jaray, dan uu ka lahaaba, markaa taasaa ayaan darraddii ugu waynayd igu noqotay.
Su’aal: Goorma aya Huteelka lagaa saaray?
Jawaab: Waxaa layga Saaray muddo haatan laga joogo 20 (Labaatan) cisho, kadibna niman Salaadiin ah sida Aadan Suldaan C/raxmaan iyo rag kale ayaa ii soo gurmaday oo I soo qaaday, Huteel uu isagu leeyahay oo weyn ayuu i keenay, meel buu igu ogaaday sidii nin rag ah meel loogu ogaan jiray, ayaa layga yeelay sidii ay masuuliyadduba ahayd, rag kale oo aqoonyahan ah oo badan oo reer Hargeysa ah ii yimi, waxaa lay yidhi dalkaagii iyo dadkaagii baad dhex joogtaa ma dhaqaaqaysid illaa xaalladaahaga wax laga qabto, sidaa ayaan magaalada ku joogaa.
Beesha la yidhaahdo subeer Awal iyo niman badan oo Cullimo ah oo iyaga ka dhashay ayaa aad iyo aad arrintaasi isugu xilqaamay, waxay yidhaahdeen annaga jeebkayaga ayaanu wax kaga darsanaynaa dhibaatada jirta, adigana kugu jicsimaynaa.
Waxa kale oo ila soo hadlay Suldaanka beesha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo aan hadalkiisa aad u jeclaystay, oo nin Caqli badan, Iimaan badan, walaal jecel oo islaamnimo badan oo waxyaabaha qaarkood damqayaan ah hadalkiisu iigu dhadhamayay, anigu ilaa hadda wejigiisa maan arkin, isna walaal joog buu igu yidhi, khaladku hadduu dhaco sidaas kuma dhammaanayo, dalkaagii iyo dadkaagii baad joogtaa, sidaas baanan ku joogaa illaa haddana Labadaas beelood Odayaashooda iyo wax-garadkooda cid aan ahayn maan arag.
Illaahay baan leeyahay, Tol baan leeyahay, dalkgaygii iyo Dadkaygii baan la joogaa, dawladdaydana uuma niyad xumi.
Su’aal: Dhibaatada ugu wayn ee aad u baahnayd in wax lagaala qabtaa ma waxay hayd in aad Hiil Dhaqaale ka hesho Somaliland?.
Jawaab: Aad iyo aad, waayo Dagaalkii Kismaanyo kasoo bilawday Shabeelleda Hoose ayaa lasoo mariyay, markii aanu isku daalnay dadkii aan is Diriraynay waxay arrinta u fikireen Generalladoodii iyo Siyaasiyiintoodii in Dagaalka nalagu ballaadhiyo maadaama qabiil dhaqaalle badan leh aanaan ahayn.
Su’aal: Laakiin haatan Jubbooyinka waa la heshiiyay dagaalkii Shabeellooyinkuna wuu is taagay saw lama socotid?
Jawaab: Aad baan ula socdaa, xallayto ayaan wada hadlaynay, ummaddu horta waxay heshiisaa marka dal, Daaq iyo Doog ka dhexeeyo, dalkaasina dal Direed weeye, ninka la yidhaahdo Axmed Madoobe Dhagaxbuur iyo Qabridahare ayuu ka yimi, dalkaa uma dhalanin, nin Garoowe lacagtii laga soo qaaday loogu yeedhay oo la yidhi kaalay, dadkan kursiga ka riixo weeye, nin wax naga dhexeeyaa aanay jirin annagu heshiis lama geli karo, oo maalin walba dulsaar kuma noolaan kano, waxa laysugu keeni la’ayahay, waar ninkii dhulka ila lahaa xataa waa dambe ha ii yimaado oo aan heshiinee, nin aan ila lahayn oo xoog igu bara kicinaya, dhibta jirtaa waa taa.
Axmed-na cid uu la heshiiyay ma jirtee maamulkiisii hore ee dhisnaa ayuunbuu sii xoojiyay oo wuxuu yidhi maamulkii hore ee dhisnaa ayuunbaa shaqayn doona ciddii aan maamulkaas oggolayna Magaalada ha iskaga baxdo.
Lixda Oday ee ugu waawayn ee aanu isu haybta nahay ayaana ila soo hadlay sidaas ayaanay hawshu taagan tahay.
Markaa anigu meesha waxaan u imi maadaama aanu nahay qabiil la rabo in la bara kiciyo , dhibkiina uu nagu batay, dad la dhaqaajin waayayna aanu noqonay, waxa la nagu muquuninayaana waa Dekedda Boosaaso dhaqaalaheeda iyo Killilka Shanaad ninka la yidhaahdo Cabdi Iley olole ciidan iyo dhaqaale oo uu wado oo la rabo in annaga dalka nalagaga qaado.
Jubbooyinkana nimankaas Kililka laga qaaday iyo rag ay wataan oo Kenya laga keenay oo ONLF u badnaa ayaa nagu haysta, raggan kale ee Shabeellooyinka u ololaynayaana waa beeshan Hawiye ee deggen Gobollada Dhexe, waxay is tusiyeen inay qoladana Shabeellada Hoose qaataan, kuwana Jubada Hoose qaataan, waa naloo heshiiyay, Ilaahayse wuxuu ka dhigo ayay noqonaysaa.
Markaa dalka waxaan u imid taageero walaalnimo inaan dadkaa dhibaataysay uga helno, haddii wallaalnimo jirto Aakhiro wax laysuguma qabtee Ifkaa wax lays taraa, aniga Jifada aan ka dhashay Xabaallo wadareedkii Hargeysa ayay ku wada jiraan, Baarry meesha la yidha ayaanay kasoo wada lugeeyeen, waxay kasoo lugeeyeen Xamar, raggii soo baxsaday ee laga qabtay Bardaale ayaan ku jiray anigu rag Geneno ah oo Maxamed Abokor ka mid yahay baa markhaati ka ah oo iyaqaana, maalintaa Hargeysa iyo Waqooyi meeshay ku yaalaan waxba kama aqoon, laakiin dhibaatada iyo xasuuqa loo geysanayay darteed baan dadkayga ugu soo gurmaday, oo aan ugu damqanaynay.
Maantana ifkaa wax lays taraaye Dawladda Somaliland ayaan u imi, gaar ahaan beesha SNM u dhalatay ayaanu ugu nimi. iyaguna kuwii Waqooyi bay ahaayeen annaguna kuwii Koonfureed baanu ahayn oo aan ka socdaa, muhiimadda aan u socdayna ahayd.