GUDDAHA KA AKHRI: Mudanayaal Wakiillada ah oo Isugu Hanjabay Mooshinno ka Dhan ah Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Siilaanyo

0
35

Muxaafidka iyo mucaaridka Golaha Wakiillada oo is-dhaafsaday dhalliilo ay u kala jeediyeen madaxweynaha iyo Guddoomiyaha WADDANI + sababaha ay u cuskadeen mooshinadooda maamuus-ka-xayuubinta ah

Hargeysa (Hubaal)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee muxaafidka iyo mucaaridka ah, ayaa is-weydaarsaday dhalliilo ka dhan ah madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaasoo ku dooday inay golaha hordhigi doonaan mooshinno ka dhan ah madaxweynaha iyo guddoomiyaha wakiillada.

xildhibaanada-hadlay-150x150Mudanayaashan oo si gooni-gooni ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa shalay, waxa qoloba dhinaceeda ugu hanjabtay inay Golaha Wakiillada hordhigi doonaan mooshinno ka dhan ah guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweyne Siilaanyo, masuuliyiintaas oo ay dhalliiyo iyo eedaymo kala duwan u jeediyeen.

Doodaha eedaymaha iyo sababaynta mudanayaasha muxaafidka ah

Mudanayaasha mucaafidka ah ee Golaha Wakiillada oo tiradoodu ahayd ilaa tobaneeyo xubnood, sheegayna inay ka wakiil ka yihiin 54 mudane oo xisbiga KULMIYE ku leeyahay golahooda, ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada eedeeyey inuu gabi ahaanba ku tuntay sharciga u yaal dalka iyo nidaamka wadashaqayneed ee golayaasha Baarlamanku lahaayeen.

“Golaha Wakiillada waxa ka dhacay khiyaamo qaran iyo dastuur jebin, waxaan waddankeenna hore uga dhicin baa ka dhacay, iyadoo aan wixii dhacay garowshiiyo laga bixin oo aan laga heshiin ayaa haddana Guddoomiyuhu isugu yeedhay Golaha Wakiillada muddo uu ku sheegay laba casho oo uu yidhi maalin waxa la akhriyayaa miisaaniyadda, maalinta kalena waxa la ansixinayaa Guddiga Doorashooyinka. Haddii uu golihii isugu yeedhay iyadoo wixii dhacay aan lagaga hadlayn oo aan miisaaniyaddii qaranka lagu ansixinayn, waxaannu leenahay khiyaamada qaran ee dhacday innagoo ka wadahadalna mooyee golaha haddii la furo waxa kowaad ee imanayaa waa xil-ka-qaadistaada, waayo wixii xilka lagaaga qaadi lahaa ayaad ku kacday, adigoo iska maydha mooyee haddii aad isku daydo gole in aad hoggaamiso ku talogal in xilka lagaa qaadayo.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Ibraahim Carraale Cabdi (Ruush) oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga KULMIYE ugu jira Golaha Wakiillada.

Md. Ibraahim Carraale waxa uu dooddiisa ku saleeyey tallaabo sharciga baalmarsan oo uu sheegay in guddoomiyahoodu dastuurka dalka u yaal jabiyey kadib markii uu nuqul aan ahayn Xeerka diiwaangelinta ee golahoodu ansixiyey uu u gudbiyey Golaha Guurtida, kaas oo sida uu xusay lagu kordhiyey qodobo aan hore ugu jirin, cutub cusub iyo farqado dheeraad ah, isla markaana uu wax-ka-beddelay farqado hore u jiray, qodobana meeshaba ka saaray.

“Golahayaga Wakiillada ee Cirro guddoomiyaha u yahay waxaannu ku ceebaysannahay muddo-kordhin oo toban sanno ayaanu fadhinnaa, ninkii taa ku ceebaysnaa haddii uu ku eedeeyo nin aan muddo-xileedkiisii dhammaysan waa loo kordhinayaa bal ka warrama? Doorashada ma waxa dib u dhigaya ninka lacagtii lagu qaban lahaa labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ku soo daray miisaaniyadda, mise guddoomiyaha golihii xidhay iyadoo miisaaniyaddii hortaal aan la ansixin?” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Xil. Ruush.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo isna ka mid ahaa mudanayaasha shirka jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in xeerka diiwaangelinta ee golahoodu ansixiyey uu ka koobnaa 9 qodob oo laga soo min-guuriyey doodihii mudanayaasha, balse tallaabo sharciga baalmarsan lagu beddelay xeerkaasi oo loo gudbiyey Golaha Guurtida.

“Markii aannu maqalnay in xeerkii Goluhu ku ansixiyay 64 mudane mid aan ahayn loo gudbiyey Guurtida, waxaannu isu eegnay xeerkii asal ahaan ka yimi xukuumadda iyo Xeerka Guddoomiyuhu gudbiyay, waxaannu ka soo saarnay qodobo noqday 9 bog oo ka soo min-guurinay sidii goluhu u ansixiyey iyo sidii guddoomiyuhu u gudbiyey. Markii aannu ogaanay in xeerka loo gudbiyey Guurtidu ahayn kii goluhu ansixiyey waxaannu qaadnay fajac iyo jaahwareer, waayo waxaannu garanwaynay waxa kalifay in arrinta noocan ahi dhacdo. Sharciyadda xeer-dejintu way lumaysaa marka waxa golaha laga gudbiyaa uu noqdo waxaan goluhu u codayn, mana waafaqayso nidaamka sharciga ah ee ay ku wadashaqeeyaan labada gole Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada), arrintaasina wax xeer-dejinta dalka Somaliland ka suurtogashay marnaba may ahayn,” ayuu yidhi Md. Caalin.

Sidoo kale Mudane Cali Maxamed Aadan (Cali-barre, ayaa isna sheegay in wax-ka-beddel iyo kaabis golahoodu ku sameeyey xeerkii hore ee Diiwaangelinta Lr.37 ay ku ansixiyeen 64 mudane oo ah in ka badan saddex meelmoodow laba meelood oo ah codayn aanay cidin soo celin karin xataa Madaxweynaha dalka u sarreeya, hase ahaatee Guddoomiyahoodu u gudbiyey Guurtida ra’yi uu isagu leeyahay oo aan ahayn kii goluhu u codeeyey.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu jebiyey qodobka 78 ee dastuurka Somaliland, guddoomiyuhu wuxuu gudbin karaa uun go’aan gole, laakiin isagu go’aan gaar ah ma leh oo waa xildhibaan 82-ka mudane ka mid ah. Sidaa darteed, waxaannu bulshada Somaliland iyo beesha caalamka u sheegaynaa in eedda cidda dabada kaga taagan doorashadu soo baxday oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xisbigiisa WADDANI ayaa hortaagan in doorashada la qabto, waayo wuxuu diiday inuu Golaha Guurtida u gudbiyo sharcigii goluhu ansixiyey si loo dhammaystiro meelmarintiisa, wixii eed ka timaada dib-u-dhaca doorashadana waxa ka masuul ah Guddoomiye Cirro,” ayuu yidhi Md. Cali-barre.

Dhinaca kale, mudanayaasha mucaaridka ah oo tiradoodu dhan tahay 4 mudane oo kala ah; Md. Siciid Cilmi Rooble, Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) iyo Md. Ibraahim Jaamac Rayte, ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka difaacay eedaymaha loo jeediyey, kuwaasoo dhinacooda ku hanjabay inay golaha hordhigi doonaan mooshin maamuus-ka-xayuubin ah oo ka dhan ah madaxweyne Siilaanyo.

“Waxay yidhaahdeen haddii Golaha Wakiillada la furo Sabtida waxaannu keenaynaa mooshin maamuus-ka-xayuubin ah oo ka dhan ah guddoomiyaha oo aanay ku jirin labada guddoomiye-ku-xigeen, markaa haddii ay dib u istaadhaan xurguftii golaha, annaguna diyaar ayaannu u nahay in aannu dib u istaadhno xurguftii, qanniinyona waxa kaa fujisa qanniinyo, markaa haddii ay keenaan xil-ka-xayuubinta guddoomiyaha Golaha Wakiillada, annaguna waxaannu keenaynaa xil-ka-xayuubin madaxweyne oo aannu u hayno qiil madaxweyne daalan oo aan geli karin doorasho. Madaxweyne doonaya muddo-kordhin, madaxweyne mar odhana ma sharraxni, marna waan sharraxanahay, fagaaruhuna wuu furan yahay ee soo dhiga kaas (mooshinkiina), annaguna kan (mooshinkayaga) ayaannu soo dhigaynaa, markaa idinka ayaa lacagtii, dawladdii, ciidankii iyo guurtidiiba haysa, hana la arko cida ay wax ka daadanayaan ama ka qubanayaan,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Xoog, kaasoo guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka diifacay eedaha loo jeediyey.

Md. Siciid Cilmi Rooble oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa saaxiibkii Cabdiraxmaan Xoog ku raacay inay Golaha Wakiillada hordhigi doonaan mooshin ka dhan ah madaxweyne Siilaanyo haddii ay mudanayaasha muxaafidka ah isku dayaan inay xil-ka-qaadis ku sameeyaan guddoomiye Cirro, isagoo xusay in xeerka guurtida loo gudbiyey yahay nuqulkii Mudanayaasha Wakiilladu ansixiyeen, laguna daray qodobo ka mid ah xeer hore dhaqangal u ahaa khuseeyey diiwaanginta codbixiyeyaasha.

Waxaannu xukuumadda iyo mudanayaasha muxaafidka ah ku eedeeyey inay ku hawlan yihiin sidii muddo-kordhin loogu samayn lahaa madaxweynaha, isagoo xusay in xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyeyaasha loo gudbiyey Golaha Guurtidu yahay mid sax ah oo aanay wax khaladaad ah ku jirin, waxaannu guddoomiyaha guurtida ku dhalliilay inuu hortaagan yahay ansixinta xeerka diiwaangelinta.

Md. Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Md. Ibraahim Jaamac Rayte, ayaa iyaguna shirkaas jaraa’id ka soo jeediyey dhalliiyo iyo eedo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, kuwaasoo xusay in xukuumaddu ku hawlan tahay sidii muddo-kordhin loogu samayn lahaa iyadoo aanay dalka ka jirin masiibooyin sababi kara in aanay doorasho dhicin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here