GUDDAHA KA AKHRI: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Buuhoodle, Guddoomiye Cusubna U Magacaabay

0
22

GUDDAHA KA AKHRI: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Buuhoodle, Guddoomiye Cusubna U Magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014, Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, isla markaasina waxa uu madaxweynuhu Gudoomiye Cusub u  magacaabay Gobolka, halka Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga qaaday aan weli la soo magacaabin masuul buuxiya madaxweynuhuna uu dib ka soo magacaabi doono.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Garwaaqsaday:   In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;

 

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay hawshani khusayso;

 

Markuu ku qancay:                        In uu hanan karo xilkan;

 

 

Wuxuu go’aamiyay

 

In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

 Ku:      Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse

            Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle    

Mudane, Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Madaxweyne_Siilaanyo2013

 ALLAA MAHAD LEH

 

                    Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here