GUDDAHA KA AKHRI: Dugsiyada Maroodi-jeex Oo Qaaddacay La Shaqaynta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

0
40

Annaga oo ah maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiyada Maroodijeex oo ku yaalla magaalada Hargeysa, waxa aanu muddo sannad iyo dheeraad ah xidhiidh la lahayn Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland. Waxa aanu ka xunnahay in ay Marwo Samsam Cabdi Aadan si cad u hor istaagtay sharciyadda dugsigani uu ku noqonayo mid ku hoos taga Wasaaradda ay madaxda u tahay, gacmaha ay u adeegsatay arrinkan waxa ka mid ah ninka la yidhaahdo “Muuse” oo ku magac-dheer “xayaaka-laah” oo qaabbilsan qaybta Dugsiyada Gaarka loo leeyahay.

485566_342927479163497_374202942_nMar haddii aad na aqoonsan weydeen, annaguna waxa aanu joojinnay xidhiidhkii aanu idinla lahayn. Wararka aanu helaynnaa waxa ay sheegayaan in si gaar ah loo saxay 1200 arday oo ka tirsan saddex dugsi oo ku kala yaalla Somaliland, waxa aanu idiinku baaqaynnaa in aad soo saartaan natiijo xalaal ah oo ummaddu ku qanacdo. “Yaan la iibinnin 10ka arday ee ugu sarreeya dugsiyada sare ee Somaliland”. Ma aqoonsan doonno natiijo kasta oo aad ku dhawaaqdaan!

Waxyaabaha aanu ognahay waxa ka mid ah ah in ay 10 macallin oo ka wada tirsan dugsi caan ahi in ay ahaayeen madax-qaybeedyada ugu yaraan siddeed maaddo oo ah kuwa laga qaadayo ardayda dugsiyada Somaliland. Hore ayaa loo yidhi “Hal booli ah nin xalaal ah ma dhasho”.

Ugu dambayntii waxa aanu wasaaradda waxbarasahda ka sugaynnaa in ay aqoonsi buuxda siiso Golaha Macallimiinta Qaranka oo lagu dhawaaqay bishii March ee sannadkan.

Mujaahid Mustafe Axmed-keyse

Maamulaha Guud ee Dusgiyada Maroodijeex

Hargeysa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here