GUDDAHA KA AKHRI: Caaqilka Guud Ee Dhalinyarada Qurbe Jooga Ee Beesha Arab Oo Dallada Aqoonyahanka Ku Dhaliilay Shahaadada Ay Siinayaan Wasiir Maxamuud Xaashi

0
30

Munich (Hubaal) Caaqilka Guud ee Dhalinyarada Beelaha Arab ee qurbe joogga ah Mukhtaar Nuur Ducaale (Lihi) ayaa cambaarayn u jeediyay dhalinyarada Degmada Axmed Dhagax badhkood  ay Wasiirka duulista ugu cumaamadeen in uu wax badan qabtay.

Waxa uu sheegay in ay arrintaasi aad u cambaaraynayaan isla markaana ka qurbe joog ahaan ay ka soo horjeedaan.

caaqilka dhalinyarta ArabSidaasna waxa uu ku sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay oo uu nuqul ka mid ahi na soo gaadhay waxaanu ku yidhi:

“Waxa aan marka hore salaamayaa umada reer somaliland meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.

Waxa aan doonayaa maanta in aan ka hadlo arrin aan aad ula yaabay oo iguu noqotay fajaciso markii aan ku arkay Facebooka Dalad la baxday aqoonyahanka dhalinyarada beelaha arab.

Runtii markii hore waxa aan u hayay xushmad iyo qadarin aan u hayay, hadana waxa aan la yaabay oo aan u qaadan waayay markii ay yidhaahdeen waxa aanu maamuusayna ama aanu shahaado sharaf guddoonsiinaynaa Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo musuq mooyaane aanay cadayn wax uu qabtay.

Waxa aan leeyahay hadii uu dhalinyarada degmada axmed Dhagax Shaqaalaysiiyay maaha in aanay dalka xaq badan ku lahayn ee waxoodii uun bay qayb yar oo aan sidaas u sii badnayn ay heleen.

Wasiirku waa ka ugu liita wasiirada wasaaradaha Somaliland, qabyaaladana halka uu ka gaadhay waa la wada garanayaa oo dhalinyarada uu waxbarashada u diray 20 ayaa reerkooda ah, markaa shahaadada la siinayaa ma tii xaqdaradaa.

Waxa aan leeyahay Dhalinyarada la baxday dalada aqoonyahanka beelaha arab maanu garan shahaadada aad guddoonsiinaysaan Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Caaqil Mukhtar Nuur Ducaale

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here