GUDDAHA KA AKHRI: 11 Wasiir Oo Shalay Xafiisyadooda Ka Maqnaa Wakhti Hore Iyo Fafsiirka Ay Bixinayso

0
27

Inkastoo Digreetooyinka Guuraha Ahi Walaac Weyn Ku Hayaan Masuuliyiinta Sare Ee Qaranka, Akhri 11 Wasiir Oo Shalay Xafiisyadooda Ka Maqnaa Wakhti Hore

“Wasaaaradaha Qaar Ayaa waxaa Joogay Oo Qudha Ninkii Washman-ka Ah Ee Albaabka Gaydhka Fura,Waxaanay U Sansaan Ekaayeen Wakhtigii Dawladii Udub Sii Laabanaysay”.

koox-wasiiro-ah-310x77Hargeysa(Hubaal) – guud ahaa jadwalkii shaqada ee Hay’addaha dawlada Somaliland ayaa si weyn waax iskaga dhimeen oo isku dhex daadsan,waxaad arkaysaa wasaarado aan shaqaaleba xafiisyada fadhiyin,qaar masuuliyiintii ugu sareeyay ay ka maqan yihiin iyo kuwo albaabadu u laaban yihiin gaadhkii albaabka furayay uuni hor taagan yahay,hadaba waxaanu kormeer ku soo samaynayay ilaa toban wasaaradood oo ah kuwa halbawlaha qaranka Somaliland u ah,adeega ay bulshada u hayaan ay ka baaxad weyn tahay kuwa kale kuwaasi oo aanay joogin wasiiradii iyo wasiiro ku xigeenadii ilaa 10-Aroorimo ee shalay.

Wasaaradaha halbawlaha ee wargeyska Foore u kuurgalay shaqadooda shalay ee xafiisyadii wasiirada iyo wasiiro ku xigeenadu haawanayeen ayaa waxa ay kala ahaayeen Wasaarada arimaha gudaha,wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta,Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada,Wasaarada Qorshaynta Qaranka,Wasaarada Arimaha Dibada,Wasaarada Caafimaadka,Wasaarada Ganacsiga,Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta,Wasaarada Ciyaaraha,Wasaarada Dib Udejinta,Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Iyo wasaarada Xanaanada Xoolaha. Dhamaan wasaaradahaasi masuuliyiintii ugu saraysay may soo shaqo tagin abaaro ilaa 10 aroornimo ee shalay waxaana xafiisyadooda hor tubnaa dad weyna iskugu jira shacab iyo shaqaale,waxa kale oo iyaguna coog coogayay oo bilaa hawlgalin ahaa shaqaalihii wasaaradahaasi.

Qaar ka mid ah wasaaradahan ayay shaqaalaha ka hawlgalaa noo sheegeen inaanay masuuliyiintooda ugu sareeyay aragba in mudo ah is arkin, xitaa mudo gaadhaysa ilaa bil,halka qaar kalena ay noo xaqiijiyeen in masuuliyiintooda inta ay yimaadaan mar mar ay markiiba ku noqdaan meel aanay garanayn oo looga yeedho,waxa ay shaqaalahani ka sinaayeen oo ay aad uga cawdeen in xidhiidh la’aan u dhexaysa iyaga masuuliyiinta ugu saraysa oo aanay codkooda gaadhsiin Karin. Wasaaradahan Shalay wargeysa Foore soo kormeeray ayaa waxa ay u badnaayeen wasaaradaha halbawlaha u ah qaranka waxaanay hada u muuqaal egyihiin barigii uu Daahir Riyaale xukunka ka dhaadhacayay oo ay aad u muuraal jabsanaayeen masuuliyiintii wasaaradaha joogay wakhtigaasi.

Isku soo wada duuboo,waxaa muuqata inay guud ahaanba hawlgabtay hawlgalintii shaqada ee wasaaradaha dawlada Somaliland oo wakhtigii uu Xisbiga Kulmiye wadanka Qabsaday ay ka muuqatay dardar xoogan oo lagu horumariyay kaabayaasha shaqo ee adeega dad weynaha. Mudo imika ku siman ilaa sanad iyo badh ayaa shaqada wasaarada dawladu si weyn hoos ugu dhacay waxaana shaqaaluhu iskaga yimaadaan bilaa moral iyo soo eeg bal maanta waxa jira waxaanay xukuumada ku mashquulsan tahay reer hebel kaa cabanaya boos u magacaw iyadoo gabi ahaanba iska ilawday tayayntii iyo horumarintii adeegyada bulshada.

Xigasho Foore

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here