GUDAHA KA AKHRI: Xukuumadda Oo Dhaqan-galinaysa Xeerka Saxaafadda + Golaha Wakiiladda Oo Sharci aan la garanayn Cida Keentay Ajandaha ku Soo Darsaday

0
20

Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda iyamaa aan daacad ka ahayn dhaqan gelinta Xeerka Saxaafadda?

Hargeysa(Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa dhawr jeer ku cel celisay inay dhaqan galinayso Xeerka saxaafadda Xeer N0:27, kaasoo ay dhaqan galiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynihii ka horeeyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Toddobaadkii hore ku dhawaaqay inay xukuumaddu si rasmi ah u dhaqan galisay ku shaqaynta Xeerka Saxaafadda ee Xeer NO:27.

Hadaba tiiyoo ay sidaas tahay ayaa Golaha Wakiiladda Somaliland fadhigiisii shalay ku qaybiyey Ajande uu ku jiro Xeer Saxaafadeed aan la garanayn cida dabada ka riixaysa iyo cida Golaha Wakiiladda u gudbisay toona, waxaanu u muuqdaa Xeer la soo tahriibiyey oo u muuqda mid dano gaar ah laga leeyahay.

 FREEDOM MEDIA

Ajandaha Golaha Wakiiladda ee la qaybiyey ee uu ka muuqdo Xeer saxaafadeedka Cirka ka soo dhaca ah ayaa u qornaa sidan:

1.Ansixinta komishanka Doorashooyinka qaranka.

  1. Warbixinta Shirguddoonka,Gudida Joogtada ah iyo Gudiyada Golaha wakiilada.

  1. Xogogaal u Noqoshada Xaalada Dalka.

4:-Mashaariicda Sharci ee golaha, kuwaas oo kala ah Miisaaniyada Qaranka, Xeerka Nidaamka Xukuumadda, Xeerka ilaalinta Duur-joogta iyo Kaymaha, Xeerka Duulista Hawada, Xeer Hoosaadka Golaha Wakiiladda, Xeerka waxbarashada qaranka, Xeerka Saxaafadda, Xeerka la dagaalanka Argagixisada iyo Xeerka Caasimada.

  1. u yeedhista Masuuliyiinta Qaranka

6 .Ansixinta Masuuliyiinta qaranka

  1. Xeererka Golaha Guurtida kasoo Noqda

  1. Xeerarka Madaxwaynaha Kasoo Noqda ee aanu saxeexin iyo Wixii kale.

Hadaba si kasta Xeerka Saxaafaddu ha ku horyaalo Golaha Wakiiladda’e waxa loo baahan yahay Labada Golle ee Xukuumadda iyo Wakiiladdu inay soo af-jaraan sidii Xeerkan looga saari lahaa Ajandaha, maadaama labada dhinacba caddeeyeen inay ku dhaqmayaan Xeerka Saxaafadda ee jira.

waaheen media

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here