Wasiirka Gaadiidka Cirka Somaliland Oo Tawaawac Qiiq-isku-qarin Ah Ka Cawday Wararka Ay Warbaahinta Madaxa Banaani Ka Qorto Maamulka Hawada
Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa Cabasho qiiq isku qarin ah ka muujiyey warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland, oo uu ku tilmaamay inay marar kala duwan siyaabo kala duwan u buun buuniyaan wararka laga qoro Wasaaraddiisa.
Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Maalmihii u dembeeyey Macmiil u noqday Boggaga hore ee degellada wararka Internet-ka iyo wargeysyada Madaxa banaan ee Somaliland ayaa saxaafadda ka codsaday in aanay buun buunin dhaliilaha wasaaradiisa dul hoganaya eek u suntan qaddiyada waqti xaadirkan hadal haynteedu hadhaysay hawada Somaliland.
Waxa uu Wasiir Maxamuud sheegay in ay maqaar saar tahay ka hadalka warbixinaha laga qoro maamulka Hawada Somaliland ee warbaahintu mad-madowga ka muujiso, isla markaana lagu tilmaamo inaan aan wasaaradda duulistu si daah furnaan ah uga hadal maamulka Hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Sidaasna waxa uu Wasiirka duulistu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay bogga uu ku leeyahay degelka Xidhiidhka bulshada ee FACE-BOOK-ga, kaasi oo uu caawa ku baahiyey cabashadan. Waxaanu ku bilaabay sidan:
“Hawo Soomaaliya lagu wareejiyey ma jirto, hawada Somaliland oo lagu wareejin doonaana ma jirto, horena waannu uga hadalnay, xukuumadda, dawlad ahaan, shacab ahaan iyo qaran ahaanba mowqif adag ayaannu ka taaganahay.
Wakiilka Qaramada Midoobay Somaliland iyo Soomaaliya u fadhiya Mr. Nicolas Kay waannu ka wadahadlnay, mawqifkeenuna wuu cad yahay, wax lagu wereejiyey ma jiraan, wax lagu wareejin doonaana nooma muuqato annaga, markaa rag welwelka qaba ma nihin, waanuna isku kalsoonahay, waana run oo loollan wuu innaga dhexeeyaa Soomaaliya; iyaguna waxay doonayaan inay la wareegaan, innaguna teenna la wareegno ayeynu doonaynnaa oo Somaliland loo sameeyo hay’ad madaxbannaan oo hawada ah.
Warbaahinteenna waxaan leeyahay arrinkani hiil ayuu u baahan yahay, in aynnu buunbuunino ragga aannu is-haynno mahee, waar ha na bakhsina dagaalka meel fiican baannu marinaynaaye”.