GUDAHA KA AKHRI: Ujeedada Mudaharaad Shalay ka Dhacay Magaaladda Laas-caanood

0
24

Laascaanood-Hubaal)- Magaalada Laascaanood ayaa waxa shalay gelinkii dambe ka dhacay mudaharaad ay sameeyeen qaybo ka tirsan shacabka magaalada ku nool.siday baahisay shabakada wararka Oodweynenews mudaharaadkaa ayaa ka dhashay, kadib lagu dilay halkaa mid ka mid ah shaqaalaha kastamka ka hawlgala.

Marxuunka la dilay oo aan la hayn ciddii dishay ayaa la sheegay inay diideen jifadiisu markii hore in la aaso, balse duhurnimadii shalay ayay xukuumada Somaliland go’aansatay marxuumkaas in la aaso, sidaasna lagu aasay marxuunka, taasoo sababtay in shacab iyagu arrintaa diidanaa inay mudaharaadaan.Waxaana shaaracyada dadweynuhu ku gubeen taayirro.

 laascanod-mudaharaad

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhabta ah, ee mudaharaadkaasi sababay, hase-yeeshee wax wararka aan weli la xaqiijin sheegayaan inay jiraan shaqsiyaad dhaawacyo ka soo gaadheen halkaa iyo in ciidamada Somaliland soo galeen sidii mudaharaada loo damin lahaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here