GUDAHA KA AKHRI: Qeybtii 4-aad Ee Taxanaha Cinwaankiisu Yahay “Isbedelka xadaraada iyo Xuquuqda Dumarka”. Qalinkii: Naciima Cabdi Galiixe

0
37

Taxanaheenii aan kaga warami jirrey Dumarka Muslimka ah iyo kuwa reer galbeedka ah waxan manta ku so qaadan doona Tacliinta iyo Haweenka iyada oo ay so socdan qoralo kale oo aan kaga warami doono Dumarku inay Siyaasada iyo Hoganada Dalka ka qayb gallaan Maxay diinta Islaamku ka tiri.

Islaamku sidiisaba waxa uu ku dhiirigeliyay waxbarashada dhamaan dadka bani-aadanka ah oo dhan rag iyo dumar yar iyo weyn,

Naciima Cabdi Galliixe

ALLAAH (swt) marka uu Nebiga (scw) ku lahaa ku akhri magaca ALLAAHAGA, waxay cid walba ku dhiirri gelinaysay inay wax akhriyaan, isla suuraddaas Al-calaq marka uu ILLAAHAY ku leeyahay  waa ka baray bani-aadamka sida wax loo qoro waxa uu bani-aadamkaasi ka kooban yahay rag iyo dumarba, isla aayadda ka danbaysa waxa uu ilaahay ku leeyahay waxa uu bani-aadamka baray aqoon,   markaasi banii’adamakaasi Allah ku cadeeyay kitaabkiisa ee cilmiga iyo aqoonta uu ku dhiirigelinayo, ma raga oo keliya?? !!

Axaadiista Nebiga iyo hawl-galadiisii dacwadeedba waxa si cad uga muuqanaya sida uu u dhiirri gelinaayay waxbarashada dumarka, waxa uu nebigu yidhi scw ” cilmiga barashadiisu wax uu faral ku yahay muslim kasta”

 

Waa hadal cad oon wax madaw ahi ku jirin oo waajib ayaabu ka dhigay inay dumarku waxbartaan sida raguba wax u baranayaan, waayo kelmadda muslin waxay sheegaysaa rag iyo dumarba.

 

Hawl-galadii dacwadeed ee Nebiga haddii aynu eegno waxaan arkaynaa isaga oo haweenka la galay ballan culus  intaas ka dibna raga la galay ballantaas oo kale oo ah inay Nebiga barbar taagan yihiin ,tasina waxay sheegaysaa ama muujinaysaa in raga iyo dumarku u siman yihiin qaadista masuuliyadda dacwadda iyo arrimaha bulshada, dhinac kasta. Rasuulkuna balanada iyo inay siinayaan kalsoonidooda oo ay bar-bartaagan yihiin Nebiga si gaar ah ayuu haweenka ula galay sida Quraanka ku cad, iyadoo la og yahay in gabadh kastaa ay leedahay cid ka masuula.

 

Xilligii Nebiga heerka tacliimeed ee dumarku waxa uu gaadhay heer aad u sareeya, waxaana taas kaaga filan gabadhii Nebiga (scw) Caa’isha ilaahay ha ka raalli ahaadee oo Nebiga ka soo werisay laba kun oo xadiis, aqoonteeda oo ay kaga danbayn jireen asxaab waaweyni, iyadoo dhamaan masalooyinka cilmiga ah ee lays weydiiyo kula noqon jireen Caa’isha iyagoo og xeel-dheeraanta aqoonteeda, sidoo kale walaasheed Asma ayaa la sheegay in iyaduna Nebiga (csw) ka soo werisay lix iyo konton xadiis.

Qaar kaloo fara badan oo ka mida dumarka muslimaadka ah ayaynu ka qaadanay sunnaha Nebiga( CSW)

Sidaas bay dumarku muslinku xilliyadii kala duwanaa ee taariikhda islaamka  uga qayb qaateen majaalka iyo dhinacyada Siyasada iyo waxbarashda,

 

Waxaa la soo weriyay in Umu dardaa gabadhii fiqi yaqaanka ahayd isla markaana saahidada ahayd ay cilmiga ka fadili jirtay wax kastaba sidaas awgeed waxa xikmadaheeda ka mid ah” Wax walbaba waan ka dayay cibaadada ilaahay maanse arag shay naftaydu uga laab furan tahay majaalista culimada iyo xarumaha cilmiga”.

Waxa iyana sugnaatay in Nebigu (CSW) ku amaanay dumarkii reer Ansaareed dadaalkooda xaga waxbarashada goortaas oo uu yidhi Nabigu (CSW) ”Waxa dumar ugu kheyr badan dumarka Ansaareed umuu diidin xishoodkoodii inay diinta fahmaan”

Xorriyadaas dumarka loo siiyay waxbarashada iyo dhiirri gelinta ay ka haysteen Nebiga (scw) waxa ay keentay in dumarku ay ku dadaalaan waxbarashada sidaas awgeed ayaa gabadhi maalin Nebiga ku tidhi Nebi Allaw ma raga ayuun baad wax u sheegaysaa, annaguna waxaan rabnaa in aad maalin gaar ah noo samaysid.

Sidaas bay dumarku u noqdeen aqoon yahanno barta qaybaha cilmiga ee kala duwan qaar baa ku takhasusay akhriska quraanka qaar kalana barashada fiqiga, xadiiska, laga soo bilaabo xilligii Khulafaa raashidiinka, soo dhaaf kii Umawiyiinta ilaa xilligii Cabbaasiyiinta oo xitaa waxaaba la sheegay in gabadhii la odhan jiray Sheekh Shahda laguna naanaysi jiray Fakhru_Nisa (oo ka dhigan tii faanka u ahayd dumarka) ay masjid Jaamaca weyn ee ku yaalla Baqdaad ku qaban jirtay muxaadarooyinka markay taariikhdu ahayd qarnigii shanaad ee hijriyada.!!

Waxa iyana jirta in culimo waaweyn oo macruufa ah marka taariikhdooda waxbarasho laga warramayo ay soo gelayaan dumar sil-siladda macallimiintooda iyo shuyuukhda ay wax ka barteen oo Dumar ah.

 

Haddaba hadii aan barbar dhigno dumarka muslimaadka ah kuwa reer galbeedka xilliyadii dhexe waxa inoo muuqanaysa in kuwa muslinka ahi ay ka horreeyeen dumarka kale ee reer galbeedka, wax kalana ma ahayn ee dumarka muslimaadka ayaa la siiyay fursad ay wax ku bartaan ama ay caqligooda ku korin karaan, sidoo kale waxa loo qaddimay tarbiyad heer sare ah.

Waxaana sidaas loo sameeyay dareenka jiray oo ahaa in dumarku yihiin mujtamaca badhkii, sidaas awgeed haddii la tix gelin waayo ay noqonayso in la qallajiyay jeex mujtamaca ka mid ah, dhinaca kale hooyadu waa ta soo saaraysa jiilka berri hagaya umadda, markaas hadaan hooyada la tababarin  oon la dhisin maskaxdeeda ay saamayn ku yeelanayso ilmaha ay dhasho, waxa jirta xikmad ahayd “Hooyadu waxay awood u leedahay in gacanteeda midig ku luxdo ilmaha dhabteeda ku jira ta bidixna aduunka kale”!!

Markaas hooyada haysa mansab khatartaas leh ma aha in la dayaco oo laga xayiro aqoonta, fikirka iyo ka qaybqaadashada go’aanada, ka faa’idaysiga maskaxdeeda iyo taageerida horumarka bulshada, waana taas ta islaamku u tix geliyay gabadha.

 

Haddii aan eegno dumarka reer Galbeedka xilliyadaas waxay ahaayeen qaar aan loo ogolayn inay wax bartaan ilaa iyo xilli dhaw,oo waxaaba la xusayaa in taariikhdu markay ahayd 1861 miiladiga, ay gabadhii ugu horraysay ee Faransiis ahayd dalbatay in loo ogolaado inay soo fadhiisato imtixaanka dugsiga sare laakiinse nasiib darro lama aqbalin dalabkeedaas, ilaa uu markii dambe soo dhex galay Naabilyoonkii saddexaad iyo wasiir Rolan,Waxaaba la yaab leh in sannaddii 1567 miladiga xilligii boqor Henerigii siddeedaad baarlamaanka Ingiriisku soo saaray qaraar xaaraantinimaynaya in ay gabadhu akhrisato kutubta Injiilka iyo Ciisa Masiix.

Waxa iyana la sheegay in jaamacaddii ugu horraysay ee albaabada u ballaqday dumar ay ahayd jamacad ku taal dhulka Jarmalka  Jaamacadda Rorbakh sannadii 1849 miladiga.

Sidaas ayuu u kala horreeyay baraaruga xaqa haweenku u leeyahy waxbarashada, fikirka gabadha xadaarada islaamka iyo ta galbeedka.

 

La soco qaybaha kale…..

 

Naciima Cabdi Galiixe

 

Kuliyada  Barashada  Siyaasada  Iyo Xidhiidhka Caalamiga  Ah Ee Jamacada New Generation University

 

Email: naciimagaliixe@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here