Abwaan Cabdi-Qays wuxuu innagula hadlayaa luuqad aynnu la naqaanno oo magaceeda laydhaahdo Suugaan. İyada ayuu sooyaal, murti iyo farriinba innoo soo dhexmariyay. Sidaasay inoogu duxaysaa;
oo ay dhegteenna sida bir-labta intay soo jiidato ugu dhagaysaa. Haddii kale maansadani safka hore kama gasheen maansada sSomaalida ee hummaagyada maldahan ee qofaynta ka alkuman. Waxay la bah-wadaag noqonaysaa maansadii Guuguule ee Alle ha u naxariistee maansayahankii foolaadka ahaa Ismaaciil Mire uu shimbirkaas ku cabbiray dareenkiisa.
İn xawayaan, xabaal, geed iyo dugaagba la qofeeyaa waa wax waligeedba maansada soomaalida ka sugnaa amma waxaynnu odhan karnaa waa ged lagu yaqaannay. Darmaan iyo Dalxiis ma ahan mala-awaal ee waxay ka biqishay dareen waagaa soomaaliya ka jiray. Qaabka sheeko-wadaagga ah iyo hannaanka ay Darmaan (Dameerka) iyo Dalxiis (Cabdi-Qays) u jilayaan wacyigii dalka ka jiray ayaanad kaba xiiso goynayn.
Maansadu farriinta ay gudbinaysaa waa sooyaal qadhaadh oo ay soomaalidu soo dhadhamisay todobaatannaadkii. Waa duni ay koox kaliyaati ka doobinayso oo diriceedii hadh-cad hilbihiisa loo wadhay waraabaha. Ha hadlin. Waxba ha arkin. Car juuq dheh. Cago-juglayn. İntaas oo addin iyo ereyba lagu fulinayo ayaa dalka taallay. Waxa sida ul iyo diirkeed iskugu dhaggan waayihii ummadda soomaaliyeed haystay iyo Darmaan iyo Dalxiis. Xabsigii iyo tacaddiyadii kala duwanaa ee nidaamkii Siyaad Barre u gaystay aqoonyahanka soomaaliyeed ayuu Cabdi-Qays saamiga ugu badan yeelanayaa. Hasa ahaatee, maansadan abwaanku uguma doodayo dameer iyo naftiisa oo kaliya ee wuxuu qareen u yahay dad iyo duunyo dayacan.
Cabdi-Qays wuxuu maansadan si xeel-dheer oo faahfaahsan uga gudbiyay barnaamijkii “Sirta Ereyga” ee Wasaaradda Warfaafinta Jabbuuti soo agaasintay, isuguna keentay hal-abuurro badan; Maxamed İ W Hadraawi, Gaarriye, İbraahin Gadhle, Cabdi Muxumed-Ammiin iyo kuwo kaleba way ku sugnaayeen madashaas bilan.
“Cabdi haddaan mataal u soo qaadanno wuxuu ahaa nin muddo fara badan xidhnaa. Run ahaanna tiro ahaan wuxuu xidhnaa toban sanno. Haddaanu ahayn ninkii ugu badnaa ee suugaan u xidhnaa amma rayi cabbiraad; qof ka xadhig badnaa inuu jiro ma maqal. Markaa waxaannu jecelahay Cabdi arrintii ugu xiisaha badnayd ee intii uu xidhnaa inuu ka sheekeeyo. Kollay qof xidhan wuxuun baa soo maraya. Waxaannu maqallay in adiga (Cabdi-Qays) iyo dameer meel laydinku wada xidhay”. Sidaas waxa yidhi wariye Abokor Muuse.
“Waxa weeye dee innagu dad baynnu ka hadlaynaa, waxa xaqiiqo ah anigu markaan arkay wixii waxaa yeelay (ciddii Dameerka xidhay) inaad waxbaba weydiiso maaha. Nin baa la xidhay, lug baa la jaray, dukaan baa laga dhacay iyo aqalbaa laga gubay iyo toban sannadood buu xidhnaa iyo waxaasi ma soconayaan, markaad aragto dameer xidhan. Laba iyo toban sannadood baan xabsiga kaga imid dameer xidhan. Waxa caado u ahayd Soomaaliya weliba caasimadda Muqdisho, markuu arlada haystay macallinkii weynaa (Siyaad Barre); marka wufuuddu imanayso ayaa waxa la raafi jiray dadka, adiguna (Gaarriye)[i] maansaad ka tirisay taas, waad ogayd carruurtii yaryarayd. Markaa waxa la ururrin jiray magaalada caasimadda waxa foosha xun, dadka gidaarrada seexda, baalash-layaasha, dameeraha, lo’da, adhiga wixii caynkaas ah. Waxa dadka laga raaridi jiray Jasiirraddii “Juulayj Waay”.
Toddobo boqol ayaa berigaa la geeyay carruurta jasiiraddaas. Shan boqol baa ku dhintay, mooyi wax kasoo baxay. Haa, si aan gaajo iyo darxumo loo arag, caadi bayna ahayd (wax markasta dhaca). Haddaba xoolaha waa la qabqaban jiray, marka la ururriyo ayaa la gayn jiray dayr dawladda hoose leedahay, dabadeed ganaax baa laga qaadi jiray dadka xoolaha leh. Ayaan darro, 1976-kii ayaa xoolaha la ururriyay, sidii loo eryayay ayaa la geeyay Xabsiga Laanta Buur-dheer. Markaa xooluhu waxay isugu jireen adhi, lo’, geel iyo dameero. Haddaba xabsiga sidee lagu galaa? Xabsigu isagu İstayshan maaha oo dad ma soo qabqabto oo ma geeyo jeelka ee maxkammadda ayaa dadka ay soo xukunto la keenaa Xabsiga. Xoolahan markii lasoo qaadayay annaku waxaannu ahayn maxaabbiis; waxa nalaga soo beddelay aniga iyo Cabdinaasir Naxar iyo rag badan oo kaleba xabsiga Xamar. Markaa Laantii Buur maalin baa xoolaha nala wada geeyay. Baabuur baannu aragnay xoolo ka buuxaan. Dabadeed waxaannu isweydiinay waar xoolahan ma askartaa soo iibsatay. Miyay ku ganacsanayaan, mise way qalanayaa. İlaa saddex albaab oo kala dambeeya ayuu xabsigu lahaa. Markaa warqad ayaa magacaaga laga sheegayaa, sidaas bay dadkan iyo xooluhuba ku galayaan. Markaa xaruntii Asluubta oo uu haysto İsmaaciil Axmed İsmaaciil ayaa la soo marayaa. Xafiis nin kornayl ahi haysto oo laydhaahdo qaybta Xabsiyada ayaa warqad laga soo qaadanayaa si loo sii daayo. Markaasuu kornaylkuna warqad qorayaa, oo lagu waydiinayaa yaa ku garanaya? Warqaddaa dadka lagu soo daynayo ayaa xoolahana lagu sii daynayaa.
Haddaba annagu xabsigayagii iska galnayoo, markaas 76kii bay ahaydoo, Xoolahan iyo askartii waxay isla muteenba warba umaanu hayn. İska soo baxnayoo. 1982-kii ayaa haddana lay xidhay. 1984-kii ayaa lay geeyay Xabsigii Laanta Buur-dheer. Markaa Qaran-dumis ayaannu ku eedaysnayn. Waxa qolkan igu xigga ku xidhan wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cumar Xaaji Masalle iyo rag badan oo kale ayaa xabsigan ku jira. Dameer uun baa xaggan dambe ka ciya, waannu ka seexan waynay khururuftiisa. Waa nin iyo kaligii qolku. Waannu ka ashkatoonnay dameerkii, dee adeer dameerkani muxuu ahaa baan ku idhi askarigii ilaallada ahaa. Askartii aannu berigii kaga tagnay xabsiga ayaa weli joogta, waxay yidhaahdeen xoolihii barigii waa dameer ka hadhay. Kuwee? Waa toddobaatan iyo lixdii. Oo Xoolihii barigii miyaa la soo xidhay? Haa…. Oo siday noqdeen xoolihii. Qaar waa lasoo doontay, qaar way bakhtiyeen. Dayr weyn oo jeelku leeyahay ayuu ku jiraa dameerkuna. Wax soo doontana wuu waayay, waanu dhiman waayay. Waxaannu nidhi oo idinku maxaad ugu shaqaysan waydeen? Waxay yidhaahdeen lama ogola. Hadduu bakhtiyo waa in maxkammadda la keenaa, oo warqad lagu dul dhajiyaa. Markaan jeelkii ka soo baxay, jeelkiina wuu igaga dambeeyay dameerku, 12 sanno ayuu xidhnaa. Markaan baxay dawladdii oo dhan ayaan u sheegay dameerkii xidhnaa.
Habeyn anigoo gurigayga iska fadhiya ayuu isoo galay nin oday ah oo la yidhaahdo Cali Samatar. Waa saq dhexe, nabdaaddo dabadeed ayaan ku idhi: “dawladdan aad Raysal wasaaraha ka tahay aan kaaga sheekeeyo’e in yar idhagayso”. Maansadan aan ugu dacwoonayo dameerka ayaan u dareeriyay. Markii aan maansadii dhammeeyay ayuu yaabay, waxaan u raaciyay “Dawladda aad Raysal wasaaraha ka tahay dameer baa u xidhan”.
Wuxuu iigu jawaabay “weligaa kolla ma waalatay” waxaan ugu jawaabay “imikaan waalanahay ba”. Wuxuu u qaatay falsafad.” Ma tan baad maantana keentay” ayuu iigu soo gabagabeeyay. Dameerkii waxa u dacwooday maxaabiistii İtoobiya iyo Soomaaliya is waydaarsanaysay. Waxay yidhaahdeen “11 sanno ayaannu ku jirnay xabsiga dameerkuna wuu naga soo horreeyay”. Tafaasiishaas dheer buu abwaan Cabdi-Qays ka bixiyay maansadan.
La soco qaybta saddexaad…..
Cabdixakiin M Maxamuud Marayare