Nuxurka Bayaan Ay Caweyskii Caawa Soo Saareen Golaha Aqoonyahanka Qalinka Daa’uud Oo Kalsoonidii Kala Noqday Xukuumadda Md. Siilaanyo
Bayaan uu soo saaray Golaha Qalinka Daa’uud
Golaha aqoonyahanka iyo dhaliyarada Beelaha Daauud Ismaaciil ee loo soo gaabiyo QALINKA DAAUUD oo shir balaadhan isugu yimid Hotel Dalxiis Habeenkii Sabtida ee Axadu Soo Galaysay 28/02/2015 waxa ay tashi iyo qiimayn ku sameeyeen Qaabkii milgaha Qaranamida Ka Fogaa Ee Xukumadda Kulmiye u Martay Isku shaandhayntii Golaha Wasiirada iyo guud ahaanba heerka dalku maanta marayo oo hadaan si degdeg ah wax looga qaban khatar weyni soo food saartay waxaana ay isla Garteen qodobada hoos Ku Xusan.
Golaha Dhalinyarta iyo Aqoonyahanka Beelaha Daa,uud Ismaaciil waxa shirkoogaas ay ku muujiyeen in Xukumadda Axmed Siilaanyo ay lumisay kalsoonidii iyo taageeradii ay ka rabtaya beelaha Daaauud Ismaaciil Maadaama ay ku kacday Arrimaha Hoos Ku Xusan
- In Saamigii Beeshu Xaqa U lahayd uu weli kaga maqanyahay Xukumada Kulmiye balse hadda ay ku darsatay in ay rifto intii yarayd ee ay hore u haysteen
- Iyada oo aan ahayn markii koobaad ama labaad ee Beeshu tabashooyinkeeda u soo gudbisay madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa balse aanay ilaa hadda waxba ka qaban oo uu ballanqadyo badan ka baxay, isla markaana ay qurux badan tahay in uu qawlkiisa ilaashado
- Waxa Beesha u sii dheer Cadaalad darro xagga shaqaalaysiinta ah, Adeeg la’aan degaanka beesha ah iyo weliba dhulboob wasaarada duulista hawada iyo ciidamadu iska kaashadeen oo weli socda
- Anaga oo dareensan in xaqooda la marsiiyo Gobolada Sool Sanaag Bari Iyo Awdal waxa aanu Bayaankan ku cadeynaynaa in Beesha Dhexe aanay Masuuliyadaas wada lahayn balse ay dusha U sudhan tahay siilaanyo iyo Beeshiisa waxaana laga dheehan karaa qaabka aan marnaba wasiir Beeshiisa ah aanu Utaabanin
- Wadahadalada Somaliland iyo Somalia oo heer masiiri ah maraya isla markaana ay beel gaar ahi isku koobtay kuma Qanci doono wax walba oo ka soo baxa maadaama aan beesha cidi ku metelin.
- isku-shaandhaynta uu Madaxweynuhu sameeyay 28kii Febraayo 2015 waxa ka muuqata in madaxweynaha caafimaadkiisu liito oo aan talada dalka lagu sii aamini Karin kol hadiiba uu wax kale daaye saaxiibadiisi ugu dhawaa sheegeen in aanu talaba gacanta ku haynin
- Sidaa Daraadeed Ka dib marka aanu aragnay Xaalada Wadanku Marayo Waxa aanu Ugu Baaqaynaa Xubnaha Golaha Wasiirada ee Beelaha Daauud Ismaaciil Ka Soo Jeedaa in ay iska casilaan xilalka ay hayaan kol hadiiba aan wadatashi iyo tix gelin lagala yeelan masiirka dalku marayo taas bedelkeedna ay ummadda u taliyaan Kudlad u badan ehel iyo Qaraabo.
- Shicib weynaha Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa in Xukumadan maanta talada haysa oo xakamihii Soo Goosatay Mudaahraado Salmi ah lagala Horyimaado
- Waxa aanu ku baqaynaa dhamaan shacabka Somaliland in ay walaaltinimada Nabada iyo Khayraadka inaga wada dhexeeya la wada dhowrto.
Waxa aanu faraynnaa Cuqaasha iyo Salaadiinta beesha in ay iclaamiyaan shirweyne aaya ka tashi ah oo beeshu isugu timaado maadaama maamulka siilaanyo dalkii fowdo geliyey.
Ugu danbayn, waxaanu ku celinaynaa Xukumada KULMIYE oo Sadbursi, Eex Qaraabo Kiil, Qabiilo kala jecleysi iyo Dulmi ku caan baxday in ay kala dirtay dalkii iyo dadkii midaysnaa ee madaxweyne Rayaale hore ugu wareejiyey oo aan loo sii dulqaadan doonin sidaa daraadeed 26/06/2015 haday doorasho ku qabsoomi weydo aanan u aqoonsanaan doonin xukuumad sharciya maadaama ay lumisay sharciyadii iyo milgihii Dawladnimo
Allaa Mahad Leh.
Guddida Qalinka Daa’uud