Hargeysa (Hubaal)- -Ganacsatada Macdaarrada soo dejiya gaadiidka ayaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxaanay si weyn uga soo hor jeestay Amar ay sheegeen in Wasiirka hawlaha guud siiyay oo ah inay bixiyaan lacag dhan $80 Dollar oo baabuurta soo degaysa uu ka qaado Xafiis Berbera laga furay, iyagoo lacagtaasi ku tilmaameen inay tahay mid Sharci darro ah.
Sheekh Ibraahin Cabdi Xuseen, oo ku hadlayay afka Ganacsatada Baabuurta soo dejisa, ayaa sheegay in kulan ay Wasiirka hawlaha guud kala yeesheen arrintan uu ku amray inay lacagtaasi bixiyaan wax wada hadal ahna aan laga yeelanayn “Wasiirka Hawlaha guud Balan baa noo dhexeysay ahayd in aanu Hawlaha Isla eegno, markii aanu wasiirka la Kulanay ee aanu ku Nidhi Wasiir Arrintaasi way noo cuntami waydey meel ay Cashuurta dalka kaga jirtona waanu wayne Ha nalaga daayo wuu naga diiday, Ma daynayo ayuu yidhi Dekedana kama soo rarayo, lacagta nalagu soo rogayna waa lacag xaaran ah, waayo Dadka Islaamku waxay wax ku kala qaataan waxay isla Ogol yihiin ama Nidaam soo maray oo laysla qaato”.
Sheekh Ibraahim Oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inaanay lacagtani soo marin hay’adihii sharciga ahaa “Mida labaad Lacagtani Baarlamaanka may soo marin oo dee qaranku wuxuu ku heshiiyey wixii Takaaliif ah oo dadka laga qaadayo halkaasi (Baarlamaanka) ha la soo mariyo ayaa la yidhi tiina may soo marin arrintana wasiirka hawlaha guudba noo cadeyey, arrinta kale ee ay lacagtaasi xaaran ku tahay waxa weeyi Golle Wasiir iyo madaxweyne Midna may soo marin, Wasiirka nagu yidhi Jeebkayga weeyan oo aniga lacagta idinku soo rogay, arrintaasi waanu la yaabnay, Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne Dadkani waa Shacabkaagii wixii aanay qaadi karayn ha saarin”.
Maxamed Yuusuf Aadan oo ku hadlayey Afka Macdarada Baabuurta iibiya ayaa waxa isaguna yidhi “Wasiirka Waanu u tagnay waxaanu ku nidhi Wasiir lacagtan aad leedahay bixiya Sharci ma ah wuxuu nagu yidhi nin igala hadli kara ma jiro, Aniga Amarkaa Bixiyey oo lacag guraya marka waxaanu ku nidhi adigu dawlad baad tahay ee lacagta aad sheegaysid halkaaga ku cashuuro, Waxaanu Cod dheer ku leenahay Anagu Yeeli mayno lacag xaaran ah oo wasiirka hawlaha Guud Gurto, shacabku wuu ogyahay Boqol cashuurood ayaa lanagu kordhiyey wali waxa lanaga qaada Aafadii Burco, haddii shacabka lacag inta lagu bilaabo oo laga gurto oo laga dayn waayo soo jabi mayso, Maanta dalkeena Dhaqaalihiisu halka uu marayo waad ogtihiin isla markaana Dekeddii Berbera meel Baabuurtii la kala dhigo ayaa la layahay oo illaa 700 oo Gaadhi ayaa yaalla kuwa soo socdana Ciidaasay ka badan yihiin oo waxa nalagu yidhi illaa aad bixisaan lacagta nin Bareefad ah laydinka qabban maayo lacagtii cashuurta ahayd taasina waa Dulmi, Madaxweyne Arrintan wax ka qabbo ma ah Cashuur sharci ah ee waa Mashruuc loo sameyey nin, waxa jirta in Baabuurkii ay mariyeen meeshasi isla markii uu dekeda Berbera ka soo baxay uu Duqeeyey marka meesha Qalab fiicana may keenin oo waa mid ay lacagta ku Urursanayaan, wasiirkuna wuxuu nagu yidhi Boqolkiiba konton aniga leh Kontonka kalena waxa leh niman Bagistaani ah .”